Wasiirka Caafimaadka Oo Dagaal Ooge Ku Sifeeyay Galaydh, Baashaha Wakiiladdana Dhaliilay

 


Hargaysa (TNN):-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xa glotoosiye) oo socdaal shaqo ku jooga magaaladda Buuhoodle,ayaa ka xog waramay safarkiisa shaqo iyo waxyaabah u qabsoomay.

Waxaa kale oo Wasiir Dr. Xaglotoosiye uu sawir ka bixiyay siyaasadda Dagaal ooge Cali Khaliif oo uu ku tilmaamay awr ban ka qooq ah oo meel aan geelba u joogin ku qooqay. Halka uu guddo omiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiiladana jawaab ka siiyay hadallo uu dhawaan kaga hadlay socdaalkii dagaal Ooge Cali Galaydh ku yimi Buuhoodle iyo safarka shaqo ee Wasiirka. Waxaanu sidaa ku sheegay Wasiirka Caafimaadka Somaliland waraysi uu shalay khadka tilifoon ka ku siiyay Radyow Hargeysa.

“Beryahan sida aad la socotaan waxa aan joogay gobolka Buuhoodle, gaar ahaan magaaladda Buuhoodle,safarkaygu waxa uu la xidhiidhay inaan ka hor tago koox qas wadayaal ah oo doona yay inay Buuhoodle ku qabsadaan. Waxaanay waxyeelaynayeen nabad-gelyada Buuhoodle oo muddo labada sanno iyo badh ah oo Somaliland joogtay aan wax dhib ahi ka dhigicin. ALLE waa igu guuleeyay way baxeen kooxdii Cali Galaydh, laakiin haddana may fogaane meel Balli-cad la yidhaahdo ayay shirkoodii ula guureen Somaliland-na yeeli mayso cid kasta oo doonaysa inay wax u dhinto nabad galayada,”ayuu yidhi Wasiirka Caafimaadku.

Wasiirka oo ka hadlayay sida duulaanka ay Muqdisho ku soo qaaday Somaliland uu u dhaawaca yo wada hadalkii u socday labada dal waxaanu yidhi “Kooxdaasi waxa ay ka soo duushay maga aladda Xamar ee dalka Soomaaliya,waa nasiib darro in Soomaaliya oo wada hadal innoo socda an isla markaana ay isku dayayso inay nabadda Somaliland car-qaladayso,waan cambaarayna yaa Maamulka Xasan Sheekh,waxa ay ka soo duuleen Xamar waxaanay yimaadeen Buuhoodl e,balse Buuhoodle oo magaaladda ugu weyn ah deegaankan waa laga saaray ,meelaha ay imika u guureenna waa laga saari doona.”

“Goroon diyaaradeed ayaa Buuhoodleku yaalla,garoonkaasi maamul ma leh ,raadaal ma leh,waa garoon halis ku ah nabad-gelayada Somaliland ,wixii ay diyaaradaasi siday sida ay sirdoonka Somaliland noo sheegeen Cali khaliif wuxuu sitay waa uu la guuray waanaynu ognahayoo waa inuu Somaliland qaso,waxaanu ula guuray xagga uu imika u baxay,”ayuu ku dooday Wasiirka Caafimaadka Somaliland.

Wasiir Xaglatoosiye waxa uu sheegay in aanu Cali Khaliif Salaan ka dhigan Karin shacbiga reer Buuhoodle, waxaanu yidhi “Cali Khaliif waxaan u arkaa ,waxa jira xaga dhaqanka Awr la yidhaah do BAN KA QOOQ,waana awr aan geel haysan oo haddana qooqay ,kaasi ayuu la mid ayahay Cali Khaliif,waa nin weyn waa in da’a meesha uu wax ka raadinayana waxba uguma jiraan,Cali Khaliif waxa uu doonayaa inuu DHULBAHANTE ka dhigto salaam uu meel sare ku gaadho,isaguna noqon maayo salaam meel sare lagu gaadho.Cali Khaliif waxa aan leeyahay iskaga bax arrimaha a si,inaad hub keento iyo inaad nabadda carqaladayso waxba kaagama hagaagayaan,nabad galayada bulshadda deegaanka ayaa leh siyaasaddiisu waa siyaasad ma jaro habawsan.”

Wasiirka Caafimaadka oo ka hadlayay hadafka koowaad ee siyaasadda qaranka Somaliland,wa xa uu yidhi “Somaliland mabda’eeda koowaad waa nabad-gelyo anigoo Wasiirkii caafimaadka Somaliland ah ayaa halkan imid saacad igumay qaadateen inaan buuhoodle ka saaro ,laakin ann agoo nabada eegayna ayaanu qaadanay siyaasadd uu isagu kaga bixi karo,annagoo tallaabo qaadin ayay dadku fahmeen oo ay iska saareen.”

Wasiirka caafimaadka waxa uu intaas ku daray “Runtii waan dhagaystay Guddoomiye ku xige enka Baarlamaanka oo arrintaa ka hadlaya imaantinkayga aan halkan imid shaqsinimo kumaan iman waxaan ku imid tallo qaran. waxaan ku imid amar madaxwayne. waxaan hadda ku joogaa tallo qaran iyo amar madaxwyane,anigu reer Buuhoodle ayaan ahay way kala duwan tahay marka madaxwyanuhu ii diro iyo markaan shaqsi ahaan ku imaado,Buuhoodle waa Somaliland waadigii arkayay sidii la iigu soo dhaweeyay Buuhoodle. Buuhoodle tallo qaran uma baahna ee waxa tallo qaran u baahan ku xigeenka koowaad guddoomiyaha baarlaamaanka Somaliland.J agadaasi ayaa u baahan tallo qaran,waan ka xumahay inuu beeneeyo hadalkii wasiirka warfaafi nta,waan ka xumahay inuu u hadlo sidii uu yahay gudoomiye ku xigeenka baarlamaaka Sooma aliya,waan ka xumahay inuu difaaco cali Khaliif iyo kooxdiisa.”

Waxaa uu ka hadlay Wasiirka Caafimaadka Somaliland waxyaabihii Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka hir-galisay Buuhoodle intii ay xilka qaranka haysay iyo hawlaha hadda ka socda iyo qorshaha horumarinta Cisbitaalka Laascaanood. “Buuhoodle waxa aan u joogaa inaan dadka wacyi galiyo,inaan dadka la tasho,waxa ka go’an deegaanka Buuhoodle inay nabad gelyo ka hirgaliso,dadkuna waxa ay diyaar u yihiim midnimo,horumar iyo nabad. Buuhoodle Umballace kii ugu horeeyay ayay Somaliland gaysay,intaan Wasiirka ahaa waxaan geeyay Umballace kii ugu horeeyay ,waxaan ka hirgaliyay Mac-hadkii caafimaadka oo hadda dhammaad ku dhow,waxa laga dhisay illaa saddex MCH,waxaan hadda WIDHDWIDH ka dhisaynaa dhakhtarkii TB-da ,dhaw aanna waxaanu soo furaynaa Tababarro badan oo loo samaynayo dadka caafimaadka Buuhoo dle.Imika waxa dhakhatarka Laascaanood loo ansixiyay laba milyan iyo badh oo sanduuqa horu marinka Somaliland looga ansixiyay ,haddii ay tahay horumarinta caafimaadka iyo gaadiidba.”

Ugu dambayn waxaa uu tallo iyo dardaaran u jeediyay bulshadda reer Buuhoodle, waxaanu yid hi “Haddii aynu nahay Reer Somaliland waxa aynu u baah nahay midnimo,waxa kale oo aan sha cabkayga farayaa inay u hiiliyaan midnimadaa,inay diidaan shaqsi kasta meel uu doono ha joog aane,Somaliland maanta waa dalk jira khaladkii aynu lixdankii galnay waynu ka soo noqona y,cid kasta oo doonaysa inaynu galo khaladkii aynu galay lixdankii aynu meel uga soo wada jeeds ano.”

Wasiirka caafimaadka Somaliland oo wali ku gudo jira socdaal shaqo oo uu Buuhoodle ku joogo ayaa intii uu ku sugnaa magaaladda Buuhoodle waxaa uu kulamo kala duwan la yeeshay qaybaha kala duwan ee bulshadda magaaladda Buuhoodle.

Source: Somaliland.Org