Wasiirka Arrimaha Guddaha Oo Ka Hadlay Dilkii 3-da Qof Loogu Geystay Tuulada Gowsa-weyne
 


Wasiirka Arrimaha Gudduhu waxa uu dhambaal tacsi ah u diray

Hargeysa (TNN)- Wasiirka Arrimaha guddaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur) ayaa ka hadlay dilkii saddexda Qof loogu gestay tuuladda Gawso-weyne ee duleedka Gobolka Saraar, wax aanu sheegay inay falkaasi geysteen dad fidmo-wadayaal ah.

Wasiirka Arrimaha Guddaha Maxamed Nuurc Carraale (Duur) waxa kale oo uu dhambaal tacsi ah u diray qoysaskii saddexdii Qof ku dhintay weerarkii dablaydad hubaysani ay ku dileenTuulada Gawso-weyne.
Wasiirku waxa uu sidaas ku sheegay munaasibad lagu qabtay xarunta Wasaarada Arrimaha Gud daha oo uu xilka kula wareegayay Agaasimaha cusub ee wasaaraddaasi loo soo magacaabay Ax med Cumar Faahiye.

Ugu horayn waxa hadaladii Wasiirka ka mid ahaa “Waxaan ka hadlayaa waxoogaa dhibaato ka ta agan bariga Somaliland, waxaan u mahad-naqayaa Salaadiin is xil qaamay oo u baxay nabaday nta aaga Buuhoodle oo iyagu hab dhaqan inay u gutaan hawshaa u galay, waxaan u mahad naqa yaa oo kale Waayeelka reer Buuhoodle is xil-qaamay si ay nabadayntaa u ajiibaan ee la kulmay carqaladda Nabadda lagula dagaalamayo, Nabadda haddii cid ku dagaalanta la waayo Nabaddi ma dhalanayso, waxa muuqda ifafaale Nabadeed oo deegaankaas labada dhinca-ba ka taagan xaga soke iyo xaga Buuhoodle-ba, waxaana jira dad doonaya inay la dagaalamaan Nabadda waxa ka mid ah dadkii saddexda Qof ku dilay aaga Gawso-weyne tacsi baynu u diraynaa dadkii halkaa ku dhintay, waxaanan leeyahay samra waayo Nabadd baa soo dhaw, Nabadii si loo carqaladeeyo waxa la doonayaa in Bulsho degen oo aan waxba galabsan dadka fidmo-wadayaasha ahi ay wax gaadhsiiyaan si Nabaddii u bur-burto, laakiin dadka shacabka ah ee ay wax gaadheen waxaan ka codsanayaa inay sabraan ALLE ha u naxariisto ciddii dhimatay ay sugaana inta Nabaddu halkeeda gaadhayso “


Wasiirku waxa kale oo uu sheegay soo dhaweynayo waxgaradka u guntaday daminta xiisadaasi. Waxaanu ugu baaqay bulshadda ku dhaqan deegaamadaasi inay si wada jir ah u ilaashadaan nab adgelyadooda.“Waxa kale oo aan si weyn ugu mahad naqayaa dhamaan Shacabkii warbaahinta ka hadlay ee aaga Xudun iyo Taleex ee ka xumaadday falkaas waxshnimada leh ee dad dariiq mar aya lagu laayay, waxay muujinayasaa labadda Shacab-ba in dad fidmo-wadayaal ahi ay joogaan , laakiin Nabaddii hadda laga wada shaqaynayo waan la gaadhi doonaa Nabadd ka run ah ka go’an Xukuumadda iyo Shacabka , laakiin iraaradii Shacabka labada dhinacba wey jirtaa xageenana wey jirtaa xaga dadka kale-na wey jirtaa, markaa dadka waxaan ugu baaqayaa in Nabaddaa laga shaqeeyo oo aan laga daalin inta Nabadd la gaadhayo Ummaddu-na Nabad uun bay ku midho dhal in kartaa waa ujeedada weyn ee Wasaaradda Arrimaha gudduhu u aasaasan tahay in Beelaha Nabadd lagaga shaqeeyo, Dalka-na Nabadd lagaga shaqeeyo markaa fariinta aan gudbinayaa waa taa”

Wasiirka Arrimaha guddaha Maxamed Nuur Caraale (Duur) waxa uu ugu baaqay warbaahinta dal ka inay ka feejignaadaan waxyaabaha dadka kala fogaynaya, isla markaana ay taageeraan naba dgelyada iyo wada noolaanshaha Bulshada walaalaha ah, waxaanu yidhi “Warbaahinta qaranku inay si mug leh arrimaha nabadaynta inay uga qayb-qaadato, taageeraan goobaha Nabadda so o-na dhaweeyaan waxyaabaha Nabadda wax u dhimayanaya inaynu hoos u dhigno oo aan la faa fin waxa kala fogaynta taraya, waxaan u mahadnaqayaa Warbaahinta inta baddan wanaaga ka shaqaysa ayaan u mahad naqayaa waana meelaha kaliya ee fariintu meel dhee ku dhici karto, waxaana Warbaahinta ka codsanayaa waxa shacabka kala fogaynaya ee aynu faafino Nabadda iyo isu soo dhawaanshaha waxa keenaya si aynu qaran dhisan oo mug leh u helno oo goobaha dhibaatadu ka taagan tahay u xalisanto”