Wasiirka Arrimaha Dibeda oo shir jaraa’id oo uu ku qabtay Addis ababa ku sheegay inay Itoobiya ka wada hadleen Amaanka Xuduudaha iyo Ganacsiga labada Dal
 

 


Addis Ababa (TNN) Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Dr: Maxamed C/laahi Cumar oo uu wehe linayay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraalle Duur oo galabta Hutelka Hi lton ee Addis Ababa Saxaafadda kula hadlay mar ay ka soo baxeen shir ay Madaxda Itoobiya wa da yeesheen ayaa ka waramay wadahadal ay ka yeesheen Dhinacyada Amniga iyo Ganacsiga la bada Dal. Iyadoo sidoo kalena Su’aalo laga weydiiyay Shirka Dawladda Ingiriisku u qabanayso So maliya.


Wasiirka Arrimaha Dibeda oo ugu horeyn ka hadlay wadahadalkii dhinaca Ganacsiga iyo Amniga ee ay Itoobiya wada yeesheen ayaa yidhi “ Haa kulamadii aanu u nimid wayn noo suurtogaleen oo laba arrimood ayaanu Itoobiya ka wada hadalnay midi ta Amniga labada dal bay ahaydoo xa alada Bariga Somaliland ka soo cusboonaatay sidii aanu iskaga kaashan lahayd bay ahayd oo sa raakiisha dhinaca Amniga u qaabilsan baanu ka wada hadalnay waxaananu isla qaadanay inaanu ka hortagno dagaalka halkaas ka dhacay oo ay wadaan koox ku soo duushay Somaliland oo Itoo biya soo martay markaa waanu isla qaadanay sidii aanay arrintaasi labada dal dhibaato ugu kee ni lahayn.


Ta kale arrinta Ganacsiga Haeshiis baa hore u jiray labada dal u dhaxeeyay muddo shan sano ah ayuu Heshiiskaasi jiray markaa inaanu isla eegno ayaanu isla qaadanay markaa waxaanu kula no qonaynaa hay’adihii ay khusaysay ee Maaliyadda, Ganacsiga iyo qolooyinka Cashuuraha waxaan anu ku wadahadalnay sidii aanu u soo saari lahayn Heshiis Ganacsi oo labada Dalba faa’iido u leh.



Anagu waxaanu doonaynaa inay labada dal ba ka faa’iideystaan Dekedda Berbera, waad ogyihi no shirka AU-da waxyaabihii laga hadlay waxa sanadkan Hal-ku-dheg u ahaa in la fududeeyo arr imaha Ganacsiga oo si ay dalalka Afriki dhinaca Ganacsiga Hore ugu maraan markaa anagoo taa ka duulayna waxaanu doonaynaa inaanu Heshiiskayagii hore dib u eegno oo aanu ku salayno wax dan u ah labada shacbiba” ayuu yidhi wasiirka Arrimaha Dibedu



Mar la weydiiyay waxay ka qabteen intii ay Addis ababa joogeen arrimaha Dublamaasiyadda maadaama ay Addis Ababa ku sugan yihiin Wfuud kala duwani waxa uu yidhi “ kulamo door ah ayaanu la yeelanay Dublamaasiyiin iyo Madax kala duwan oo aanu kala hadalnay qadiyadda Somaliland waxa ka mid ahaa Wasiirka Ingirriska u qaabilsan Afrika oo aad ogtihiin in dalkiisu shir u qabanayo Somaliya, Madaxweynayaal hore Afrika Xilal uga qabtay ayaanu la kulanay markaa intii uu shirku socdayba anana kulamo ayaanu hoosta ka wadnay” ayuu yidhi



Wasiirka mar la weydiiyay bal shirka Afrika inuu ka waramo khasaare iyo faa’iido Somaliland wa xa ugu jira haddii ay tagto ama ay diido waxa uu yidhi “ su’aashaas ma doonayo inaan jawaab idinka siiyo imika waayo shirkaasi Somaliland waa lagu casuumay Tallo Qaran ayaanay ka yeelana ysaa Haa waa su’aal fiican laakiin anigu waxaan idiinka sheegi karaa uun in Dawladda Ingiriiska wada hadalo inooga socdaan oo aanu wax iska weydiinayno Somaliland ahaan meeqaam sideeya ayaanu shirkaasi ku yeelanaynaa muxuu doorkayagu noqonayaa markaa wali waxa aanu wadnaa wadahadalo oo waaniga idin idhi Wasiirkii Afrika u qaabilsanaa baanu kulanay oo aanu arrimahaa ka wadahadalnay” ayuu yidhi wasiir Maxamed C/laahi Cumar.


Hase yeeshee warar kale oo aanu helnay oo ku saabsan dhinaca Ganacsiga ayaa sheegaya Dawl adda Itoobiya inay u bandhigtay Heshii Ganacsi oo ay iyadu kaligeed soo diyaarsatay kaasoo ay ka dalbatay Xukuumadda Somaliland inay kula shaqayso. Taasoo sida ay Ilo xogogaal ahi sheege en Wasiiradda Somaliland ay aqbaleen inkastoo wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland sheegay in uu kula noqonayo Heshiiskii Ganacsi ee labada dal Hay’adaha ay Khusayso.


Sidoo kale warkaasi waxa uu intaa ku darayaa in Xukuumadda Itoobiya Ganacstadeedii Dekedda Berbera alaabaha kala soo degi jirtay o beryahan ka walaacsanaa talaabada ay Xukuumadda So maliland ku joojisay Alaabihii ay Transit-ka kula soo degi jireen in laga bilaabo manta ay ka soo rartaan dalalkii ay Alaabaha ka soo iibsan jireen iyadoo u damaanad qaaday inay masuul ka tah ay haddii ay wax ka yimaadaan.


Masuuliyiinta Somaliland ayaa u muuqda kuwo ku kala aragti duwan arrimaha Ganacsi ee labada Dal tusaale ahaana Heshiiska uu Wasiirka Arrimaha Dibedu sheegay inay dib u eegayaan ee ay Dawladdii hore ee Rayaale la gashay dawladda Itoobiya oo dhigayay in ay Transit kula maraan ayuu dhawaan Wasiirka Maaliyaddu ku soo rogay inay Cashuurtaan waxaanay taasi keentay in ay Ganacstada Itoobiyaanka ahi cabasho u gudbiyaan Xukuumadda Somaliland balse markii ay ka diiday ay u gudbiyeen Safaaradda Ganacsi ee ay ku leeyihiin Somaliland taasoo Qunsulkeeda Guud Qoraal uu ka soo saaray u gudbiyay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Ganacsiga taasoo markii ay jawaab ka waayeen Madaxweyne Siilaanyo Amray Wasiirka Maaliyaddu inuu sii daayo.



Inkastoo Wasiirka Maaliyaddu Amarkaas laba jeer kala fuliyay hadana sida ay wararku nagu soo gaadhayaan waxa uu Wasiirku mar kale masuuliyiinta Kastamka Dekedda Berbera Amray inaanay wax danbe sii daynin taasoo sababtay in xaaladu faraha ka baxdo oo ay labada Dawladood wada hadal ku yeeshaan Caasimadda Itoobiya taasoo aan la garanayn go’aankeedu halka uu ku danba yn doono.

source:waaheen