Wasiirka cusub ee Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha oo si rasmi ah xilkii
ula wareegay Wasiirkii hore
Hargeysa (TNN)- Wasiirka cusub ee wasaaradda dhalinyaradda,
ciyaaraha iyo dhaqanka Somal iland Md. Cali Siciid Raygal, ayaa
maanta xilkii si rasmi ah ugala wareegay Wasiirkii hore Md. Cabdi
Siciid Faahiye.
Xaflad balaadhan oo loo sameeyay xil-wareejintan, waxa ka soo qeyb
galay Wasiirka Ganacsi ga, Wasiir Ku xigeenka Waxbarashadda,
Maareeyaha Ha’yadda wadooyinka SRA , Maareeyaha wakaaladda Biyaha,
Xidhibaano ka tirsan Labada Gole ee Guurtida iyo Wakiiladda,
xidhiidhadda kala duwan ee ciyaaraha iyo dhalinyaro tiro badan iyo
marti-sharaf kale.
Wasiirkii hore ee dhalinyaradda, ciyaaraha iyo dhaqanka Somaliland
Md. Cabdi Siciid Faahiye, oo ka hadlay xafladaasi ayaa ka
xog-waramay waxyaabihii u qabsoomay wasaaradaasi mudadii uu joogay
oo ay ka mid ahaayeen taramo badan oo ciyaaraha kubadda cagta ah oo
iskugu jira naadiyada heerka koowaad iyo labaad.
Wasiirkii hore waxa uu tilmaamay in ay wasaaradiisa ugu dhammaatay
si guul ah tartankii ciya araha goboladda Somaliland uu xusay inuu
ahaa tartankii ugu xiisaha iyo xamaasadaba badnaa.
“Markii Wasiirnimadda Baarlamaanka la ii ansixinayay waxaan balan
qaaday inaan qaban doono tartanka ciyaaraha goboladda. ILAAHAY
mahaddii anigoo laba bilood oo qudha xilka hayay ayaan qabtay
tartankii ciyaaraha goboladda ee ka qabsoomay Burco. Waxaana dhacay
wax aan hore u dhicin aad iyo aadna waan ugu faraxsan nahay,”ayuu
yidhi Wasiirku.
Md. Cabdi Siciid wuxuu tilmaamay inuu sameeyay xulkii iyo tabarihii
qaranka oo uu maanta ku wareejinayo Wasiirka cusub.
Wasiirka oo ka hadlayay sida uu u arko xilka qaadistiisa wuxuu yidhi
“Anigoo aad ugu faraxsan 100% inaan xilka ku wareejiyo saaxiibkay oo
walaalkay ahaa Md. Cali Siciid Raygal oo ahaa mar kii aan xilka la
wareegay raggii garabka ii ahaa, inuu maantana xilkii igala wareego.
Waxaanu qirayaa wixii aan qabtay. Waxaan leeyahay wasiirnimadaydii
meel fog lama geynin maadaama oo aan ku wareejinayo saaxiibkay.
Madaxweynahana sharaf iyo ammaan ayaan u hayaa intii aan la
shaqaynayayna waxaan ka sheeganayaa ammaan iyo gobanimo. Waxaan
qabaa xilku waa meetu isbedelka uu nagu sameeyayna waan ku faraxsan
nahay.”
“Anigu dawladda ayaan ka tirsan nahay xisbiga Dawladda ayaan sidii
uga tirsan nahay, shaqa da qaranka ee banaan ayaan qabanayaa,”ayuu
yidhi Wasiirkii hore.
Wasiirku wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay in Golaha Wasiirraddu
ay ansixiyeen siyaasad da dhalinyarada oo uu maantana wareejinayo.
Waxaanu ku dooday inuu olale weyn ka galay hawl-galkii dhalinyarada
lagaga qaaday dabarkii ka hortaagnaa inay ka qeyb galaan siyaasad da.
Waxaanu u mahad celiyay cid kasta oo arrintaasi kala shaqeysay.
Wasiirkii hore wuxuu sheegay inay dayactir ku sameeyeen qaar ka mid
ah Garoomadda ciyaara ha ee goboladda halka kuwo kalena ay qorshaha
dhow ugu jirtay in la dayactiro.
Wasiirkii hore wuxuu sheegay inuu xilka kala wareegay sadex xidhiidh
oo kuwa ciyaaraha ah, imi kana uu wareejinayo lix xidhiidh, kuwaasi
oo uu xusay inay qeyb ka tahay qorshaha wasaaradd a ee horumarinta
ciyaaraha.
Md. Cabdi Siciid Faahiye wuxuu u mahad celiyay waaxda dhaqanka ee
wasaaradda oo uu tilmaa may inay ilaaliyaan waajibka qaranka ka
saaran wacyigelinta ummadda.
Wasiirku waxa kale oo uu intaasi raaciyay inay dhawaan ku
guulaysteen in orodyahano reer Somaliland ahi ka qeyb galeen tartan
lagu qabtay dalka Jabuuti isla markaana ay koox kubadda kolleyga ahi
ay dhawaan ugu kicitimi doonaan dalka Uganda, halkaasi oo ay kaga
qeyb galayaan tartan kubadaha gacmaha ah.
“Waxaan maanta wasaaradan ku sagootinayaa niyad-sami iyo walaalkay
oo shalayna I garab joogay ayaan maantana ku wareejinayaa, waliba
waxaan ula diyaar ahay inaan la shaqeeyo oo qaranka wixii ka baylah
ahna aan qabto,”ayuu yidhi Cabdi Siciid Faahiye.
Wasiirkii hore wuxuu sheegay inuu beeshiisa ugu jiray door weyn,
waxaanu yidhi yidhi “Marka dhinaca kale la eego waxaan anigu wasiir
u ahaa beesha Ciisaha, anigu waxaan u sarifayaa kursigoodii. Waxaan
beeshaasi u ahaa wasiir, waxaan u ahaa Agaasime guud, Waxaan u ahaa
Wasiir Ku xigeen intaasi oo kaalmood ayaan u hayay. Waxaan leeyahay
Madaxweyne beeshayda kuraasida haloo badiyo. Aniguna shaqo kasta oo
aad ii qorto waan qabanayaa.”
Wasiirka cusub ee wasaaradda dhalinyaradda, ciyaaraha iyo dhaqanka
Md.Cali Siciid Raygal oo ka hadlay xafladaasi ayaa si weyn ugu mahad
celiyay wasiirkii hore ee Ciyaaraha oo uu tilmaamay inuu si
niyadsami ah ugu wareejiyay.
Wasiirka cusub oo la hadlayay wasiirkii hore wuxuu yidhi “Anigu
hadalka badin maayo wasiirkii hore ayaa hadalkii iyo warbixintii
wasaarada dhameeyay. Aad iyo aad ayaan ugu mahad naqayaa wasiirkii
hore oo ah nin qaaliya oo wax bandanna soo qabtay oo ku guulaystay.
Waxaan uga mahad celinayaa sida wanaagsan ee uu xilka u wareejiyay
iyo wixii uu wasaaradda ka qabtay mudadii uu xilka qaranka hayayba.”
“Runtii wasaaradda dhalinyaradda, ciyaaraha iyo dhaqanku waa wixii
ugu wanaagsanaa ee bulshadda. Dhalinyaradu waa mustaqbalkii dalka
bari hagayay iyo cududii bulshadda. Dhaqankuna waa hidaheenii,
waxaan ku rajo weyn nahay inaan labadaba ka shaqayn doono sidii loo
horumarin lahaa,”ayuu yidhi Md. Cali Siciid Raygal.
Wasiirka cusub oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Wasiirkii hore
wax badan buu sheegay inay diyaar yihiin. Wax walbana cid buu iigu
tilmaamay inay gacanta iigu hayso.Aniguna cidii gacanta ku haysay
ayaan kula xisaabtami doonaa. Ninkii waxaas la iigu sheegay laga
waayaa waa waxaan meesha ku jirin.”
Waxa kale oo madashaasi ka hadlay Agaasimaha guud ee wasaaradda
dhalinyarada iyo ciyaaraha Md. Mustafe Maxamuud Qodax, oo faahfaahin
balaadhan ka bixiyay waajibaadka wasaaradda iyo waxyaabihii ugu
qabsoomay sanad iyo badhkii ay jirtay xukuumadda Madaxweyne
Siilaanyo.
Agaasimaha guud waxa uu xusay inay wasiirkii hore uga mahad
celinayaan wixii uu la qabtay, Wasiirka cusubna ay ku soo
dhawaynayaan qalbi furan.
Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay Wasiir Ku xigeenka
wasaaradda waxbarashada Md. Cali Xaamud Jibriil, Abwaan Axmed
Saleebaan Bidde iyo Abwaan Cali Caateeye oo dhammaantood ammaanay
wasiirkii hore oo ay ku doodeen in mudadii uu xilka hayay wax badan
ka qabtay wasaaradaasi.
source:so
|