anaga laba nin baa noo sharaxan oo midi waa
Madaxweynaha ka kalena waa
Madaxweyne ku xigeenka
Wasiirka Duulista Hawada iyo
gaadiidka Cirka Somaliland Cali Maxamed Warancadde oo xubin ka ah
guddi Wasiiro ah oo muddooyinkii u dambeeyey ku hawlanaa sidii kor
loogu qaadi lahaa dakhliga khasnadda dawladda oo is dhintay, ayaa
sheegay in Shirkaddaha gaarka loo leeyahay ay isla qaateen inay
bixiyaan Cashuuro dulsaar ku ah intii ay hore u bixin jireen,
kuwaasoo uu xusay inay hore ugu baaqdeen.
Wasiirka oo shalay waraysi kooban
siiyay wargeyska Ogaal, waxa uu sheegay in Shaqaalaha Shirkaddaha
Madaxabanaan iyo kuwa u shaqeeya hay’addaha Caalamiga ah intaba
mushaharkooda Cashuur fudud laga jari doono. Waraysigaa oo Wasiirka
sidoo kale wax lagaga waydiiyay Shirweynaha xisbiga UDUB oo
muddo-dhaafay, Murashaxiinta uga qaybgeli doona tartanka
Madaxtinimada iyo arrimo kale, waxa uu u dhacay sidan;
S: Wasiir muddooyinkii u dambeeyey waxaad wadeen hawlo aad sheegteen
in kor loogu qaadayo dakhliga dawladda oo isdhimay, waxaana hawshaa
waday Guddi Wasiiro ah oo aad ka mid tahay, bal nooga waran halka ay
idiin marayso?
J: Runtii hawshaasi meel wanaagsan bay noo maraysaa anaga iyo
qolooyinkii aanu wadahadalay (Shirkadda gaarka loo leeyahay) ee aanu
u filaynay in Cashuuruhu ay ku baaqdeen. Laakiin, weli waanu wada
soconaa waananu wada hadlaynaa, waxaananu rajaynaynaa in aanu xal
dhakhso ah isla gaadho. Waxay noo maraysaa meel wanaagsan oo aanu
runtii isla fahamnay duruufaha iyo waxyaabaha loo baahan yahay iyo
sida dhaqaalaha dalka loo kobcin lahaaba. Ragaa aanu is aragnay, rag
macquul ah bay ahaayeen, laakiin waxaanu ka wada hadlaynaa waxa
weeyaan; sidii wixii aan hore loo qaadi jirin (Cashuurta) loo
bilaabi lahaa, taasoo aanu dhowr jeer isugu soo noqonay, waxaana
jira meelo aanu jecelahay in aanu isfahamno oo aanu dhakhso u
gaadhno.
Laakiin, mabda’iyan (Principally)
waanu isla ogolahay in Cashuurta la bixiyo iyo in dhaqaalaha dalka
la kobciyo, waayo dawladdiina waxba ma qaban karto haddii aanay
helin Cashuur. Weliba inagu waynu ka sii xagjirnaayoo cidina inama
caawiso oo waxaynu ka mid nahay dalalka fara-ku-tiriska ah ee
lugahooda ku socda ee adduunyada ka madaxbanaan ee cid waxtartaa ama
wax ku kordhisa dhaqaale ahaan aanay jirin. Balse dawlad ahaan iyo
shacbigeedu ay isku tashadaan. Markaa haddii aynaan ilaalin
waxoogaagaa yar ee gundhiga inoo ah ee Cashuurta ah waxyaabo badan
baa inaga xumaan kara. Sidaa darteed, iyaga laftoodu (Shirkaddaha)
sidaas bay noola fahmeen, cidda keliya ee loo ciirsanayo haddii wax
loo baahdana waa Shacabka dalka. Markaa meel wanaagsan oo aanu imika
rabno in aanu is afgarad ku dhammayno ayaanu wadnaa, waxbana hadda
islama diidanin.
S: Markaa Shirkaddaha gaarka loo leeyahay miyay idinka aqbaleen inay
bixiyaan dulsaar-cashuureedka aad ku soo rogteen?
J: Waanu isla qaadanay horena wax bay u bixin jireen, imikana wixii
hadhay in aanu isla qaadano iyo habkii aanu u bilaabi lahayn iyo
heerkii laga bilaabi lahaa uun baanu ka wadahadlaynaa. Laakiin,
niman Cashuur diidan ama inay wax bixiyaan maaha.
S: Arrimaha aad isla qaadateen ma ku jirtaa inaad doonaysaa inay
idiin soo gudbiyaan liiska Shaqaalaha Shirkaddaha, si mushaharkooda
aad Cashuur uga jartaan?
J: Taasi way jirtaa, adduunyada oo dhanna way ka dhacdaa. Waxa jira
xataa Shaqaalaha dawladda ee laga yaabo inay qaataan 180.000 ama
saddexda boqol in lacag laga jaro. Markaa nin kasta oo muwaadin ah
oo dalkiisa ka shaqeeya waxna soo galaan waa laga jaraa adduunyada.
Waa wax jira, waana waxyaabaha aynaan hore u lahayn, laakiin ma
filayo inay noqonayaan wax waxyeelaya dhaqaalaha iyo lacagta ay
qaataan dadka Shaqaalaha ahi, meel walbana waa laga jaraa Caalamka.
S: Shirkaddaha gaarka ah sida Isgaadhsiinta iyo Xawaaladduhu miyay
ka siman yihiin arrintan?
J: Xataa kuwa hay’addaha Caalamka u shaqeeya ayaa laga qaadayaa.
Laakiin, waxa loogu talogalay in boqolkiiba waxyar oo aan culays
badan ku lahayn lacagta yar ee ay qaataan laga jaro, mana aha in
laga wada qaado ama wax aanay qaadi karin in laga jaro. Laakiin,
(percentage) qiyaas macquul ah ayaa la saari doonaa haddii Alle
yidhaahdo.
S: Wasiir taas marka aynu ka nimaadno, waxa jira in Shirweynaha
Xisbiga aad ka tirsan tahay ee UDUB sannado muddo dhaafay, maxay
tahay aragtidaada taas ku saabsani?
J: Wuu u diyaar garoobayaa xisbigu haddii Alle yidhaahdo, in la
qabto shirweynuhuna waa mid meesha ku jira weeye. Markaa
diyaar-garowgii baa lagu jiraa iyo habkii loo qaban lahaa, waana la
qabanayaa Shirweynaha xisbiga.
S: Sideed u aragtaa Musharaxiinta ku dhawaaqay inay u tartamayaan
jagada Madaxweyne-kuxigeenka xisbiga UDUB dhexdiisa?
J: Walaahi xisbigani (UDUB) xisbi yuhuunleh weeye, oo mid is ogol
weeye. Markaa anaga laba nin baa noo sharaxan oo midi waa
Madaxweynaha, midka kalena waa Madaxweyne-kuxigeenka. Markaa waxaan
filayaa oo way dhici kartaa xisbi ahaan (in Murashaxiin kale jiri
karaan) oo waddanku waa Dimoqraaadi. Laakiin, ilaa imika waxaanu
ognahay waa labadaa nin (M/weyne Rayaale iyo Axmed Yuusuf Yaasiin).
S: Sidee ayay-daan uga warqabin labada xubnood ee dhawaan ku
dhawaaqay inay u tartamayaan Murashaxiinta Madaxweyne-kuxigeenka?
J: Dee nin suuqa jooga waa halkiisa oo qof waliba wuu iska odhan
karaa wuxuu doono, laakiin ilaa hadda waxaanu anagu rasmi ahaan u
haynaa waa labadaa nin.
S: Laakiin, weli Madaxweyne-kuxigeenka lagama hayo Murashax baan
ahay?
J: (qosol kooban kadib) Shalay baaban Joornaalka ku arkayay inaad
waydiiseen (Saxaafadda) oo uu idin yidhi aniguna waan u sharaxnahay.
Wargeyska Ogaal
|