Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha

 

 

 


Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland mudane C/laahi Ismaaciil Cali (Cirro) oo ay weheliyeen mas'uuliyiin uu ka mid yahay taliyaha ciidanka ilaalada xeebaha ayaa maanta socdaal ugu kicitimay dalka Yaman, oo ay u tagayeen shir caalami ah oo lagaga hadlayo la-dagaalanka budhcad badeeda.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo intii aanu ka dhoofin madaarka Hargeysa ka hadlay ujeedada socdaalkooda wuxu yidhi "Waxaan ku baxaynaa martiqaad aanu ka helnay Wasiirka Arrimaha gudaha ee dalka Yaman, waxaana aanu wadankaasi u tagaynaa si aanu uga qaybgalno shir caalami ah oo lagaga hadlayo budhcad badeeda oo aad ogtihiin dhibaatada ay waayadan dambe ku hayeen Badda Cas iyo Badweynta Hindiya, shirarkan oo daba socda shir dhawaan lagu qabtay Kiiniya, waxaana ka qaybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Daakhliga, halka mid kale oo isna lagu qabtay Sirilaanka uu ka qaybgalay taliyaha ciidanka ilaalada xeebaha, mid kale oo Jabuuti lagu qabtayna waxa ka qaybgalay Maareeyaha Dekeda Berbera, shirkan oo aan u malaynayo in shirarkaas lagu soo gunaanadayo waxa lagu qabanayaa dalka Yaman".

Wasiirka Daakhligu wuxuu intaas ku daray in uu shirkaa ka jeedin doonaan warbixin ku wajahan qorshaha la-dagaalanka budhcad baddeeda ee Somaliland.

 

 

 


Ramaasnews