Wasiirka Arrimaha Dibadda Oo Kulan la Yeeshay Wasiir ka tirsan dawladda Swedan

 

 

Hargaysa (TNN):- Weftigii uu hogaaminaayey Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashi ga caalamiga ah ee Somalilannd Mudane Maxamed Biixi Yoonis ayaa maanta gaadhay magaaladda Stockholm ee dalka Sweden, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyey jaaliya dda reer Somaliland ee ku dhaqan dalkaasi.

Wasiirka arrimaha dibaddu waxa uu kulan la yeeshay wasiirka dimuqraadiyadda ee dal ka swedan waxaana kulankaasi ku wehelinayey safiirka Somaliland ee dalka sweden, waxaana la sheegay in ay kulankaasi kaga wada hadleen sidii cilaaqaad wanaagsani u dhex mari lahaa Somaliland iyo dalka Sweden.

Maxamed Biixi Yoonis, waxa kale oo uu sheegay inuu kulamo la yeelan doono jaaliyadd a Somaliland ee ku dhaqan dalka Swedan kalana hadli doono arrimo khuseeya Somalila nd, isla-markaana uu ka qayb geli doono shir lagaga hadlayo arrimaha ganacsiga oo ka dhici doona daka Sweden.

Wasiir Maxamed Biixi ayaa uga mahad naqay laaiyadda reer Somaliland eek u nool dal ka Sweden sidii wanaagsanayd ee ay u soo dhaweeyeen.Waxaanu yidhi “Waxaan idii ka mahad naqayaa sida aad ii soo dhawayseen waxaan u socdaa in aan ka qayb galo shir Somaliland khuseeya oo lagaga hadli doono baayac mushtariga iyo dhaqaalaha iyo in aan lakulmo jaaliyadda Somaliland ee Swedan oo waxa ay ku nool yihiin aan ka wara ysto”.

Wasiirka arimaha dibadu waxa uu tilmaamay in uu la kulmi doono wasiirka dimuqraadiy adda ee dalka swedan oo ay ka wadda hadli doonaan arrimo khuseeya dhinaca baay ac-mushteriga .waxaana uu yidhi “Kulankan aan la yeelanayno wasiirka dimuquraadiy ada ee dalka swedan kulan aad u qiima wayn waxaanan filayaa inaanu ka wada hadli doono arrimaha labada dal khuseeya ee xaga nolosha,baayacmushtariga iyo si cilaaq aad buuxa aan ula samayn lahayd dalka Swedan aad iyo aad ayaanan u soo dhawayna ynaa shirkan aanu la yeelanayno wasiirka”.

Dhinaca kale Safiiirka Somaliland ee dalka Sweden Marwo Rooda Jaamac Cilmi ayaa iy aduna waxay sheegtay inay ku faraxsantahay kulankan uu wasiirka arrimaha dibadda Somaliland uu la yeeshay wasiirka dimuquraadiyada ee wadanka swedan. Waxaanay tilmaantay inay ka wada hadleen sidii Somaliland loo caawin lahaa isla markaana cilaa qaad uga dhexayn lahaa labada dal.


Cumar M. Farax
Hargeysa,Somaliland