Wasiirka Arrimaha Dibedda Ingiriiska oo Sheegay in aan la Qaadan Karin Dib-u-dhac Dambe oo ku Yimaadda Doorashooyinka Somaliland

 


Dowladiina u sheega in si degdega loogu dhawaaqo xilliga doorashada oo la cayimo maalinta la qabanayoWasiirka Khaarajiga Ingiriiska David Malabank

London (TNN)- Dawladda Ingiriiska, ayaa walaac badan ka muujisay dib u dhaca weyn ee ku yimid geedi socodka doorashooyinka Somaliland oo dhawr jeer wakhtigii loogu tallo galay dib uga dhacay.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Jamhuuriya ee magaalad London Khadar Xasan Cali, wasiirka arrimaha dibadda ee Boqortooyada Ingiriiska Md. David Mallabank ayaa  sheeg ay in aan la qaadan Karin dib-u-dhac dambe oo ku yimaada doorashooyinka Somaliland.

Wasiirka arrimaha dibedda Ingiriiska oo toddobaadkan kulan gaar ah oo aan la sii  shaac in la yeeshay ururka haweenka reer Somaliland ee degmada Harrow(Sheeko iy Shaah) ee magaaladda London, ayaa isaga doorashooyinka Somaliland ka hadlaya waxa uu  yid hi; “Dawladiina u sheega in si degdega loogu dhawaaqo xilliga doorashadda oo la cayimo maalinta la qabanayo, waa in la joojiyaa dib ugu dhigista soo noqnoqonaysa ee  dooras hadda Somaliland.”

Kulanka wasiirka arrimaha dibedda Ingiriiska iyo ururka haweenka reer Somaliland ee degmadda Harrow yeesheen oo qayb ka ahaa ololaha xisbiga shaqaalaha ee dalka  Ingir iisku ugu jiraan doorashooyinka madaxtinimada ee lagu in ay dhacdo bisha June ee  san nadkan 2010.

Dawladda Ingiriiska ayaa isha ku haysa doorashooyinka Somaliland iyadoo dareen adag ka qabta doorashada madaxtooyadda oo aan ilaa hadda la cayimin wakhtiga ay  dhacay so, inkastoo muddo hadda laga joogo shan bilood xisbiyadu kala saxeexdeen heshiis lix qodob ka koobnaa oo nuxurkiisu ahaa in doorashaddu dhici doonto bil ka dib wakhtiga la saxo natiijadda seefarka, heshiiskaasi oo dawladihii ka soo shaqeeyey Ingiriisku qayb ka ahaa.

Wasiirka horumarinta iyo kaalamada dibada Md Md. Gareth Thomsan oo ayaa isna hore u caddeeyay mowqifka dowladda Ingiriiska ee ku waajahan doorashooyinka Somaliland, isaga oo xusay in hadii doorasho xor iyo xallaal ahi ka dhici waayaan Somaliland in taasi ay galaafan doonto mucaawimada Ingiriisku siiyo.



Source: Jamhuuriya Online