Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland

 

Cabdillaahi Cali Ibraahim, ayaa sheegay in aanay jirin wax cabsi ah oo ay ka qabaan hujuum dagaal oo kaga yimaada dhinaca maamul-gobolleedka Puntland, isla markaana ay ciidamada Aagga gobolka Sanaag ay ku kordhiyeen ciidamo xoojin ah.
Wasiirka Difaaca oo xalay xog-waraysi siiyay Wargeyska Ogaal, waxa uu si adag uga jawaabay hadal Madaxweyne Ku-xigeenka maamul-gobolleedka Puntland ku sheegay inay dagaal kala hortegayaan hirgelida hawsha diiwaangelinta ee Sool iyo barriga Sanaag.

Waxaanu Wasiirku taas bedelkeeda sheegay in gobolka Sanaag guud ahaan sidii qorshuhu ahaa diiwaangelintu uga hirgashay, marka laga reebo goobo tiro yar oo uu tilmaamay in arrimo farsamo ay dib hawshu uga dhacday.

“Waxaan joogaa Ceerigaabo. Guud ahaan gobolku wuxuu ku sugan yahay xaalad Nabadgelyo, diiwaangelintuna si fiican bay uga socotaa, dadkuna cid kastaa waxay si xamaasad leh ugu jirtaa sidii ay Sanaadiiqda diiwaangelinta u qaadan lahaayeen ee ay u gaadhsiin lahaayeen goobahooda. Marka ilaa hadda wax dhibaato ah oo ka dhacay gobolka oo aan kuu sheegaa ma jirto.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirku.

Wuxuuna intaa raaciyay oo uu yidhi, “Badankooda (goobaha diiwaangelinta gobolka) way ka hirgashay, wax lagu sii jeedo oo ilaa shalay (doraad) dib u dhac ku yimidna way jiraan. Laakiin, intii kalena maanta (shalay) ayay baxday, markaa wax sii socda iyo wax ay ka hirgashay labaduba way jiraan.”

Waxa la waydiiyay in 60-ka goobood ee lagu kordhiyay goobaha diiwaangelinta gobolka Sanaag inay ka hirgashay iyo inkale, waxaanu ku jawaabay, “Anigu ma ahi Komishan, kuumana xaqiijin karo inay goob kasta ka dhacday. Laakiin, waxaan ogahay intooda badani inay ku baxeen Nabadgelyo (hawlwadeenada), wax sii socda iyo wax goobahoodii gaadhay oo shaqadoodii wataana way jiraan. Lixdanka goobood Komishanka ayaad waydiinaysaa siday u qorsheeyeen ee ay u dhigeen.”

Madaxweyne Ku-xigeenka maamul-gobolleedka Puntland Xasan Daahir Afqudhac, ayaa shalay shir jaraa’id oo uu Garoowe ku qabtay kaga hadlay diiwaangelinta gobollada Sool iyo Barriga Sanaag, isla markaana ku hanjabay inay dagaal kala hortegayaan hirgelinteeda.

Sidaa darteed, Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland oo su’aal arrintaa ku saabsan la waydiiyay waxa uu ku jawaabay, “Haddii ay dagaalamayaan (Puntland) iyo haddii kaleba, Barriga Sanaag Sanaaduuqdii way tegtay, waana laga codaynayaa, waxaanan kuu xaqiijin karaa goobaha oo dhan inay ka socoto diiwaangelintu. Markaa Puntland meel ay leedahay haku dagaalanto, haka hanjabto, ciidamana ha u soo direen. Laakiin, Anigu waxaas waxaan u arkaa iska ku-tiri-ku-teen ah oo wax jira ahayn.”

Mar la sii waydiiyay Wasiirka inuu magacaabo goobo ka mid ah barriga Sanaag oo ay haatan ka socoto, waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi, “Way fara badan yihiin, goob qudha iyo goobo yar midna maaha oo way fara badna yihiin.

Laakiin, goobaha qaarkood waa la isku soo yara koob koobay markii ay dadku guurguureen. Markaa badankeeda waa laga hirgaliyay meeshii dad joogay.”

Maalmihii u dambeeyay waxa jiray dhawaaqyo dadka deegaanada Barriga Sanaag ka soo yeedhay oo ka dhan ah hirgelinta diiwaangelinta iyo xataa in xukuumadda Somaliland ciidamo dheeraad ah u dirto.

Sidaa darteed, waxa Wasiirka Gaashaandhiga la waydiiyay in xukuumad ahaan ay wax-garadka deegaankaas wadahadal la gashay, si xaaladda loo dejiyo waxaanu yidhi “Wax wax diidan anagu maanu arag, cid wax diidana maanu wada hadlin. Laakiin, dad aad ugu hamuum qaba in loo geeyo diiwaangelinta ayaanu aragnay.

Balse, waxa dib u dhigay arrimo farsamo oo gobolkuna aad buu u baahsan yahay, waddooyinkiisuna maaha kuwo irmaan ee waa Raf. Markaa wixii habsaamayna arrimo farsamo ayay u habsaameen, cid wax diidan oo aan imika ku odhan karo meeshaas ayaa waxaas diidan ama ka soo horjeeda Anigu ma hayo.”

Cabdillaahi Cali Ibraahin waxa sidoo kale la waydiiyay halista hawlwadeenada kaga iman karta xiisad colaadeed oo halkaa ka dhalata iyo sida ay uga diyaar garoobeen sugida amaanka. Hase yeeshee, Wasiirku qosol kooban oo uu hordhac uga dhigay jawaabtiisa su’aashaas la xidhiidha ka dib waxa uu yidhi, “Adigu (weriyaha waraysanayay) ismaan lahayn su’aashaa waad na waydiin karaysaa.

Laakiin, waxaan kuu sheegayaa maanta gobolka (Sanaag) iyo guud ahaan xuduuddaha Somaliland badankooda waxa ku xeeran ciidamadeena oo jooga, diyaarna u ah iska daa’ Komishan oo wax alla wixii dalkeena xad gudubyar ku soo sameeya inay difaacaan, wax rabash ah iyo wax dhib ahna ma qabaan oo haddii ay wax jiraan iyaga ayay is arki lahaayeen.”

Sidoo kale waxa la sii waydiiyay in ciidamada Somaliland ee aagga barriga Sanaag ay ku ruqaansadeen dhinaca Xuduudka.
“Imika xoojin uun baa loo diray, laakiin awelba way joogeen oo way degenaayeen.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirku. Wuxuuna intaa ku daray, in xaaladda Nabadgelyo ee gobolka Sanaag ay wanaagsan tahay, isla markaana aanay jirin cabsi laga qabo in dagaal lagu soo hujuumo Somaliland.

Haddii dagaal ka hor yimaado hawsha diiwaangelinta gobollada Bariga oo xoog lagu hirgeliyo, wax saamayn ah maku yeelanaysaa sumcadda diiwaangelinta? “Wax ay yeelaysaa ma jirto, waayo goobaha ciidanku joogaa waa goobo difaac.

Markaa Anigu ma qabo inuu jiro ciidan wax yeeli karaya goobaheena diiwaangelinta, ciidankeenuna waa u diyaar waqti kasta iyo cid kasta oo isku dayda inay wadanka carqalad geliso, oo meesha iskamay tegine waxay ku tageen diyaargarow qaabaysan oo ay ugu babac dhigi karaan wax kasta oo ka horyimaada.” Sidaa waxa yidhi Wasiirka Difaaca Cabdillaahi Cali Ibraahim.

Wasiirku waxa uu sheegay in qaar ka mid ah wefti Wasiiro ah oo xukuumaddu u dirtay gobolka Sanaag ay haatan badi ku sugan yihiin magaalada Ceerigaabo, balse ay jiraan xubno ka mid ah oo gaadhay degmooyinka barriga gobolkaas, isla markaana ay joogteeyeen kormeer sida uu sheegay wacyigelin iyo indho-indhayn la xidhiidha oo ay ku marayaan degaamadaas.

 



Wargeyska Ogaal