Wasiirka Cusub Ee Maaliyada Oo Balan Qaaday In Jaadka Ka Soo Gala Ethiopia Loogu Bedeli Doono Milixda Iyo Kalluunka Somaliland
 

Hargeysa, August 2, 2010 (TNN)- Wasiirka Cusub ee wasaarada Maaliyada, Eng.Maxamed  X aashi Cilmi ayaa sheegay inay dawlada Ethiopia kala hadli doonaan siddii ka ganacsiga  Jaad ka Somaliland looga soo waarido dhanka Ethiopia taas bedelkeeda milixda iyo kalluunka siddii Somaliland ay Ethiopia ugu iib geyn lahayd.

Wasiirka Maaliyada,Eng.Maxamed Xaashi waxa kale oo uu sheegay in shaqaalaha maaliyada oo uu sheegay in aanay qaadan jirin mushahar ku filan la siin doono mushahar iyo gunooyin daboola baahiyahooda si ay u nabad gasho hantida umaddu leedahay ee ay masuulka ka  yi hiin.

Wasiirka Maaliyadu waxa kale oo uu sheegay inay guddi soo baadha u saarayaan dayn uu  s heegay wasiirkii hore ee maaliyadu,Cawil Cali Ducaale, in lagu leeyahay wasaarada.

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Xuseen Cali Ducaale, ayaa maalintii doraad la sheegay inuu ka muquurtay xil wareejintii wasaaradaasi uu xilka u tirinayay wasiirka cusub ee loo soo  maga caabay Eng Maxamed Xaashi Cilmi, iyada oo la sheegay inuu Cawil fariin soo diray la  leeyah ay wuu xanuunsanayaa., iyada oo Maxamed Xaashina uu ku sugnaa xarunta maaliyadda oo uu sugayay inuu Cawil xilka wasaarada u tiriyo.

Shalay subaxdii hore ayaa waxa xarunta maaliyadda ku soo diyaar garoobay Eng Maxamed Xaashi Cilmi, si xilka uu ugala wareego wasiirkii hore ee maaliyada Cawl Cali Ducaale oo  mud do dhawr saacadood ah kaddib soo gaadhay xarunta wasaarada, ayaa wasiirkii hore waxa uu saxaafada oo goobtaas diyaar ku sii ahayd ku wargeliyay in aanay soo galin xafiiska xil wareejintu ka dhacaysay, ka dibna saxaafada madaxa banaan intoodii badneyd ayaa  halka as ka dareertay oo Haatuf ka mid ahayd.

Wasiirkii hore ee wasaarada maaliyadda Cawil Cali Ducaale oo goobtaas xilka ay kula kala  w areegayeen wasiirka cusub Eng Maxamed Xaashi Cilmi ay goob joog ahaayeen saraakiil ka tirsan wasaaradaasi, ayaa hadal dheer oo Cawil halkaasi ka jeediyay waxa uu sheegay, in dayn farabadan oo wasaarada lagu leeyahay uu ku wareejinayo wasiirka cusub.

Wasiirka cusub ee maaliyada Eng Maxamed Xaashi Cilmi ayaa isaguna hadal kooban oo uu  h alkaa ka jeediyay sheegay inuu Cawil yahay nin weyn, islamarkaana jaanis uu ku hadlo aanu ii reebin oo wakhtigii uu isagu (Cawil) wada qaatay, dayntaasi uu Cawil sheegayna ay tahay in guddi soo baadha loo saaro.

Wasiirka cusub ee maaliyada,Eng.Maxamed Xaashi iyo wasiirkii hore,Cawil Cali Ducaale, ayaa lagu tilmaami jiray rag xaga siyaasada deeradu dhex miran jirtay, taasoo inta badan eedo musuq maasuq iyo jawaabo ay isku marin jireen saxaafada.

Source:Haatuf