Wasiirka Duulista Iyo Hawada Oo Maanta Soo Bandhigay Waxqabadkiisii Mudadii Sanadka Ahayd ee Uu Masuulka Ka Ahaa Wasaarada Duulista

 



Hargeysa (TNN)- Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi, ayaa maanta soo bandhi gay waxqabadkii Wasaaradiisa mudadiii Sanadka ahayd ee uu Wasiirka ka ahaa.

Waxa waxqabadkaasi lagu soo bandhigay Munaasibad ballaadhan oo uu maanta lagu qabtay Hotelka Ambaassador ee Caasimada Hargeysa, munaasibadaasi oo ay ka soo qayb galeen Wasiirada Arimaha Gudaha Dr.Gaboose, Ganacs iga Md. Cabdiraaq Khaliif, Qorshaynta Dr. Sacad Shire, masuuloiyiinta Hay’adaha ay Wasaarada Duulitsa wada shaqa ynta leeyihiin iyo marti sharaf kale oo tiro badan.

Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada Iyo Gadiidka Cirka oo ugu horeyn ka hadlay xafladaasi ayaa ka warbixiyay wax qabadkii kala duwanaa ee wasaaradu ku talaabsatay mudadii sanadka ahayd ee ay haysay xilka iyo waliba waxyaabi hii u hirgalay wasaaradaasi.

Maxamuud Xaashi Cabdi wax uu tilmaamay in madaadrada Berbera iyo Hargeysa ay ku sameeyeen dib uhabeyn Bala adhan isla markaana ay dhameystireen Baahiyihii kala duwanaa ee looga bahnaa madaaradaasi, waxana uu Wasiirku xusay in ay muhiimada u weynay siiyeen barxadaha ay diyaaraduhu fadhiistaan ee Garoomada Diyaaradaha ee Harg eysa iyo Berbera.

Wasiirku waxa uu sheegay in Madaarada Boorama, Burco,iyo Laascaanood oo aan hore ushaqayn jirin ay iminka sha qeeyaan, kuna guulaysteen wasaarad ahaan in ay ay ka hirgaliyaan baahiyihii loo baahnaaa.

Wasiirku mar uu ka hadlayay Madaarka Ceerigaabo waxa uu tilmaamay in ay Wasaarad ahaan u suura gashay in ay gacanta ku dhigaan madaarkaas oo aan markii hore gacanta ugu jirin Dawlada, Waxana uu sheegay in uu hadda si toos ah ushaqeeyo.

Waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadalay Wasiirka arimaha gudaha Dr. Maxamed Cabdi Yuusuf (Gabose) waxana uu sheegay inay ay Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo burbur iyo meel madhan oo cidlo ah ka dhaxashay maamulkii ho re ee Daahir Rayaale Kaahin ka tagay, isla marknaana ay Xukuumadooda wakhti ku qaadatay sidii meel walba wax looga qaban lahaa loona hurumarin lahaa Hay’ada Dawlada.



Dr Gaboose waxa uu intaasi ku daray in uu Wasiirka Duulista Md. Maxamuud Xaashi uu yahay nin karti badan oo ka soo baxay waajibaadkiisii shaqo, isla markaana dalal badan ka dhaadhiciyey inay dhaqaale badan ku bixiyaan hormar ka Madaarada Somaliland.

Wasaarada Duulista Somaliland ayaa waxa ay munaasibadaasi ku soo bandhigatay Filimo ducumenray ah iyo buuga ag qoraal ah oo ay qodob qodob ugu yaalan wax qabadkii Wasaarada intii uu Md. Maxamuud Xaashi Cabdi wasiirku ka ahaa.



Gabagabadii munaasibadaasi ayaa waxa dadweynihii ka soo qayb galay ay su’aalo waydiiyeen Wasiirka Duulista Md. Maxamuud Xaashi Cabdi waxana uu Wasiirku ka jawaabay dhamaan su’aalihii ay dadweynuhu halkaasi ku weydiiyee n.


Source: OWN