Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland oo xalay si rasmiya
xadhiga uga jaray Garoonka Timacadde oo Shirkada SOMTEL ay dib udhis
balaadhan kusameysay.
Hargeysa (TNN)-Shirkadda Isgadhiinta casriga ahee Somtel ayaa dib u
dhis qurux badan ku sa maysay garoonka Kubadda Koleyga Timacade ee
magaalada Hargeysa,xaflad quruxbadan oo isla markaana si wacan loo
soo agaasimay ayaa lagu daah furay Tartanka ciyaaraha Kubada ha
laliska [koleyga] ee bisha barakaysan ee Ramadaanta dhismaha
garoonkaasi ay dayactirka kusamaysay Shirkadda Somtel
Munaasibadan uu Wasiirka ciyaaruhu xadhigaga kaga jarey
Garoonka Timacade ayaa waxa ka soo qeyb
galay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Agaasimaha guud ee
Wasaradddaas, Agaasimaha guud ee arimaha dibada,Masuuliyiin ka socda
Shirkada Somtel, Marwo Faadumo Siciid,
Xildhibaano ka tirsan Golahayaasha Qaranka guurtida, Guddoomiyaha
shirkada dhisma ha ee Haboon oo isagu ah Engineerkii dhisay Garoonka
Timacadde, iyo waliba dadweyne aad u tiro badan.
Waxaana ugu horeyntii halkaas ka hadlay
Wasiirka Dhalinyarad iyo Ciyaaraha
Cabdi Siciid Faah iye, waxaanu Wasiirku mahadnaq balaadhan u
soo jeediyey cid walba oo ka qayb qaadatay dh ismaha iyo dib u
cusboonaysiinta Garoonka Timacadde, waxaanu hadalkiisi ku bilaabay “Waxaa
n marka ugu horeysa mahadnaq balaadhan u soo jeedinaya cid walba oo
ka qayb qaadatay dhismaha Garoonka Kubada Kolayga ee
Timacadde oo ay ugu horeyaan Shirkada
isgaadhsiinta Somtel,Madaxtooyada Somaliland,Dawladda
hoose Hargeysa, Marwo Faadumo Siciid
iyo cid wa lba oo gacan ka geysatay, waxaana leeyahay guud ahaan
dhalinyarada ayaad wax u tarteen, waxaana sidoo kale mahad celin
gaar ah iska leh Shirkada Haboon oo iyadu si hagar la’aan ah iskaga
xilsaartay dhismaha Garoonkan.Shirkada isgaadhsiinta ee
Telesom-na waxaan ka cods anaya inay
iyana inoo dado Garoonkan iyo Garoonka Xawadle,
walina wax jawaab ah kama ha yno, balse ka dadaali mayno oo waanu ku
noqon doona”.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha Mustafe
Maxamuud Qodax oo isna munaasibada ka hadlay ayaa yidhi “Anagu mar
walba waxaanu aad u soo dhawaynayna cid alaale cidii gacan ka
geystay dhismaha garoonkan oo ay ugu horeyso Shirkada Somtel oo
iyadu ugu deeqday sideed kun oo dollar(8000$), Marwo Faadumo Siciid
oo iyana bixisay kun dollar (1000$), waxaana iyana aad u mahad san
cid walba oo gacan naga siisay dib u dhiska garoonkan, dhinaca kale
waxaan isna si gaar ah ugu mahad celinaya Engineer Maxamed Cabdi oo
ah Mulkiilaha Shirkada Haboon ee dhisay Garoonkan, kaas oo
lacagtiisi ku sii dhisay, si wacana u habeeyey dhismaha garoonkan,
xaqiiqdiina lacagta ku baxday garoonkani aad iyo aad ayey u
badantahay”.
Waxa iyana halkaas ka hadal ka soo jeedisay Marwo Faadumo Siciid
Ibraahim oo iyadu gacan ka geysatay dhismaha Garoonkan, waxayna
dhaliil u soo jeedisay guud ahaan shirkada isgaa dhista iyo
Ganacsatada Somaliland oo ay ku dhaliishay inay ka shaqeystaan
dhalinyarada oo aanay u shaqayn waxayna tidhi “Guud ahaan Shirkada
Isgaadhinta iyo Gacansatada Somalilan d wey ka gaabiyeen wax
qabadkii dhalinyarad, mana haboona in Tobon kun oo Doolar oo aan
waxba ahayn in aad la soo shir tagaan oo ay iska dhigaan inay wax
qabteen, maalin walba shir kadaha Somtel,Dabahshiil iyo Telesom waxa
ay ka faa’iidaan dhalinyarada kumanaan doolar,m arka ma haboona inay
lacagtaas yar ku fanaan, runtii aniga oo shakhsiya oo haween ah,
isla markaana konton leh ah ayaa bixin kara toban kun oo Dollar,
markaa waxa looga baahan yah ay maadaama ay hantidii dalka gacanta
ku hayaan inay boqolaal kun oo Dollar dhalinyarada ku caawiyaan”
Cismaan Axmed Cabdi oo Ah Masuul Sare oo Katirsan Shirkadda Somtel
oo halkaa ka hadlayaa si mugleh uga waramay waxqabadka Shirkadda
Somtel iyo kaalinta ay had iyo goor ku leedah ay ka qaybgalka
waxqabadka arrimaha bulshada sida
Abaaraha,Caafimaadka,Waddoyinka,w axbarashada,masaajidda,Diinta iyo
Ciyaaraha iyo IWM.
Waxaanu sheegay iyaga ka shirkad ahaan inaanay jirin cid intay
xafiiskooda ugu timid ka cods atay inay bixiyaan lacagaha ku baxay
dib u dhiska garoonka balsey inay Somtel bixiso lacag ahaasi ay
ahayd fikrad si khaas ah uga soo maaxatay gudoomiyaha Shirkadda
Somtel Siciid Maxamed Siciid.
Cismaan Axmed Cabdi oo arimahaa ka hadlayana waxaa hadalkiisii ka
mid ahaa “ horta ka Shir kad ahaan annaga cidina intay xafiiskayaga
noogu timid nagamay codsan inaanu bixino laca gaha ku baxay dib u
dhiska garoonka Timacade balse waxay ahayd fikrad ka timid gudoomi
yahayaga Siciid Maxamed Siciid oo isagu gartay ka Somtel ahaan
inaanu bixino kharashka ku baxay dib u dhiska
Garoonka Timacade”
Cismaan waxa uu sheegay inay sharaf weyn iyo taariikh lama illaawaan
ah isaga iyo garoon-kaba ugu tahay inuu cimrigiisu ku soo simay inuu
arko iyadoo sidaa quruxda badan loo dhisay garoonka “aniga caawa
waxay ii tahay sharaf gaara inaan goob joog u ahaado dib u dhiska
lagu sameeyey Timacade waayo dee ninkaygaa aad aragtaan ee Bidaarta
lihi waa markii iigu horey ee aan arko garoonkii Timacade oo intii
aan soo jiray sidan oo kale loo dhisay” ayuu yidhi Cismaan Axmed
Cabdi.
gudoomimaha Dalladda dhalinayrada Somaliland Ee Sonyo Axmed Cabdi
Wacays iyo Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan indho oo halkaa ka
hadlay ayaa iyaguna ka waramay dareenkoo da ku aadan dib u dhiska
garoonka Timacade iyo kaalinta Shirkadda Somtel ka qaadatay dib u
dhiskaasi “Shirkadda Somtel aad iyo aad baanu ugu mahad naqaynaa
inay dhistay garoonkii kubadda koleyga ee Timacade” sidaa waxaa
yidhi Md Indho indho oo ka waramayey Somtel iyo Garoonka Timacade.
Ugu dambeyntii waxaa si bilaabatay ciyaartii lagu furayey
tartankaasi oo dhexmartay labaa kooxood ee Nagaad iyo Odha waxaanay
natiijadii ciyaartaasi ku dhamaatay 53 dhibcood iyo 28 oo ay kooxdii
Nagaad kuushu ku raacday.waxaana halkaa shahaadooyin lagu
gudoonsiiyey shi rakadda Somtel kaalinta wacan ee ay kaga jirto had
iyo goor garab qaba qabashada arrimaha bulshadada iyo shakhsiyaadkii
kale ee qadarka lacageed ku lahaa dhismahaasi.
Axmed Maxamed Shaqalle
Shaqalle02@gmail.com
Hargeysa Somaliland
|