Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Shaaciyey in Itoobiya Muhiim u T ahay Heshiisyo Somaliland Doonayso Inay la Gasho Shiinaha

 


Xaggay Itoobiya ka soo gashay heshiisyadda Somaliland la galayso dawladda Shiinaha, waa maxayse shuruudaha Shiinuhu ka doonayo Somaliland?

 

Abu Dhabi (TNN)- Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa daboo lka qaaday in Itoobiya muhiim u tahay heshiis Somaliland doonayso inay la gasho dawladda Shiinaha, kaasi oo ku saabsan dhismaha kaabayaasha dhaqaale ee dekedda magaalada Berbera.

Wasiirka arrimaha dibadda Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, waxa uu sheegay inay Heshiiska isfaham ka guud ah isla qaateen Somaliland iyo Shiinuhu, kaasi oo aan ilaa hadda si rasmi ah loo saxeexin, wa xa uu qeexayaa in dawladda Shiinuhu casiriyeyso dekedda Berbera oo ay ka dhisto hudheel caalami ah oo nooca Five Star-ka loo yaqaano ah, isla markaa dhamaystirto jidka u dhexeeya Berbera ilaa ma gaalada Wajaale.waxa kale oo heshiiskaasi ku qoran in dawladda Itoobiya diblomaasi ahaan Somalila nd u metesho qaarada Aasiya.

Hadaba si aanu u xaqiijino jiritaanka heshiiskan iyo qodobada ku qoran, waxa Jamhuuriya xalay  khad ka telefoonka kula xidhiidhay wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo ku sugan dalka Imaaraadka Carabta. Waxaanu sheegay in qoraal lagu sheegay heshiis Somaliland, It oobiya iyo Shiinuhu wada gaadheen oo shabakadaha wararka lagu faafiyey uu yahay mid aan waxba ka jirin oo been-abuur ah, balse waxa uu caddeeyey inay dawladda Shiinaha isla gaadheen heshiis is faham guud ah oo la xidhiidha casriyeynta iyo hurumarinta kaabayasha dhaqaalaha dekedda magaa lada Berbera.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo Jamhuuriya weydiiyey waxa ka jira inuu heshiiskan isfahamka guud ah ku soo xaxeexay wadanka Shiinaha, waxa uu ku  jawaab ay:“Horta anigu imika ma caddayn karo inuu sax yahay iyo khalad yahay dhukumantiga ku horyaal ee aad I weydiisay, laakiin waxaan kuu sheegayaa in wadahalo qoto dheeri u socdaal Somaliland iyo dawladda Shiinaha, anaga oo markii aan booqashada ku tagay Shiinaha aan soo wada gaadhnay isfaham guud (Memorandum of Understanding) ku saabsan in dawladda Shiinuhu Somaliland ka fuliso mashaariic badan oo dhinaca horumarka ah oo ay ka mid yihiin casriyeynta dekedda magaalada  Berb era iyo kaabayaasha dhaqaalaha. Markaa waxa aannu Shiinaha isla garanayn isfaham guud oo ku sa absan meel arrinta qodobadaas. Ilaa haddana waxa heshiis ah oo rasmi ah maanu wada saxeexan. Laakiin waxaan ku rajo weynahay in dhawaan la guddo gali doono sidii loo meelmarin lahaa  waxyaab aha aanu kala hadalnay dawladda Shiinaha. Qodobada muhiimka ah ee aanu ka wada hadalay dawlad da Shiinahana meelmarintooodu waxay u baahan yihiin in wadaxaajood dheer laga yeesho isla marka ana la kala saxeexdo heshiisyo rasmi ah oo la xidhiidha horumarinta dekedda magaalada Berbera iyo kaabayaasha dhaqaalaha Somaliland.”

Qoraalka heshiishka ah ee Jamhuuriya helay waxa ka muuqda in dawladda Itoobiya kaalin firfircoon kaga jirto wadahadalada u dhexeeya Somaliland iyo Shiinaha, isla markaana waxa heshiiskani haddii uu dhab yahay dhigayaa in saddexda dawladood ee Shiinaha, Somaliland iyo Itoobiya ay si wada jir ah u maamuli doonaan dekedda magaalada Berbera. Hadaba Wasiirka arrimaha dibadda oo aanu weydiin ay halka dawladda Itoobiya ka soo gelayso heshiiska dhinaca horumarka ah ee Somaliland doonayso inay la saxeexato wadanka Shiinaha waxa uu ku jawaabay “Itoobiyaha waa muhiim inay arrimaheena ka qaybgasho oo qorshayaasha aanu doonaynaa nooma suurtogeli karaan haddii aanay Itoobiya nagu dhexjirin. Waayo marka aanu ka hadlayno casriyeynta dekedda magaalada Berbera waxaannu ku doodaynaa in aanu haysano iscticmaalka dawladda Itoobiya oo dadkeedu gaadhayaan ilaa 80 milyan oo qof, kuwaasi oo macmiil u noqon doono dekedda Berbera, marka arimahaas la eego Itoobiya waa noo muhiim, dawladda Shiinahana waxaannu kaga heli karnaa mashaariic badan oo la xidhiidha horumarinta iyo casriyeynta dekedeena.”

Waxa kale oo wasiirka arrimaha dibadda la weydiiyey shuruudaha dawladda Shiinuhu ka doonayso inay Somaliland u fuliso si ay u meelmariso mashaariicda horumarineed ee dekedda Berbera, isaga oo arrintaas ka jawaabayeyna waxa uu yidhi; “Waxa dawladda Shiinuhu naga doonayaan waxa  weeya an, horta dalkeenu waxa uu leeyahay oo ka buuxa khayraad dabiici ah sida saliidda, shidaalka, gaasta iyo macdano kale oo badan. Markaas kuwaas ayey Shiinuhu doonayaan inay inagga caawiyaan sidii loo soo saari lahaaa. Anaguna waxyaabaha aanu kula gorgortamayno ayey ka mid yihiin oo waxaanu leenahay khayraadkaas iyo macdanahaas ayaa dalkagaya ku jira ee maxaad noo qabanaysaan. Ilaa haddana wadaxaajoodyo ayaa noo socda oo weli wax la isla meeldhigay ma jiraan.”

Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo la weydiiyey rajada Somaliland ka qabto in dawladda Shiinuhu ogol aato fulinta mashaariicdaas iyo in wadahadaloodu noqdaan kuwo midho-dhal ah, waxa uu ku  jawaa bay “Rajo aad u weyn oo fiican baanu ka qabnaa in aanu heshiis la gaadhno Dawladda Shiinaha oo ay dekedda Berbera ka fuliso mashaariic horumarineed oo dhaqaalaha Somaliland sare u qaada.”

 

Source:Jamhuuriya