Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland oo Nairobi Kula Kulm ay Ra’iisal-wasaaraha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka Kenya

 


 


Nairobi (TNN)-Wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa magaalada Nairobi kulan kula yeeshay Ra’iisal-wasaaraha dalka Kenya Mr. Raila Odinga iyo madaxweyne-ku-xigeenka dalkaa Mr. Stephen Kalonzo Musyolka.

Kulanka dhexmaray Ra’iisal-wasaaraha Kenya iyo wasiirka arrimaha dibedda Somaliland oo ka dhacay  xafii ska Raila Odinga ee magaalada Nairobi, waxa lagaga wadahadlay xaaladda nabadgalyo iyo siyaasadeed ee Geeska Afrika, xidhiidhka Somaliland, Kenya iyo guulaha Somaliland ay ka gaadhay xagga dimuqraadiyada iyo horumarka.

Sida lagu sheegay qoraal wargeyskan Jamhuuriya ka helay waftiga, waxa Dr. Maxamed Cabdillaahi oo wefti uu hoggaaminayaa booqasho ku joogaan Nairobi uu ra’iisal-wasaaraha Kenya u gudbiyey dhambaal uu uga siday madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Qoraalka wasiirka arrimaha dibeddu kaga hadlay kulamada uu la yeeshay Ra’iisal-wasaaraha iyo  madaxwey ne-ku-xigeenka Kenya oo faahfaahsan waxa uu u qornaa sedan:

“Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee xukuumadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillahi  Cu mar, ayaa Arbacadii shalay la kulmay Ra’iisal-wasaaraha dawaldda Kenya, Mudane Raila Odinga. Kulankan oo ka dhacay xafiiska Ra’iisal-wasaaraha, waxaa lagaga wada hadlay xaaladda nabadgalyo iyo siyaasadeed ee Geeska Afrika, xidhiidhka Somaliland iyo Kenya iyo guulaha Somaliland ay ka gaadhay xagga  dimuqraadi yadda iyo horumarka. Wuxuu munaasabaddan wasiirka ugu gudbiyay Ra’iisal-wasaaraha farriin uu ka siday Madaxwaynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, taasoo nuxurkeedu ahaa sidii xidhiidhka  Som aliland iyo Kenya looga dhigi lahaa mid waxtar cusub ku soo kordhiyey labada waddan iyo labada shacab. Waxa kaloo farriinta ka jiray mahadnaq uu Madaxwaynuhu ugu mahadceliyey dawladda Kenya weftiga  Baar lamaanka Kenya ka socday ee ka qaybgalaya munaasibaddii dhaarta madaxwayne Axmed-Siilaanyo ee 27 kii bishii July ee sannadkan ka dhacday Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland wuxuu si wayn ugala hadlay Ra’iisal-wasaaraha Kenya xidhiidho cusub ee xukuumada Somaliland doonayso inay dhexmaraan labada dal oo ay ka mid yihiin iskaashi xagga tababarada booliska, waxabarshada, tacliinta sare iyo isgaadhsiinta, kuwaasoo Ra’iisal-wasaaraha u arkay kuwa wax tar u yeelan kara labada geesoodba.

Ugu dembayn, waxa uu Ra’iisal-wasaaraha Kenya martiqaad u fidiyay Madaxwayne Axmed Silaanyo inuu  bo oqosho ku yimaad dalka Kenya, isagoo ka warramay safar uu ku tagay Somaliland intii aanu noqon Ra’iisal-wasaaraha ee uu mucaaradka ahaa.

Waxa kaloo Dr. Maxamed Cabdillaahi maanta [shalay] uu gelinkii dembe xafiiskiisa kula kulmay Madaxwayne-ku-xigeenka dalka Kenya Mudane Stephen Kalonzo Musyolka oo ay ka wadahadleen mawqifkan dalka Kenya ee arrimaha Geeska Afrika iyo qorshooda ku aaddan wax ka qabashada arrimaha xasillooni-darrada ah ee ka jira meelo ka mid aha mandaqadda.

Wasiirka Khaarijiga ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo hoggaaminayay wafdi ballaadhan oo ka socda xukuumadda Somaliland oo ka kooban 6 wasiir ayaa booqasho ku jooga dalka Kenya. Waxaanu ku  jira a hawlgal diblomaasiyadeed oo kor loogu qaadayo xidhiidhka Kenya iyo Somaliland.

Wasiirada kale ee waftiga waxay kale yihiin Wasiirka Macdanta, Tamarta iyo Biyaha Eng. Huseen Cabdi  Duca ale, Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Dr. Saad Cali Shire, Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dr. Axmed  Xa ashi Oday, Wasiirka Kalluumaysiga, Khayraadka Badda iyo Maamulka Dekedaha mudane Dr. Maxamed  Yaa siin Xasan iyo Wasiirka Beeraha Prof. Faarax Cilmi Maxamuud.

Waftigan waa kii ugu ballaadhnaa ee ka tirsan xukuumadda cusub ee madaxwayne Axmed Maxamed  Silaan yo ee dibadda safar ugu baxa tan iyo markii xisbiga KULMIYE talada dalka la wareegay, waxana u socda  wa siirada shirar ay la yeelanayaan deeqbixiyayaasha adduunka oo ka mid yihiin Bangiga Adduunka, hay’adaha gargaarka ee Ingiriisksa ee loo yaqaano DFID, hay’adda horumarinta Maraykanka ee la yidhaa USAID, Jimic iyadda Quruumaha ka dhaxaysa iyo kuwa kale,” ayaa lagu soo gunaanaday


 


Source: Jamhuuriya Online