Wasiirka Cusub ee Kalluumaysiga Maamulka Dekadaha oo sheegay inuu Dekadda Berbera ka Aamminsanaa Fikrado Aan Waafaqsanayn Xaqiiqada
 

Berbera (TNN)-Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga, khayraadka Badda iyo Maamulka  Dekad aha ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Maxamed Yaasiin Xasan, ayaa sheegay inuu fikrado  x aqiiqada ka fog ka aamminsanaa Dekadda Berbera, hase ahaatee, fikradahaas iyo kuwo  loo ga sheegay oo aan wanaagsanayni ka baxeen maanta oo uu indhihiisa ku arkay.

Wasiirka Maamulka Dekadaha, khayraadka Badda iyo Kalluumaysigu, oo maanta markii ugu  h orreysay kormeer ku tagay Dekadda magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen madaxda Gobolka iyo Maamulka Dekaddu, waxa uu warbaahinta u sheegay inuu habka ay Dekaddu u shaqayso, hawlaha ka socda qaybeheeda kala duwan, sh aqaalaha iyo guud ahaanba Dekadda-ba indhihiisa ku soo arkay, isla markaana ay tahay  me el aad u horumarsan oo ka duwan sidii uu ka filayay iyo fikirradii uu hore uga haystay.

“Runtii socdaalkaygu wuxuu ahaa mid aan doonayo inaan ku ogaado qeybaha kala duwan ee Dekadda Berbera iyo hanaanka ay u shaqayso, markaan qayb kasta oo Dekadda ka mid ah iyo sida ay u shaqaynayso soo aarkay, waxa runtii meesha ka baxay waxyaabo badan oo aan hore u aaminsanaa ama la ii sheegay.”

Wasiirka Dekadaha iyo Khayraadka Badda Somaliland Dr. Maxamed Yaasiin, waxa uu aad u  a mmaanay Dekadda Berbera iyo qaabka ay u shaqayso oo uu tilmaamay inay tahay mid  horu mar ballaadhan laga dareemi karo. “Waxaan aad iyo aad ugu faraxsan nahay horumarka ay gaadhay Dekadda Berbera iyadoo awoodeena dhaqaale la ogyahay ayaynu haddana Dekad balaadhan oo si aad u fiican u shaqaynaysa aynu samaynay, taasi waxay ku tusaysaa in  De daal badan aynu la nimid. Qeybihii Dekadda ee aan kormeerka ku soo maray, shaqaalihii iyo qalabkeedaba waxa ka muuqda horumar waanan ammaanayaa, waayo way i aad bay ii  caj ab-galisay, waxaanan ku arkay horumar aanan ka filayn.” ayuu yidhi Wasiirka Kalluumaysiga, khayraadka Badda iyo Maamulka Dekadaha Somaliland Dr. Maxamed Yaasiin.

Wasiirku waxa uu warbixin ka dhagaystay Maareeyaha Dekadda Berbera Eng. Cali Cumar Ma xamed (Cali Xoor-xoor), taasoo uu Maareeyuhu kaga warramay habka ay Dekaddu u  shaqa yso heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay iyo halka ay maanta taagan tahay Dekaddu  i yo sidoo kale waxyaabaha u qorshaysan inay ku tallaabsadan mustaqbalka dhaw.

Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horreysay ee Wasiirka Kalluumaysiga, khayraadka  B adda iyo Maamulka Dekaduhu tan iyo intii uu Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay xilka  Wa siirnimo kormeerkan oo kale ku tago Magaalo-xeebeedda Berbera ee ay ku taallo Dekadda ugu Somaliland.


Source: Togaherer