Wasiirka Daakhiliga oo Sheegay in la qabt ay Gaantaalo la soo galiyay

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro) ayaa u sheegay Idaacadda BBC-da

laanteeda afka soomaaiga in guri ku yaala mid ka mid ah xaafadaha magaalada Hargeysa ciidanka Boolisku ku qabteen toban gantaal oo ah nooca garabka laga rido ee loo adeegsado lidka diyaaradaha.

Md. Cirro waxa uu sheegay in gantaalahan laga keenay dalka Eratariya, isla markaana la soo mariyey Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan Gobolka Galgaduud magaalo madaxdiisa Dhuusomareeb, isla markaana ciidanka ammaanku la socdeen dhaqdhaqaaqaha gantaalahana dalka lagu soo gelinayey, kadibna ay si deg deg ah u qabteen.

"Gantaalahan oo ah nooca degta laga rido ee loo adeegsado diyaaradaha waxa laga keenay dalka Eratariya, waxaana la soo mariyey Gobolka Galgaduud ee dalka Soomaaliya magaalo madaxdiisa Dhuusomareeb, ciidanka ammaanku intaa way la socdeen dhaqdhaqaaqa gantaalahan waana la qabtay," ayuu yidhi Wasiirka Daakhiligu.

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in laba qof oo soomaali ah falka loo hayo, balse ciidanka ammaanku ay wadaan baadhitaan xoog leh oo ay ku baadigoobayaan cid kale oo lug leh amba cidda ka dambaysa.
 

 

 

 


TogdheerNews