Wasiirka Daakhiliga Somaliland Oo ka Hadlay Hawl gal Ciidan oo sababay dhimasho iyo dhaawac
 

 




“Waxaan ka xumahay geerida Marxuum-Maxamed Iid Ibraahim manay ahayn wax lagu tallo ga lay”

 

“Waxaan dadweynaha u soo jeedinaynaa inaanay ku dagaalamin dhulka dadka guud”

Haragyasa(TNN) Wasiirka wasaaradda arrimha gudaha Somaliland mudane Maxamed Nuur Cara ale (Duur) ayaa maanta ka hadlay hawl ay ciidamada boolisku ku rarayeen dadkii deganaa cisbit aalkii hore ee jajabka, hawl galkaasi oo ay ku dhinteen wiil dhlinyaro ah iyo haweenay dhaawac dhimatay.

Md Maxamed Nuur Carraalle (Duur) oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa wasaaradda arrimaha g udaha waxa uu Tacsi ugu diray eleladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday ALLE haw naxariistee m arxuun Maxamed Iid Ibraahin oo ahaa wiil dhalinyaro ah oo ku geeriyooday hawl galkaasi ay ciid amada boolisku kaga rarayeen dadkii daganaa dhismaha cisbitaalkii hore ee jajabka, wasiirku wa xa kale oo ILAAHAY caafimaad uga baryay dadkii kale ee ku dhaawacmay hawlgalkaa ay ciidanka boolisku fuliyeen.

“Waxa maanta dhacday hawlgal uu ciidanka boolisku fuliyay kaas oo keenay dhimasho iyo dhaaw ac aan lagu tallo galin, ugu horayn waxaan halkan Tacsi uga dirayaa ehelkii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday ALLE ha naxariistee marxuun Maxamed Iid Ibraahim oo ahaa wiil dhalinyaro ah oo ay laba geeriyood ku dhaceen, waayo waalidka dhalay waxa uu ahaa waalid taag daran oo naafo ah markaa waa laba geeriyood Tacsi tiiraanyo leh baanu udiraynaa,”ayuu yidhi Wasiirka Daakhiligu.

Wasiirku waxa uu intaasi ku daray “Sidii ay wax u dheceen baadhid baanu ku haynaa.”

“Hawlgalka uu boolisku ku socday waxa uu ahaa hawl-gal qaran markaa tallaabo kasta oo ciidan marka la qaadayo waxa ka imanaya dhibaato, markaa dhimasho aan lagu tallo galin maadaama oo ay dhacday dhiiga qofka bina aadanka ahina uu yahay wax qaali ah oo aanay ahayn in la dhay alsado , waase wax adduunyada dhaca. Waxaan aad uga ugu xumahay sidii ay wax u dhaceen waxaan amar ku bixinay in baadhitaan la galo oo sidii ay wax u dheceen la baaadho. waayo geeri lagu tallo galay may ahayn, falkasta oo la fulinaayo waxaan lagu tallo galin baa ka yimaada. Masuuliyad geeridaasi waa masuuliyad qaran, laakiin waxa noo garab socota siday wax u dhece en,”ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirku wuxuu dadweynaha u soo jeediyay inaanay ku dagaalamin dhulka danta guud, waxaanu yidhi “Waxa la fulinaayay waxay ahayd danguud, dan qof gaar ahi leeyahay may hayn. Dhismihii cisbitaalka jajabka ayaa waxa loo baahday in cisbitaal kale laga dhiso, horena cisbitaal bay u ahayd danta guudna waa hanti ummadeed, waxaan leeyahay tani way inagu dhacday laakiin dan guud oo dalku leeyahay qofawna ha ku dagaalamin, waxa kale oo aanu ka xumahay in iska horim aado hubaysan amma dhimasho keenaa dadka dhex maraan wixii dhibaato ah ee ka dhashayna wada hadal baanu ku xalinaynaa. Arrintani may ahayn qof-qof boos ka kicisanaaya laakiin waxay ahayd arrin qaran oo danta guud.”

Wasiirka oo ka jawaabayay su’aal ahayd in sida uu arko in ciidanhku rasaas u adeegsadaan dad shicib ah oo aan hubaysnayn waxa uu yidhi “Marka ciidan la hawl galinaayo cudud baa la hawl galinayaa, cududaana wixii keenay baa jira, muddo araf bilood ah waxa laga wada hadlaayay sidii cusbitaalkaa loo banyan lahaa markaa way ka fursan wayday in ciidan la galiyo sidii wax u dhec eena waanu badhaynaa.”

Wasiirka mar wax laga waydiiyay baahida keentay in dadkan laga raro guryihii ay daganaayeen waxa uu ku jawaabay “Baahida caafimaad waxay umada u leedahay muhiimad aad u balaadhan, baahiyaha Cusbitaal ee jiraana inaguma filna waxaanaynu u baahanahay kuwo kale kanina waxa an cadynayaa in uu cusbiyaal uu yahay.”



Source: Somaliland.Org