Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka TAIWAN oo khadka Telefoonka kula soo xidhiidhay Madaxweynaha Somaliland

 


 
Taiwan (TNN) :- Wasiirka Arrimaha Dibadda Taiwan Joseph Wu ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa uu kulan dhinaca khadka Telefoonka la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Wasiir Joseph Wu iyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa ka wada hadlay doorashadii Golaha Wakiilada iy o deegaanka ee Somaliland oo 31 bishii la soo dhaafay ee May ka dhacday deegaanada Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Taiwan ayaa Muuse Biixi ugu hambalyeeyay qaabka ay u dhacday dooras hada, isla markaana balan qaaday Wasiirka inay si dhow ula shaqeyn doonaan Madaxda Somaliland, ayna ka taageeri doonaan dhinacyo kala duwan.

Taiwan ayaa 2 Milyan oo doollar ay ku taageertay doorashadii Somaliland, isla markaana waxaa xusid mudan inay ku wareejiyeen qalabka loo adeegsado hubinta Cod bixiyaha ee loo yaqaano Biometrics Voter Verification System.

Si kastaba ha ahaatee, Taiwan iyo Somaliland ayaa waxaa ka dhexeeya xidhiidh wanaagsan oo dhina cyo kala duwan u saleysan, waxaana Taiwan ay Xarun safaarad ku leedahay gudaha Magaalada Har geysa.