Wasiirka
Arrimaha Dibadda oo Caddeeyey in Somaliland Saami Fiican ka Heli
Doonto Lacag Gaadhaysa ilaa $5 Milyan Doollar oo Lagaga Dhawaaqay
Shirkii Imaaraadka
Dubai (TNN)-Dr. Maxamed
Cabdillaahi Cumar oo isagoo ku sugan magaalada Abu Dubai ee dalka Im
raadka Carabta ayaa wargeyska Jamhuuriya ugu warramay waxa uu
sheegay in beesha caalamku Somaliland ku ammaantay kaalinta
firfircoon ee ay kaga jirto dagaalka ka dhanka ah budhcad-bade edda,
sidaa darteedna muhiim tahay inay saami fiican ka heli doonto
dhaqaalaha lagu ururiyey sh irkii Imaaradka ku qabsoomay, isagoo
dhimnaca kalena waxba kama jiraan ku tilmaamay hadal ka soo yeedhay
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mr. Maxamed Cabdillaahi Oomaar
oo uu ku sheegay in heshiis dhexmaray dawladda TFG-da iyo maamullada
ka jira Soomaaliya oo Somaliland ku jirto.
“Wasiirka Arrimaha Dibadda dawladda TFG-du arrintaas uu yidhi wax
allaale wax ka jiraa ma jiraan, wax heshiis ah iyo wax wadahadal ah
oo na dhexmarayna ma jiraan, laakiin Somaliland waxay ka mid tahay
dalalka sida weyn ula dagaallama budhcad-badeedda Soomaalida,
waxayna bulshada ca alamka kala shaqaynaysaa sidii wax looga
qaban lahaa dhibaatooyinka budhcad-badeeda iyo sidii loo yarayn
lahaa khatarteeda, arrintaasina Somaliland si weyn baa loogu
ammaanay oo shirkii caa lamiga ahaa ee lagu qabtay dalka Imaaraadka
Carabta waxa lagu soo qaaday kaalinta Somaliland kaga jirto la-dagaalanka
budhcad-badeedda.
Wasiirka Arrimaha Dibadda dawladda Sheekh Shariif heshiiska uu
leeyahay Somaliland baan la gal nay wax ka jiraa ma jiraan,
waxaanan wasiirka u sheegi lahaa inuu ka shaqeeyo dhismaha
dawla ddiisa iyo sidii ay dhinacooda wax uga qaban lahaayeen
dhibaatooyinka budhcad-badeeda, mana qurux badna inuu wax aan jirin
Somaliland ka sheego, adduunkuna wuxuu ka rabaa inay dalkooda
hagaajistaan oo dhibaatada ka dul qaadaan ummadda Soomaaliyeed ee
baahidu haysato. Somaliland waa dal madaxbannaan oo beesha caalamku
ku ammaantay kaalinta muhiimka ah ee ay kaga jirto nabadgelyada
mandaqadda iyo dagaalka lagula jiro budhcad-badeedda Soomaalida.
Shirka ka dhacay Imaaradka Carabtuna waxa ujeedadiisu ahayd sidii
dawladdaha Carabta iyo bee sha caalamkuba kaalin firfircoon
uga qaadan lahaayeen la-dagaalanka budhacad-badeedda. Waxaanna
shirkaas ka soo baxay in Carabta iyo guud ahaanba caalamku ka
shaqeeyo la-dagaalanka budhcad-badeeda. Dawlado badan oo shirkaasi
ka soo qaybagalay oo ay ka mid yihiin Holland iyo Denmark ayaa
Somaliland ku hambalyeeyey kaalinta fiican ee ay kaga jirto dagaalka
budhcad-badeeda, iyaga oo caalamkana ugu baaqay in Somaliland lagu
taageero halganka ay ugu jirto wax ka qabashadda arrimaha
budhcad-badeedda Soomaalida,” ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabd
illaahi Cumar.
Wasiirku waxa uu tilmaamay in beesha caalamku Somaliland u aragtay
inay tahay dal wax badan ka qaban kara dhibaatooyinka
budhcad-badeedda, isla markaana guulo badan ka gaadhay arrint
aas, isaga oo xusay in Somaliland sumcaddaas ku kasbatay dagaalka
kulul ee ay kula jirto budhca dda badaha iyo budhcad-badeedda
tiradoodu ilaa 90 qof ku dhaw yihiin ee ku jira xabsiyada dalka,
kuwaas oo badankooda ay gacanta ku dhigeen ciidammada Ilaalada
xeebaha Somaliland.
Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland oo aanu weydiinay su’aal ahayd
‘Wasiir, idinku ma kulanteen wasiirka arrimaha dibadda dawladda
Sheekh Shariif ee ku jiray shirka lagaga hadlayey arrimaha b
udhcad-badeedda? Waxa uu ku jawaabay; “Maya, wasiirka dawladda
Sheekh Shariif ismaanu arag oo maanu kulmin, laakiin wuxuu ka mid
ahaa wefti ka socday dawladda Sheekh Shariif oo ka qayb galay
shirka budhcad-badeedda lagaga hadlayey ee ka dhacay dalka
Imaaraadka. Laakiin markii shirku dhammaaday waxaan anigu la kulmay
wasiirka arrimaha dibadda dawladda Imaaraadka oo aannu ka
wadahadalnay sidii Somaliland iyo Imaaraadku isaga kaashan lahaayeen
la-dagaalanka budhcad-badeedda iyo sidii dawladdiisu Somaliland uga
taageeri lahayd arrimahaas. Waxa kale oo aannu ka wadahadalnay
dhibaatooyinka ka socda dalka Yemen iyo saamaynta ay ku yeelan
kaar an mandaqada oo dhan.”
Dr. Maxamed Cabdillaahi oo la weydiiyey saamiga ay Somaliland ka
heli karto dhaqaalaha badan oo gaadhay ilaa $5 milyan dollar ee
loogu talogalay la-dagaalanka budhcad-badeedda ee lagaga yab
oohay shirkii Imaaraadka Carabta waxa uu yidhi; “Horta dawladda
Imaaraadku waxay ku dhawa aqday inay bixinayso lacag gaadhaysa
$1milyan oo doollar, dalka Holland ayaa isaguna ku dhawa aqay
$1.500 milyan oo doollar, dalal kale ayaa iyaguna lacago ku yaboohay,
lacagahaasna waxa inta badan carabta lagu dhufanayey in loogu deeqay
hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan la-dagaalanka dambiyada iyo
maandooriyaha ee UNODC, balse lacagtaas waxa loogu talogalay in lagu
taageero dalalka ay saamaysay budhcad-badeeddu.”
“Somaliland waxaan rajaynayaa inay saamayn fiican ku yeelan doonto
lacagtaas badan ee lagaga dhawaaqay shirkii Imaaraadka Carabta,
sababtoo ah Somaliland waxay xeebaheeda ka nadiifay budhcad-badeedda,
waxayna kaalin fiican oo muuqata kaga jiraan la-dagaalanka budhcad-bade
eda, markaa kolayba Somaliland lacgataasi saami bay ku yeelan
doontaa, waxayna arrintaasi wax ka tari doontaa kaalinta Somaliland
kaga jirto dagaalka budhcad-badeedda,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha
Dibadda Somaliland.
Source: Jamhuuriya
|