Wasiirka Khaarajiga Oo Ka Waramay Mashaariic Midawga Yurub Ku Dhisayo Awooda Ciidamada Xeebaha Somaliland Iyo Doorka Ay Ku Yeelan Doonaan Doorashada Deegaanka
 

 

 

Hargeysa (TNN) – Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Dr. Maxamed C/laahi Cumar ayaa ka waramay Mashaariic ay Midawga Yurub ku dhisi doonaan awooda iyo tayada ciidamada xeebaha ee shan dal oo ku yaala bariga Afrika oo Somaliland ka mid tahay, kaas oo sheegay in waftigii doraad yimid ee uu ho gaaminayey Ergeyga Midawga Yurub ee Somaliland iyo Somalia inuu sida fariin ku taxaluqda sida ay u danaynayaan inay ka shaqeeyaan Wadamadaasi sidii dalku u yeelan lahaa Ciidamo awooda buuxda u leh ka hortaga Budhcad-badeeda ka qawlaysata biyaha mandaqada bariga Afrika.

Dr. Maxamed C/laahi waxa uu sidaas ku sheegay Waraysi Khaas ah oo Haatuf khadka telefoonka ku siiyey isaga oo ku sugan Hargeysa, kaas oo uu sidoo kale ku sheegay in Midawga Yurub balanqaaday inay gacan dhaqaale iyo mid farsamo-ba ka gaysan doonaan doorashada deegaanka ee la filayo inay Somaliland ka qabsoomaan dhamaadka bisha November, kaas oo sheegay inay goobjoogayaal u soo dirsan doonaan doorashooyinkaas.

Wasiirka Khaarajiga Somaliland Maxamed C/laahi waxa kale oo ka hadlay dareenka bulshada Somalila nd ka bixiyeen qiimayntii xukuumadu iskugu codaysay inay 70% fuliyeen balanqaadyadoodii, kaas oo qiray in doorkii bulshadda rayidka ahi ku lahayd qiimayntaas inay maqnayd, isla markaana xusay inay qiimayntaasi ku koobnayd mid xukuumadda gudaheeda isku qiimaysa ayna qabteen waxbadan oo ay awoodi waayeen xukuumadihii ka horeeyey. Dr. Maxamed C/laahi isaga oo ka hadlaya ujeedada socd aalkii Maalintii Jimcihii issaga iyo Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali X. Xasan ay ku tageen gobolka Gabiley, waxa uu yidhi “Ujeedada socdaalkii aan aniga iyo Wasiirka Madaxtooyadu ku tagnay gobolka Gobiley waxa uu ahaa kormeer iyo iska warhayn aanu xaalada dhabta ah ee bulshada gobolkaas ugu kuurgalaynay, iskuna waraysanayeynay. Markaa safarkaas aanu Jimcihii ku tagnay halkaasi waxaanu la kulanay waxgaradka iyo bulshada gobolkaas oo run ahaantii aanu si wayn iskula garanay mihiimada wada shaqaynta shacbiga deegaankaas iyo xukuumadda Somaliland ee aan ka midka ahayba, markaa masuuliyiinta dhaqanka iyo kuwa xukuumadda ee gobolkaasba kulamo is waraysi ah ayaanu yeelan ay.

Waxaananu isla garanay in baahiyaha gobolkaas ka jira ee u baahan in wax laga qabto, kuwaas oo run ahaantii xukuumadda u qorshaysan inay wax ka qabato, markaa socdaalkayagaasina waxa uu ahaa uun masuuliyad na saaran inaanu la kulano bulshadda kala duwan ee dalka oo aanu runtii soo gudanay. Mida kale safarkaas aad sheegtey ee Madaxwaynaha iyo kaayagani marka aad eegto xidhii dh way yeelanayaan oo labaduba waa u kuurgalida xaalada muwaadiniinta gobolkaas oo uu runtii Ma daxwaynuhu Oday noogu yahay oo uu nooguna igmaday inaanu bulshada ugu shaqayno si hagar la’a an ah”.

Dr. Maxamed C/laahi Cumar mar uu ka hadlay nuxurka socdaalkii doraad ee Ergeyga Midawga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Somalia, waxa uu yidhi “Socdaalkii uu shalay dalka ku yimid waftigii uu hoga aminayey Safiirkii Midawga Yurub nuxurka ujeedadiisu waxa uu ahaa in uu xukuumadda Somaliland so o gaadhsiiyo mashruuc cusub oo Midawga Yurub ka hirgalinayo shan wadan oo bariga Afrika ku yaala oo ay ka mid yihiin Somaliland, Djibouti, Tansaaniya iyo Siishalis oo loogu talo galay in kor loogu qaado Ciidanka Xeebaha ee wadamadaasi si looga caawiyo awooda ay u leeyihiin inay iska caabiyaan Budhc ad-badeeda ka qawlaysata biyaha dalalka geeska Afrika, isla markaana uu Mashruucaasi in mudo ah ba socday, waftigan uu Ergayga Midawga Yurub-na ay isku wada mareen dhamaan shantaa dal.

Markaa ujeedada ugu wayn ee safarkaasi sidaas ayey u dhacday oo ay ahayd, waxaana ku wehelin ayey Safiirka Sarkaal sare oo ka tirsanaa Ciidamada Faransiiska oo masuul uga noqon doono Mashruu can fulintiisa. Waxa kale oo waftigani nala soo qaadeen doorashooyinka bisha November ka qorshay san inay dalka ka qabsoomaan iyo in midawga Yurub ee uu wakiilka ka yahay inay taageero hiil iyo ho oba la garab istaagi doonaan doorashooyinkaa golaha deegaanka, isla markaana usoo dirayaan goobjoogayaal uga qaybtala doorashooyinkaas”.

Wasiirka Khaarajiga Maxamed C/laahi mar wax laga waydiiyey dareenkii bulshadda Somaliland ka bixi yeen qiimayntii ay xukuumadu iskugu codaysay iyo doorka bulshadda rayidka ahi ku lahaayeen qiima ynta xukuumada ay doorteen, waxa uu ku jawaabay “Markii aanu xukuumad ahaan qiimaynay balan qaadyadii aanu qaadnay waxa noo soo baxay in 70% aanu qabanay oo arimo badani ay fuleen, tusa ale ahaan waxa ka mid ah balanqaadyadii ugu waawaynaa in Axsaabta Ururada Siyaasada la furo oo waa la furay oo waxay ahayd arin culus oo saamaynteedana leh, waxa kale oo ka mid ahaa balan qaa dyadaas in lacagtii Giimbaarta ahayda laga badalo gobolka Togdheer, waxa ka mid ahaa in Waxbarash ada Aas-aasiga ah la fududeeyo oo waa la fuliyey iyadana oo lacag la’aan laga dhigo taasna sanadba iyada oo aanay xukuumadu gaadhin ayaa la fuliyey, waxa kale oo aanu balanqaadnay inaanu Mucaa winooyinka la xisaabtano oo taasna waanu fulinay oo hay’adaha waanu la xisaabtanaa, waxa kale oo balanqaadyadaas ka mid ahaa in la dardargaliyo siyaasada khaarajiga ee Somaliland oo runtii waxw ayn ku soo kordhisay Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland, isla markaana meelo badan oo aana y gaadhi jirin gaadhay. Mida kale qiimayntani waxay ahayd mid xukuumadda gudaheedu iskula xisaab tamaysay oo ay ku qiimaynaysay wixii uga qabsoomay balanqaadkii, hase yeeshee waa gar inaanu sharaxno oo aanu cadayno qiimaynta aanu ku samaynay balanqaadkii aanu galnay”.

Wasiirka mar la waydiiyey in bulshaddu xaq u leedahay inay qiimayso xukuumadda oo taasna aanay samaynin dawladda Madaxwayne Siilaanyo, waxa uu yidhi “Waanu jecelnahay in bulshaddu na qiimayso, qiimayntan aanu ku sheegnay 70% waa mid xukuumadu isku qiimaysay dhexdeeda markaanu eegnay waxqabadkayagii mudadii ay xukuumadu talada dalka haysay waanay noo muuqataa inaanu qabanay qiyaas intaas leeg. Mida kale waa run oo doorkii bulshadu wuu ka maqnaa qiimayntii xukuumadda, waananu sugaynaa qiimaynta bulshadda rayidka ah oo waanu soo dhawaynaynaa, isla markaana waanu jecelnahay inay wixii aanu khaladno inay noo sheegaan shacbigu, wixii aanu wanaajinana ay nagu bogaadiyaan”

 

Source:Haatuf