Wasiirka Daakhiliga oo Markii ugu Horreysay Shaaciyey Dadka ay u Hayaan Caddaymo ku Saabsan Weerarradii Argagixiso

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro), ayaa markii u horreysay daboolka ka qaaday in ay hayaan caddaymo tiro badan oo ku saabsan baadhista qaar ka mid ah dadka u xidhan weerarradii argagisixo ee 29-kii October ka dhacay caasimadda Hargeysa.

Md. Cabdillaahi Cirro oo ka hadlayey shir-jaraa’id oo ay isaga iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Md. Cabdillaahi Maxamed Ducaale wadajir shalay ugu qabteen xarunta Wasaaradda Daakhiligu, waxa u ku sheegay inay hayaan caddaymo ku falin oo muujinaya in Ayaan Sh. Xasan oo ka mid ah dadka xidhan lug ku lahayd qaraxyadii ismiidaaminta ahaa khasaaraha badan dhaliyey.

Axa kale oo Wasiirku xusay inay hayaan waxyaabo ka marag kaxaya in gabadhaasi ka mid tahay dadkii Somaliland dambiga ka galay, isla markaana iyada iyo cidii kale ee ay ku cadaato inay si degdeg ah maxkamad u horkeeni doonaan, isaga oo sheegay in hawshii baadhistu meel fiican u marayso oo ay hayaan raad wanaagsan.

“Gabadhan waxaannu qabnaa inay ka mid tahay eedaysanayaasha aannu iminka hayno kuwa ugu muhiimsan, waayo waxaannu ilaa hadda haynaa guryihii nimanka wax qarxiyey ay deganaayeen qof dumar ah oo ilmo yar sidata ayaa guri kasta la geyn jiray, inay iyadii tahayna waanu aaminsanahay. Sidoo kale gabadhaasi intay gurigeedii ka guurtay ayey guri kale lix habbeen ku jirtay markii qaraxyadu dhaceena way ka soo guurtay, markaa waxyaabo badan ayaanu haynaa oo soo bixi doona maalinteeda, laakiinse gabadh aannu iska xidhnay oo caddaalad-darro lagu xidhay ma jirto, waxaannu aaminsanahay inay dadkii dambiga dalka ka galay tahay,” ayuu yidhi Md. Cabdillaahi-cirro.

Waxa kale oo Wasiirku sharraxaad ka bixiyey sababta ilaa hadda aanay wax faahfaahin uga bixinin dadka ay falalkii qaraxyada Hargeysa ay u hayaan tiradooda iyo kiisaskoodaba, isaga oo tilmaamay in aanay sharciyan bannaanayn in kiis la faahfaahiyo ilaa maxkamad la geeyo.

Isaga oo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Waxa dalka gudihiisa iyo dibadiisaba na wareerisay halkee ayey maraysaa baadhistii iyo yaa loo hayaa? Horta sidaan horeba u sheegay waxaannu ka cudurdaaranaynaa kiiska la baadhayo lagama hordhaco, dambi muujin iyo wax badan oo aannu suganayna haddii la faahfaahiyo aannu iminka warbaahinta ka sheegno goordhaw xitaa garsooruhu ma geli karo oo sharciga ayey ka horimanaysaa, markaa iyada oo sidii ay wax u jireen uu kiisku maxkamad ka dhaco mooyaane inta ka horreysa wax faahfaahin ah lama bixiyo sababahaa awgood. Laakiin waxaannu ummadda reer Somaliland ugu bushaaraynaynaa in baadhista kiiskii aad noogu fiican tahay, raad fiican aannu hayno, si degdeg ahna maxkamadda loo horkeeni doono, iyada oo ay dooni u furan tahay, maalin kastana waxaannu ku talogalaynaa in warbaahinta laga sii daayo.”

Md. Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro) waxa uu si kulul uga jawaabay war dhawaan Idaacadda BBC-da laanteeda Afka Soomaaligu baahisay oo ka hadlayey dadka loo xidhxidhay qaraxyadii Hargeysa, isaga oo sheegay in warkaasi uu ahaa mid been ah oo dadka reer somalilnad ee gogosha u fidiyey walaalahooda Koonfureed lagu doonayey in dagaal lagaga dhex. Waxaannu ka codsaday madaxda hay’adda BBC-da inay fiiro gaar ah u yeeshaan Madaxa laanta afka soomaaliga Yuusuf Garaad.

“Ujeedo uu ina Garaad ka leeyahayna ma garanayno, isaga qudhiisu markii dhibaatadu ka kacday Xamar reerkiisa Hargeysa ayuu u soo qixiyey inuu halkii uu ku soo qaxay war noocaas ah ka sii daayaa waa ayaan-darro. Muu soo qaadin, manuu tixgelin ninkii Guddoomiyaha Beesha Hawiye ee qaxoontiga ah ee BBC-du waraysatay, inan yar iyo war aannu meel uu ka soo xigtay la garanayn wuu sii daayey. Markaa ninkaasi ama BBC-da ayey ujeedadiisu tahay oo uu ceebaynayaa ama ujeedo dagaal uu Somaliland uu kala jiro oo uu wado weeye, madaxda BBC-dana waxaannu u sheegaynaa inay ninkaasi fiiro gaar ah ku eegaan, waayo horena Somaliland godobo badan ayuu uga galay, dadka reer Somaliland Ina Garaadow way kuu hayaan,” ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday Md. Cirro.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Md. Cabdillaahi Maxamed Ducaale oo isna hadal kooban ka jeediyey shirkaa jaraa’id, ayaa digniin kulul u jeediyey Maamul-goboleedka Puntland oo uu sheegay inay wadaan hawlo ay doonayaan ku khalkhalgeliyaan hawsha diiwaangelinta codbixiyayaasha Somaliland.

“Beryahanba waxaannu maqlaynay in Garoowe iyo meesha la yidhaa Boosaaso labadaba wax yar laga soo maleegayo oo la doonayo in lagu khalkhalgeliyo Somaliland iyo hawsha Diiwaangelinta ee la wado, waxaannu leenahay walaalayaal ka jooga, haddii aad ka joogi waydaan arrinkaa waxaad dalbateen ayaad ka helaysaan. Somaliland nabadgelyo ayey ku jirtaa jaarkeedana nabadgelyo ayey kula nooshahay ee fidno ha noola imanina ee naga joojiya,” ayuu yidhi Md. Ducaale.

Waxa kale, Wasiirka Arrimaha Dibaddu waxa uu sheegay in Somaliland baddeeda ka ilaalinayso falalka budhcad-badeedka iyo tahriibka ee xeebaha soomaaliya faraha baas ku hay, waxaannu caalamka ugu baaqay in aan ilaalinta badda Somaliland cid aan iyada ahayn lagala xidhiidhi karin, isla markaana ay dawladdu diyaar u tahay inay arrintaa wax kala qabato cid kasta oo danaynaysa.

“Waxaannu aad iyo aad u cambaaraynaynaa waxaa ka dhacaya badaha jaarkeena ee budhcadnimada ah iyo horornimada ah, Somaliland-na waxay ballanqaadaysaa inay biyaheeda ilaaliso oo aanay u ogolaan budhcad-badeed iyo in dad laga tahriibiyo toona, arrintaasi Somaliland kamay dhicin kamana hadhacayso, caalamkana waxaannu u sheegaynaa wixii arrintaa khuseeya annaga ayaa xeebahayaga nalagala xidhiidhayaa cid kale oo lagala xidhiidhayaa ma jirto, anaga ayaa jecel oo diyaar u ah in aannu gacan siino dawladaha iyo ganacsigaa maraya baddaba,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland.






Jamhuuriya Online