Wasiirka Duulista Hawadda Somaliland Oo Kulamo kala duwan la yeeshay masuuliyiinta Itoobiya

 



 

Hargeysa (TNN)-Wasiirka duulista hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland mudane Maxamuud Xaashi Cabdi , oo hawlo shaqo ku jooga wadanka Itoobiya caasimada Adis-ababa ,ayaa kula mo gooni-gooni ah kula yeeshay madaxda kala duwan ee Dawlada aynu jaarka nahay ee Itoo biya .

Ugu horayn wuxuu wasiirku la kulmay Masuulka ugu sareeya shirkada itoobiyan Airline mudan e Tewolde Gebremariam iyo masuulka labaad ee shirkada mudane Yissehak Zewoldi, Madaxda labada geesood waxay si xoogleh isula qorfeeyeen baahida loo qabo in dib loo soo celiyo duuli maadyadii itoobiyan airline ka samayn jirtey hawada Somaliland ,taas oo muhiim u ahayd labad a dhinacba ,gaar ahaanna waxa si weyn ka qaadan jirtey kobcinta xidhiidhka saaxiibtinimo ee Somaliland iyo Ethiopia .Gunaanadkii waxaa si buuxda la isugu afgartay in duulimaadyadii Ethio pian Airline ee Somaliland dib loo bilaabo insha alla xilliga xagaaga ,mudada intaa ka horaysana lagu dhamaystiro waxyaabaha qabyada ka ah Airpor-dada Somaliland.

Sidoo kale waxaa wasiirka xafiiskiisa si weyn ugu qaabilay wasiirka wasaarada gaadiidka ee Ethiopia mudane Dekibaw, wasiirkaas oo ay hoos yimaadaan Ethiopian Civil Aviation Authority iyo Ehtiopian Airline, Wariirku waxa kale oo uu la kulmay Agaasimaha guud ee Ethiopian Civil Aviation Authority mudane Col. Wesenyeleh Hunegnaw, Labada wasiir iyo agaasimaha guud waxay si qoto dheer uga wada hadleen guud ahaan xoojinta xidhiidhka labada dal ee walaala ha ah.

Sidoo kale waxay masuuliyiintu si fiican uga wada hadleen isku xidhka, iskaashiga ,wax wada qabsiga iyo wada shaqaynta labada wasaaradood. gaar ahaana labada Civil Aviation ee Soma liland iyo Ethiopia.
Ugu danbayn masuuliyiinta wasaarada gaadiidka iyo Civil Aviationka dawladda Ethiopia waxay aqbaleen in ay taageero iyo tababaro siiyaan Civil Aviationka Somaliland.

wuxuu wasiirka duulista hawada iyo gaadiidka Cirka Somaliland md. Maxamuud Xaashi Cabdi uu horey safar uu ku tegey wadanka Canada ku soo guulaystey in hawada Somaliland ay noqoto mid madax banaan, safarka wasiirka oo uu ku soo maray dalal badan ayaa ku soo dhamaaday guul buuxda.

Source:Somaliland.Org