Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka hadlay Baasboorka,Haamaha Shidaalka
iyo xeryo qaxooti oo dalka laga furo
Hargeysa(TNN)- Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland, Dr, Maxamed
Cabdillahi Cumar ayaa sheegay in dhowaan la bilaabi doono
isticmaalka sanduuq dhaqaale ay wada maamulayaan Somaliland iyo
Ingiriiska, isla markaana wadaan sidii ganacsatada Somaliland u geyn
lahaayen suuqyadaItoobiya badeecooyinka looga baahan yahay.
Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland ayaa cadeeyey in aanay
Somaliland u baahnayn wada hadal sidii labada Sudan oo kale ah inay
la gasho Somaliya, isla markaana aanay jirin xukuumad shacabku soo
doortay oo Somaliya ka jirta oo lala hadli karo.
Wargeyska Madaxa banaan ee OGAAL oo ka soo baxa Magaalada Hargeysa
ayaa cadadkisii Maanta far waaweyn oo uu bogiisa hore ku daabacay ku
soo bandhigay Wareysi uu Siiyay wasiirka Khaarijigu oo uu kaga
hadlay arrimo badan oo ay ku jiraan nooca baasaboorka ay Xujaajta
reer Somaliland ay ugu dhoofi doonaan gudashada waajibaadka Xajka,
isla markaana wada hadal kala yeelan doonaan xukuumada Sacu udiga
iyo hay’adaha ay khusayso, waxaanu u dhacay sidan:
S: Wasiir, muxuu ku saabsanaa safar aad dhowaan kaga soo laabatay
magaalada Nayroobi?
J: Waxuu ahaa safar shaqo. Markii aanu ka qeybgalay xafaladii
madaxbanaanida Koonfurta Sudan waxaanu halkaa kula kulanay madax
badan oo wadamadda Afrika ka tirsan, oo aanu kala hadalnay qadiyada
aqoon siga Somaliland, ayaan sii amba-qaadkiisii wada hadaladaa u
tegay Nayroobi, waxaana ugu muhiimsanaa kulan aan la yeeshay
ku-xigeenka wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya, oo ahaa, ku simaha
wasiirka Arrimaha
Dibedda, waxaanay arrinkii Koonfurta sudan keentay doodo cusub oo
soo dhoweynaya helitaanka aqoonsi ga Somaliland, waxaana muuqday
isbedel xaga fikirka oo ku dhacay wadamo badan oo Afrikaan ah, oo ku
yimi nabadgelyada iyo dimoqraadiyada ka hanaqaaday Somaliland, iyo
dhalashadii dawlada Cusub ee Koon furta Sudan oo wax weyn ka
bedeshay siyaasadihii hore ee wadamada Afrika qaarkood.
S: Halkuu marayaa dhamastirka sanduuq mucaawinooyinka dhaqaale ee
Somaliland iyo Ingiriisku wada maamulayeen?
J: Arrinka laba dawladood(Somaliland iyo Ingiriisku) way ka wada
hadleen waanay ku heshiiyeen. Dhowa ana way bilaabmi doontaa. Keliya
nidaamkii farsamo ee hawshaa aya socota, maanta (Shalay) oo ugu
danbaysay waxaanu arrinka kala wasiirka Arrimaha Afrika u qaabilsan
Ingiriiska ee booqashada ku yimi Somaliland,
S: Hore, Ingiriisku waxuu u sheegay in Somaliland kala hadasho
aqoonsigeeda xukuumada KMG Soomaliya, ma isla soo qaadeen
wefdigiishala, side ayeyse Somalilad u aragtaa fikirkaa?
J: Somaliland maaha dal ka go’aya dal kale sida Koonfurta
Sudan,balse waa dal hore ula midoobay Sooma aliya oo midowgii ka
baxay,markaa taasi ictiraafka Somaliland waa mid ka dhigaysa mid
sharci ah. Markaa
arrinta ictiraafka Somaliland wakhtigan hotaagan waa arrin
siyaasadeed maaha, arin wada hadal dal kale. Soomaaliya xilligan
dawlad shacabka kalsooni ka haysata oo hab dimoqraadi ah ku timi oo
wada hannan karta kama jirto, oo wada hadalo noocaa gaadhsiisan lala
yeelan karaa nasiib daro haatan kama jirto, mark aa waxaan
aaminsanahay in ictiraafka Somaliland aanu u xidhnayn ogolaansho ka
yimaada muqdisho, balse uu ku xidhan yahay rabitaanka shacabka
Somaliland, aqoonsiguna waa mid aan beesha caalamka marti uga nahay
oo aanu sharcigu noo diidayn weeye.
S: Dhowaan xukuumada KMG Soomaliya waxay shaacisay in sannadkan la
bilaabo xajka lagu tegi doono baasaboorka cusub ee Soomaliya, maxaa
xukuumad ahaan idiinka qorshaysan, suurtogal ma tahay in Baasaboorka
Somaliland lagu tago xajka?
J: Xukuumadda waxa hore u qorshaysnayd, xilligana u qorshaysan in
dadka reer Somaliland adeegsadaan basaboorka Somaliland, waxaanan
doonaynaa in dawlada Sacuudiga iyo hay’adaha kale ee ay khusayso
arrintaa kala hadalo, oo muwaadiniinta Somaliland ee waajibaadka
xajka soo gudanaya loo fududeeyo inay baasaboorka Somaliland bixiso
ku soo gutaan, mowqifka Somaliland-na waa kaa, waxaanan filayaa in
hay’adaha Somaliland u qaabilsan iska kaashan doonaan.
S: Dhowaan, Kenya waxay sheegtay in dadka abaarahu saameeyen ee
Koonfurta Soomaliya xeryo qaxooti looga sameeyo Somaliland, ma jirta
cid ilaa wakhtigan idiin kala soo xidhiidhay arrinkaa, sidee ayaad
xukuu mada ahaan u aragtaan suurtagalka arrinkaa?
J: Ma jirto ilaa wakhtigan xidhiidh rasmi ah oo Somaliland uu kala
soo yeeshay wadan kale ama hay’adaha caalamiga midna oo ku saabsan
arrinkaa, haye yeeshee waxaan annagu u aragnaa in xilliganba dad
fara
badan oo xaalada kala duwan ee Soomaalya ka soo cararay ku nool
yihiin Somaliland, waxaanay Somaliland siisay soo dhoweyn
bani’aadnimino, iyadoo la eegayo dhibaatooyinka dalkooda ka soo
saaray, laakiin,
meelaha abaaraha ba’an ka jirto ee Soomaaliya waa degaamo ka
fogSomaliland oo u dhow xadka Kenya iyo Somaliland, waxaan
rajeynayaa markaa in dadka abaarahu saameeyeen looga samayn karo
xeryo lagu
quudiyo meelo u dhow.
S: Maanta, waxa socdaal rasmi ah ugu baxaya Itoobiya wefdi
Somaliland ka tirsan, maxaad nooga sheegi kartaa ujeedada safarka
wefdigaa ee Itoobiya?
J: Wefdigaa waxuu ka kooban yahay gudoomiyeyaasha degmooyinka xadka
la leh xuduudka Itoobiya, tali yeyaasha ciidamada Booliiska iyo
Qaranka, masuuliyiin ka socota wasaarada Arrimaha Dibdda iyo wasa
arada Arrimaha Gudaha Somaliland. Waxaanay booqashadani daba socotaa
heshiis qaran oo dhowaan ku dhexmaray xukuumada Federaalka Ioobiya
iyo xukuumada Somaliland magaalada Diridhaba. Waxaana ugu muhiimsan
sidii wada shaqeyn u yeelan lahaayeen masuuliyiinta labada dhinac
iyo magaalooyinka xadka wadaaga ee labada dawladood isu socdka xaga
xadadka, arrimo ku saabsan xaga nabadgelyada, ooh ore labada
dawladood u wada saxeexdeen fulintiisi iyo daadejintiisi ayaa la
filaya in labada wadan ka wada ha dlaan, oo wada shaqeyn toos ah u
yelan lahaayeen masuuliyiinta labada xad iyo magaalooyinka iyo deg
mooyinka labada wadan ee jaarka ah ayuu ku saabsan yahay ujeedada
safarka wefdiga Somaliland ee maanta u baxaya Itoobiya.
S: Wasiir, Somaliland dhaqaale xad dhaaf ah ayaa maalin walba uga
gudba Itoobiya oo ku saabsan iibka Jaadka, ma jirtaa wax wadahadal
aad xukuumada Itoobiya kala yeelayteen sidii badeecado kale oo Itoo
biya looga baahan yahay loogu bedeli lahaa dhaqaalaha jaadku geliyo
Itoobiya?
J: Shirkii dhowaa ee Diridhaba iyo shirar ka horeeyeyba waanu kala
hadalay Itoobiya, arrin hortaagana ma jirto. Waa runtaa dhaqaale
badan ayaa wadankeena kaga baxa iibsashada jaadka, hase yeeshee
maaha arrin Itoobiya innagu khasbayso, waxaan sidoo kale doonaynaa
in baayacmushtarka Somaliland badeec ado badan oo suuqyada Itoobiya
looga baahan yahay u geyn lahaayeen, immika waxaad moodaa in gan
acsi badan oo shuruucda cashuuraha waafaqsan isu dhaafo labada wadan,
waxaana ka wada shaqeyn aynaa sidii isku xidhka cashuuraha loo
samayn lahaa(harmonization), oo waxtar u yeesha labada wadan.
S: Wasiir, ugu danbayn, maadama aad xubin ka ahayd guddi
Madaxweynaha Somaliland u saaray maamul ka haamaha shidaalka ee
Berbera, ilaa xilligan halkuu marayaa qorshahii tartan furan loogu
wareejin lahaa
maamulka haamaha keydka Berbera, mase jirtaa hadii la helo shirkad
kale oo Caalami ah inay tartankaa soo geli karto?
J: Waa runtaa weli guddidaasi waxay wadaan sidii qorshe cad loogu
samayn lahaa in nidaam tartan furan loogu samayn lahaa shirkadii
hawlaheeda la wareegi lahayd, ha noqoto ama kuwo gudaha ah ama kuwo
caalami ah ha noqotee. Balse xilligan waxa gacanta ku haya xukuumada
Somaliland oo wasaarada Gana csigu u qaabilsan tahay. Welina hawshii
way soctaa
Source: Wargeyska Ogaal
|