Wasiirka Arrimaha Dibadda Ingiriiska iyo Madax ka Tirsan Dawladdiisa oo Wadahadallo ka Yeeshay Doorashooyinka Somaliland
 

Safiirka Ingiriiska u fadhiya Itoobiya oo booqasho kedis ah ku yimi Hargeysa iyo natiijada kulamo xaasaasi ah oo uu la yeeshay xukuumadda, asxaabta iyo Komishanka

Safiirka Boqortooyadda Ingiriiska u fadhiya magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya Mr. Norman Ling, ayaa shalay booqasho ku yimi Somaliland, isagoo kulamo kala duwan la yeeshay xukuumadda, saddexda xisbi qaran iyo Komishanka Doorashooyinka.


Ma jiro wax war ah oo dhinacyadu ka soo saareen ujeeddada booqashada safiirka iyo waxyaabihii kulamadaas lagaga wadahadlay toona.

Hasayeeshee, sida ay Jamhuuriya u xaqiijiyeen xalay masuuliyiin ka tirsan axsaabta qaranka, waxa Mr. Norman kala hadlay madaxda golayaasha qaranka ee uu la kulmay in laga wada shaqeeyo sidii loo soo afjari lahaa khilaafaadka u dhexeeya xisbiyada, isla markaana dib loogu bilaabi lahaa wadahadalladii burburay ee loogu gogol-xaadhayey qabsoomidda doorashada madaxtooyada oo u muddaysan 27 September 2009.

Mr. Cali Guuleed (Cali Maarshaal) oo ka tirsan siyaasiyiinta xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE, ayaa Jamhuuriya u xaqiijiyey in safiirka Ingiriisku u sheegay in ay dhawaan wasiirka arrimaha dibadda Ingiriiska iyo wasiirka boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Afrika ay wadahadallo ka yeesheen marxaladda Somaliland marayso iyo sidii doorashada madaxtooyadu si xor ah ugu qabsoomi lahayd wakhtigii loogu talogalay, isagoo caddeeyey in beesha caalamka, gaar ahaan Britain ka fikirayaan sidii wax loogu qaban lahaa Somaliland, balse wax waliba ku xidhnaan doonaan hannaanka doorashadu u dhacdo.

Mr. Maarshaal waxa uu xusay in safiirku u sheegay in haddii aan sida ugu dhakhsaha badan go’aan looga gaadhin arrinta Komishanka iyo samaynta guddida madaxbannaan ay wax waliba wakhtigii loogu talogalay dib uga dhici doonaan, taas oo saamayn xun ku yeelan doonta hirgelinta doorashada iyo sumcadda Somaliland ee indhaha caalmku ku soo jeedaan, isagoo intaa ku daray inay safiirka u sheegeen in xisbi ahaan ay diyaar u yihiin la dhameeyo khilaafka taagan, si doorashadu u dhacdo muddadii loo cayimay, isla markaana wixii dhinacooda ku xidhnaa ay mar horeba dhammeeyeen, hadday tahay saxeexidda shuruudihii seefarka iyo kuwii deeqbixiyayaashu soo saareenba.

Sidoo kale, Guddoomiyaha siyaasadda xisbiga talada haya ee UDUB Mr. Cumar Jaamac oo aannu xalay khadka telefoonka kula xidhiidhnay, ayaa cadeeyey in safiirku ku guubaabiyey in saddexda xisbi si wadajir ah uga gudbaan waxyaabaha caqabadaha ku noqon kara qabsoomidda doorashada, isagoo madaxda UDUB ee uu la kulmay u caddeeyey in aanay iyagu xaq u lahayn inay ku soo farogaliyaan qaabka Somaliland doorashadeeda u qabsanayso, basle waxa uu ballanqaaday in ay taageero la barbar joogaan sidii doorashadu ugu qabsoomi lahayd hannaan xor ah oo madaxbannaan.

Mr. Cumar Jaamac waxa uu xusay in ay safiirka u sheegeen in xisbi ahaan iyo xukuumaddaba ay ka go’an tahay sidii ay doorashadu wakhtigeedii u qabsoomi lahayd, isla markaana saxeexeen shuruudihii seefarka diiwaangelinta, xukuumadduna shubtay lacagtii saami ahaan kaga soo hagaagay dhaqaalaha ku baxaya doorashada, sidoo kalena u caddeeyeen in Komishanka Doorashooyinku yihiin hay’ad madaxbannaan oo aan xisbi iyo xukuumad toona lagu farogalin karin shaqadooda, axsaabtuna rabitaankooda xubinta ay neceb tahay ku beddeli karin, mid ay jecel yihiina ku joojin Karin.

Waxa kale oo guddoomiyuhu xaqiijiyey i ay safiirka u sheegeen in xisbiyadu dib isugu noqon doonaan lana dhammayn doono wixii khilaaf ah ee jira, kuna wargeliyeen haddii la xoojiyo guddida kormeerka dooroshooyinka ay kala hagi karaan haddii axsaabtu ku murmaan arrimaha doorashada.

Guddoomiye-ku-xigeenka Komishanka Doorashooyinka Md. Cali Maxamed Cabdulle (Biikolo) oo aannu isagana wax ka weydiinay waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee dhinacooda safiirku kala hadlay, waxa uu ku jawaabay; “Nuxurka kulankayaga waxa ugu muhiimsanaa munaaqisho ku saabsan arrimaha doorashada, waxaannu safiirku nagu yidhi, bal intaad wax kale oo dhan meel iska dhigtaan waxaad u guntataan sidii doorashadu u qabsoomi lahayd waqtiga loo qoondeeyey, isla markaana looga hawlgeli lahaa in si miyir qabta loo xalliyo waxyaabaha lagu muransan yahay, caalamkuna waxa uu indhaha ku hayaa doorasho laysku waafaqsan yahay oo xilligeeda ka dhacda Somaliland,” ayuu yidhi Mr. Biikolo





Jamhuuriya Online