Wasiirka Khaarajiga Oo Beeniyey War Sheegayey In Madaxwayne
Siilaanyo Iyo Faroole Ay Ku Kulmi Doonaan Dhawaan Dalka Maraykanka
Dr. Maxamed
C/laahi waxa uu sidaas ku sheegay mar uu shalay .... ...... ......
Hargeysa (TNN)-Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Dr. Maxamed C/laahi
Cumar ayaa beeniyey warar sheegaya in dhawaan madaxwayne Axmed
Siilaanyo iyo madaxwaynaha maamul goboleedka Puntland C/raxmaan
Faroole ay ku kulmi doonaan dalka maraykanka, waxaanu ka dhawaajiyey
in arintaas ay tahay waxba kama jiraan.
Dr. Maxamed C/laahi waxa kale oo uu tafaasiil ka bixiyey doorka
Somaliland ay ka ciyaari karto daminta colaadaha ka aloosan Somalia,
waxaanu sheegay in Somaliland ay talaabo wax ku ool ah ka ciyaari
doo nto marka uu Sheekh Shariif joojiyo sheegashada uu Somaliland
sheegto, taas oo uu wadamada caala mka ugu sheego in
Somaliland ay tahay qayb ka mid ah Somalia oo isaga hoostagta,
waxaanu tibaaxay in ay taasi caalamku ka wada dharagsan yihiin isla
markaana ay tahay riyo uu ku jiro Sheekh Shariif oo isaga u gaar ah.
Wasiirka khaarajiga Somaliland Dr. Maxamed C/laahi Cumar waxa kale
oo ka hadlay waxa ka hortaagan inay Somaliland beesha caalamka ka
mid noqoto oo ay ictiraaf ka hesho beesha caalamka, waxaanu
tilmaamay inay taas sababteeda leeyihiin wadamo ka tirsan qaarada
Afriko oo iyagu ka cabsi qaba in wadamo cusubi ku soo biiraan
qaarada.
Wasiirka amuuraha dibada Somaliland Dr. Maxamed C/laahi waxa uu
sidaas ku sheegay mar uu shalay waraysi khaas ah wariye Haatuf ka
tirsan ku siiyey Hutel Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxaanu
xogwarankaas kaga hadlay arimo badan oo ay ka mid yihiin safarkiisii
uu todobaadkan kaga yimid dalka Ethiopia iyo waxbaabihii ay ka wada
hadleen madaxda dalkaas, isla markaana waxa kale oo uu ka hadl
ay ciidamada la sheegay in maamul goboleedka Puntland uu soo dhoobay
xadka magaalada Buuhoodle, waxaanu ugu baaqay maamulkaas in ay ka
shaqeeyaan daganaanshaha mandaqada, ugu horayna isa ga oo
wasiirku ka hadlaya xalka Somalia sida uu ku jiro, waxa uu yidhi
“Sida aan hore-ba u sheegay in shacbiga Somalia dhibaatadaa ka
baxaan waa mid aanu soo dhawayna yno xukuumad ahaa iyo shacbi
ahaanba, laakiin waxa xaqiiq ah inta Sheekh Shariif sheeganayo
Som aliland oo aanay waxba iskaga jirin, wax faro galin ah
Somaliland ku samayn mayso arimaha gudaha Somalia, taas macnaheedu
maaha shacbiga Koonfurta waxba uma qabanayno, maxaa yeelay
Somalila nd waxa hada ku sugan dad 200,000 qof ka badan oo oo
qaxooti ah oo ka soo baro-kacay dagaalada ka socda Somalia, runtiina
shacbi ahaan iyo xukuumada ahaanba aad ayeynu u soo dhawaynaynaa
walaal ahayga Somaliya, hase yeeshee waxa wanaagsanaan lahayd
Somalia in ay ogolaadaan horumarka iyo qaraarka Siyaasadeed ee
shacbiga Somaliland gaadheen, markaa waxaan kula talinayaa in ay
Somalia ogolaadaan go’aanka muqadaska ah ee ay umadani gaadhay,
hadii ay Somalia ogolaato inay Somaliland aqoonsato waxa dhici
lahayd in aynu safka hore ka galno arimaha lagu joojinayo
dhibaatooyinkaas, sababta oo ah beesha caalamka waynu uga dhawnahay”.
Dr. Maxamed C/laahi Cumar mar uu ka hadlayey safarikiisii uu
todobaadkan gudihiisa kaga yimid caas imada Ethiopia ee Adis
abab iyo waxyaabihii ay ka wada hadleen madaxda dalkaas, waxa uu
yidhi “Safa rkaygii aan ku tagay dalka aynu jaarka nahay ee
Ethiopia, wuxuu la xidhiidhayey sii amba qaadka iyo heshiisyadii
hore uga dhaxeeyey labada ale e Somaliland iyo Ethiopia, sida laga
warqabo waxa labada wadan ka dhaxeeya heshiisyo saamayn ku leh xaga
nabad galyada, xaga dhaqaalaha iyo xaga siyaasa daba, waxaanay
xukuumada cusub ee uu hogaaminayo madaxwayne Axmed Maxamed
Maxamuud Siil aanyo markii ay talada dalka ku guulaysatayba
dardar galisay oo ay dhaqaajisay heshiisyadaa labada dalka ka
dhaxeeya sidii uu u noqon lahaa mid munaafacaad u leh bulshada
labada wadan ee Somaliland iyo Ethiopia, waxa qodobadaas mihiimka ah
ka mid ah ee aanu ka wada hadalnay madaxdaas sidii loo dardar galin
lahaa xidhiidhka dhinaca nabad galyada iyo ka dhinaca siyaasada ee
labada dal ka dhax eeya” isaga oo hadalkiisa sii watana waxa
uu yidhi “Sidaan hore-ba u sheegay arimahaas aanu kala hadalnay
madaxda dalka Ethiopia ee aanu la kulanay oo runtii aad noo soo
dhaweeyey waxa kale oo ka mid ah arimaha xaga dhaqaalaha iyo
maalgashigaba, waxa jiray wada-hadalo hore labada ugu dhaxee
yey oo ku saabsan isticmaalka Dekada magaalada Berbera, sida aynu
wada ognahay Dekada Berbera waa dekad wayn oo aanay ummada reer
Somaliland sidii loo baahnaa uga wada munafacaadsan, arima ha
hortaagan dekaduna waxa ka mid ah Maalgalin la’aan oo qalabkii ay u
baahnayd ayaanay wada ha ysan, Insha Allah marka aynu helno
qalab ku filan dekada waxa dhacaysa in sida maanta loo isticmaalo in
si ka wayn looga munafacaadsan doono. Hadii aan u soo noqdo
wadahadaladaas dawlada Ethiopia waxa ay aad u danaynaysaa oo rabtaa
in ay isticmaasho dekada Berbera, taasna Somaliland dan wayn ayaa
ugu jirta haday noqon lahayd xaga dhaqaalaha iyo xagwalba. Ethiopia
waa dal balaadhan oo 80 Malyan oo qof gaadhaya, waxa ay u baahan
yihiin in ay isticmaalaan dekaddo badan oo laba iyo sade xba
iyo afarba gaadhaya, waxaanay dawlada Ethiopia leedahay qorshe dheer
oo Itiraatiiji ahaan aad u dheer oo ay ku rabto in ay dhaqaalaheeda
iyo horumarkeeda kor ugu qaado tobonka sano ee soo socda, markaa
hadii ay dhacdo in Ethiopia ay isticmaasha dekada Berbera waxay
shacbiga reer Somaliland u noqonaysaa il dhaqaale oo xoogwayn oo
dalkan ka maqnayd oo ku soo kordhaysa”
S: Dawlada Ethiopia ma kala hadasheen sidii ay Somaliland uga caawin
lahayd qalabkaas aad sheegtay in dekada Berbera ay u baahan tahay?
J: Sida runta ah Ethiopia waa dal aynu jaar nahay oo dano badani
inaga dhaxeeyaan, hadana aad ayey ugu adag tahay in ay arimahaas wax
inagala qabato, baahiyaha ka jira dekada Berbera waa masuulid saaran
dawlada Somaliland, waxaananu dawlad ahaan aad ugu hawlanahay oo
aanu ka shaqaynaynaa sidii aanu u heli lahayn maalgashi shisheeye oo
dekadeena ka dhigta mid casri ah oo la mid ah dekadaha wadamada
horumaray.
S: Maxaad tafaasiil naga siin kartaa booqashada la sheegay in
Madaxwayne Axmed Siilaanyo dhawaan ku tagi doono dalka Shiinaha,
taas oo warar aan lagu kalsoonayn ay sheegeen xukuumada Bijiin in ay
diyaarinayso roog cas oo ay ku soo dhawayso madaxwaynaha Somaliland
Axmed Siilaanyo?
J: Xukuumad ahaan waxa naga go’an in aanu bulshada caalamka iyo
wadamada horumarayba in aanu la yeelano xidhiidh ganacsi iyo mid
maalgashiba. Dawlada China waxa ay ka mid tahay wadamada aanu aadka
u danaynayno in aanu ka helno maalgashi, waxa marag ma doon ah oo
aynu ka wada warqabnaa in dalkeenu uu u baahan yahay maalgashi
dibadeed, dekaddo ayeynu u baahan nahay oo Madaaro ayeynu u
baahanahay iyo adeegyo kale oo dalkeenu u baahan yahay oo waawayn
ayaa jira, arimahaas ku hali mayno mucaawimada ay wadamada caalamku
ay bixiyaan mana kafayn karto mucaawimadaas baahiyaheena, dalkeena
Somaliland waxa uu u baahan yahay maalgashi wayn oo xoog ah,
China-na waxa ay ka mid tahay wadamada waawayn ee maalgashiyada
waawayn caalamka ka sameeya. Xukuumad ahaan waxaanu jecel nahay
aadna aanu u danaynaynaa in aanu wada hadalo la samayno xukuumada
China, marka wakhtigeeda la gaadhana madaxda labada wadana way kulmi
doonaan.
S: Maxaa ka jira wararka sheegay in dhawaan madaxwayne Axmed
Siilaanyo iyo madaxwaynaha maamul goboleedka Puntland in ay dalka
Maraykanka ku kulmi doonaan?
J: Haba yaraatee Wax wada hadal ah oo dalka maraykanka ku dhexmaraya
madaxwaynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo C/raxmaan Faroole ma
jiraan. Dawlada Maraykanku waxa ay ka mid tahay wadamada Somaliland
ka taageera dhinaca fidinta dhinaca dimuqraadiyada, gargaaar dhinaca
binu-aadam-nimada ahna Somaliland siiya, runtiina waxa aanu hada
dawlada Maraykanka ka filaynaa taageero wayn inay ka gaystaan
dhinaca arimaha horumarka, marka wakhtigeeda la gaadhana waxay
madaxda Somaliland ku talo jiraan in madaxda ugu saraysa Maraykanka
in si fool ka fool ah ay arimaha Somaliland ugala hadlaan.
S: Maadaama oo aad tahay wasiirkii khaarajiga Somaliland wakhtigan,
isla markaana aad inbadan ka ogtahay siyaasada arimaha dibada
Somaliland, maxaad ku tilmaami lahayd ilaa hada Somaliland waxa ka
hortaagan inay beesha caalamka ka mid noqoto?
J: Marka hore waxa aan jeclahay in aan shacbiga Somaliland u cadeeyo
in qadiyada ictiraaf doonka Somaliland ay maanta marayso meel aad u
saraysa runtiina rajo wayn laga qabo in aynu beesha caalamka ka mid
noqono, doorashooyinkii wanaagsanaa ee dalkan ka hirgalay iyo
nidaamka qaranimo ee dhamayska tiran ee Somaliland ka hirgalay
intuba waxay keentay in mawqifkii ay aduunyadu Somaliland ka
taagnayd markii hore in uu isbadalo, siyaasadihii ay beesha caalamku
markii hore ay ka lahaayeen Somalia wixii la isku odhan jirayna hada
waxay u kala qaybsameen Somaliland iyo Somalia, talaabadaasi waa mid
sii dhiiri-galinaysa sidii Somaliland ay uga mid noqon lahayd beesha
caalamka. Dhawaan waxa afti laga qaadi doonaa shacbiga ku dhaqan
koonfurta Suudaan, hadii ay dhacdo in ay doortaan gooni-isku taag
arintaasi waxa ay wax wayn ka tari doontaa aqoonsiga Somaliland.
Hadaan u soo noqdo su’aashaada waxa jira wadamo badan oo Afrika ka
mid ah oo cabsi wayn ka qaba in wadamo cusub ku soo biiraan qaarada,
runtii taasina waa caqabad wayn oo inaga hortaagan inaynu beesha
caalamka ka mid noqono, laakiin waxa aynu si wayn uga dhursugaynaa
qadiyada koonfurta Suudaan oo hadii ay go’aan waji gabax ku noqon
doonta wadamada Africa ee qadiyadeena hortaagan.
Waxa dhici doonta Insha Allah mar aan fogayn oo beesha caalamku ay
Somaliland ku soo hiran doonto, odhana doonaan waa dal wax lala
qabsan karo, ma foga wakhtigaasi.
S: Maxaad kala socotaan xukuumada ahaan shirka la sheegay in uu
Djibouti uga socda shaqsiyaad reer Somaliland oo aan ogolayn gooni
isku taaga wadankan iyo siyaasiyiin reer Puntland ah?
J: Djibouti waxa la sheegay in uu shir uga socdo shaqsiyaad
danaynaya wax ka qabashada mushkilada Somalia, shirkaasina waa mid
lagaga hadlayo arimaha cakiran ee Somalia, sida runta ah xukuumad
ahaan aad ayaanu u soo dhawaynaynaa cidii danaynaysa wixii
dhibaatada lagaga saari karo shacbiga ku dhibaataysan Somalia,
mushkiladaha dalkeena mar mar ka dhaca waxa ay marka hore ka soo
abuurmaan Somalia, in dadkaa ku dhibaataysan koonfurtana in wax loo
qabto kama soo horjeedo, mida kale shirkaas ka socda Djibouti maaha
mid ay Somaliland ka qayb gashay, sida runta ahna waxa aan aad ugu
mahad naqayaa ururada wadaniga ah oo iyagu mar walba ka hadla khatar
kasta oo Somaliland ku soo fool leh, runtiina waxa naga dhaxeeya
wada shaqayn wayn ururadaa wadaniga ah, xukuumada ahaana wixii
lagaga wada hadlay shirkaas uma arko wax Somaliland khuseeya,
go’aanada laga soo saarayna waxa inoo yaal oo ina khuseeya maaha,
waxaanan u soo jeedinayaa dadka shirkaas ka qayb galay in ay
arintooda ku koobaan Somalia, sababta oo ah meeshii bugta ayaa u
baahan in la daweeyo, Somaliland waxa ay ku hawlan tahay iyadu sidii
horumarka ay samaysay ay u sii balaadhin lahayd ee ay bulshada
caalamka wax ula qabsan lahayd.
S: Sideed u aragtaa ciidamada
labada kun ku dhaw ee ay qaramada midoobay isku raaceen in Somalia
loo diro, wax saamayn ah ma kula tahay in Somaliland ay ku
yeelanayaan ciidamadaasi?
J: Marka hore ciidamada jimciyada
quruumaha ka dhaxaysaa ay ansixisay waxa ay waafaqsan yihiin
shuruucda caalamiga ah, sida aynu wada ognahay Somalia waxa saaran
cunaqabatayn dhinaca hubka ah, ciidamadaasina waa kuwo waafaqsan
shuruucda qaramada midoobay, waxaanay ku saleeyeen baahi ay u
gudbiyeen ururka midawga Africa, inta badana ciidamada la keenayaa
waa ciidamo nabada ilaaliya, laakiin waxa ay ila tahay mushkilada
Somalia in loo daayo Somalida dhexdooda taas ayaan u arkaa in xalka
Somalia uu ku jiro, sida runta ahna dhibaatada Somalia maaha arin
awood iyo milatari wax lagaga qaban karo waa arin u baahan in ay
iskaga yimaadaan dadka ku dhaqan Somalia sida masuuliyiinta,
siyaasiyiinta, culimo awdiinka, dhalinyarada iyo bulshada qaybaheeda
kala duwan, waxaanu u aragtaa xalka ugu wanaagsan ee dhibaatada
Somalia wax lagaga qaban karaa in uu kaa yahay.
S: Maxaad kala socotaa ciidamada
la sheegay in maamul goboleedka Puntland ay soo dhoobeen magaalada
Buuhoodle?
J: Somaliland waa dal nabad galyo
ah, dimuqraadi ah oo arimihiisana ku fushada sifo sharciga
waafaqsan, hadiise ay jirto dhaqdhaqaaqyo milatari oo ka dhan ah
Somaliland, qaran ahaan waannu ka tashanaynaa waxaanu u mari doonaan
dariiqa ugu haboon ee loo marayo arintaas. Gobolka Puntland-na waxa
aanu ugu baaqaynaa in ay ilaaliyaa xasiloonida gobolka. Published:
2010-12-29
Source: Haatuf
|