WASIIRKA DAAKHILGA OO
SHIR JARAA’ID KAGA HADALAY FALKII ARGAGAXISO EE LAGULA
KACAY SOMALILAND
Wasiirka Arrimaha Gudaha
Somaliland Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Cirro) ayaa sheegay inay
korodhay tirada dhaawaca iyo dhimashada dadkii waxyeellada xooggani
ka soo gaadhay Weeraro shalay lagu qaaday Xarumo kala duwan oo kala
ahaa Madaxtooyada Somaliland, Xarunta Hay’adda UNDP iyo Xafiiska
Itoobiya ku leedahay Hargeysa ayaa isa soo taraysa. Isaga oo sheegay
in tirada dhimashadu ay marayso 22 qof, halka tirada dhaawacana uu
ku sheegay 31 qof.
Hase ahaatee, sida uu xaqijiyey Agaasimaha Cusbitaalka Guud Waxa uu
tirada dhimasahada ku sheegay 23 tirada dhaawacana 29 .
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo Shir-Jaraa’id oo ay ku
wehelinayeen Wasiirada Arrimaha Dibedda Somaliland Cabdilaahi
Maxamed Ducaale iyo Qorshaynta Qaranka Cali Ibraahim Maxamed (Sanyare)
ku qabtay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ee Hargeysa,
ayaa sheegay in ay heleen caddaymo suurtogelinaya in si cad loo
ogaado cidda ka dambaysay Weeraradan ka dhanka ah Somaliland, isla
markaana ay jiraan dad loo xidh-xidhay falkan. “Khasaare balaadhan
ayaa Weeraradan ka dhashay, balse dhimashadu waxay maraysaa 22 qof,
dhaawacuna 31 qof.
Waxaanu haynaa oo baadhitaan ku socdaa 3 Guri oo ay kala
deggannaayeen raggii Weeraradan fuliyay oo aanu ugu tagnay Qalab iyo
hadhaagii Kiimikooyin ay ka samaynayeen waxyaabihii ay qaraxa u
adeegsadeen.” Ayuu yiri Wasiirka Daakhiliga Somaliland.
Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Baadhistu meel wacan bay noo
maraysaa, waxaananu aad ugu rejowaynahay inaanu ku guulaysano,
markaas ayaanu si faahfaahsan uga hadli doonaa.”
Wasiirku wuxuu u soo jeediyay Dadka ka ganacsada Gaadiidka in ay
iska hubiyaan cidda ay ka iibinayaan Baabuurta, isla markaana ay
sifo sharci ah ugu wareejiyaan Gaadiidka cidda ay ka iibiyaan. Isaga
oo sidoo kale ugu baaqay dadka Guryaha kireeya inay hubiyaan oo ay
cid dammaanad qaadda ka reebaan cidda ay Guryaha ka kiraynayaan.
Mar Wasiirka la waydiiyay in ay jiraan cid ay falalkan u
xidh-xidheen waxa uu ku jawaabay, “Way jiraan, balse way dhinteen
kuwii Weerarka geystay oo way is-qarxiyeen.” Isaga oo sheegay in
Weeraradan ay xidhiidh la leeyihiin Weeraro la fashiliyay 22-kii
bishii September 2005, kuwaas oo la filayay in loo qorsheeyay in
lagu khalkhal geliyo Doorashadii Golaha Wakiillada Somaliland oo
dhacayay 29-kii bishaas, ka dib markii ay Ciidamada amnigu gacanta
ku dhigeen dadkii falkaa soo maleegay.
Sidoo kale mar la waydiiyay inay ogyihiin tirada dadka Qaraxa
geystay, waxa uu ku sheegay, “Lix nin inay ahaayeen baa la sheegay,
waxaananu Guryihii ay degannaayeen ka helnay qolkiiba laba Furaash.”
Waxaanu sheegay in Aas Qaran loo samayn doono dadki ku dhintay
Weeraradan.
Dhinac kale, Wasiirka Qorshaynta Somaliland Cali Ibraahim Maxamed (Sanyare)
oo isna Shirkaa Jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in ay maanta la
shireen Ururada Caalamiga ah iyo sidoo kale Midowga Yurub, kuwaas oo
uu sheegay inay ku qanciyeen in xaaladda dalku nabaddii looga bartay
ay tahay, ammaankoodana la adkaynayo. Isaga oo intaa ku daray in ay
isla maanta la kulmi doonaan Hay’adaha Qaramada Midoobay.
Sidoo kale Wasiirka Kharajiga ayaa isna mahadnaq u soo jeediyey
dawladii Tacsida u soo diray Somaliland waxaanu si gaar ah u xusay
M/weynaha Jibouti.
ToggaHerer
|