Wasiirka Ganacsiga Oo Xilkii ka Qaaday Maareeyihii Haam aha
Shiidaalka Berbera mid Cusubna Magacaabay

Hargeysa (TNN):-Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga caalamiga ah ee
Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa digreeto Wasiir oo uu
maanta soo saaray waxa uu xilkii kaga qaaday Maareeyaha Haamaha
Shidaalka Berbera Maxamuud Gahayr Ismaaciil. Waxaanu magacaabay
maareeye cusub.
Sidaasna waxa uu Wasiirku ku bayaamiyay digreeto uu soo saaray oo
nuqul ka mid ahi na soo gaadhay, waxaanu Mudane Saleebaan Siciid
Cali u magacaabay inuu noqdo Maareeyaha cusub Haamaha Shidaalka
Berbera.
Digreetadda Wasiirka Ganacsigu soo saaray oo dhamaystirani waxay u
dhignayd sidan:-
“Aniga oo kaaga mahadnaqaya Mudadii aad xilka haysay, laga bilaabo
maanta 00 ay taarikhdu tahay 15/05/2014 waxaan kaa qaaday xilkiii
aad haysay ee Maareeyaha Haamaha Shidaalka Berbera.
Sidaa daradeed, Waxaan ku farayaa inaad sida uu yahay nidaamka
dawligu aad xiI wareejin buuxda u samayso, Maareeyaha Cusub ee aan
xilkan u soo igmaday Mudane Saleebaan Siciid Cali.”
Cumar M. Faarax
Hargeysa,Somaliland |