Wasiirka Arrimaha Dibadda, Ahna Ra´iisalwasaare Ku-xigeenka Dalka Itoobiya, Hailemariam Dessalegn Oo yidhi Habaynta Distoor-ka Do wladda KMG ah ee Somalia Waa In Laga Qaybgaliyaa Somaliland & Puntland.

 


Addis Ababa-(TNN)- Wasiirka Arrimaha Dibadda, ahna Ra´isulwasaare Ku-xigeenka dalka Itoobiya, Hailemariam Dessalegn ayaa sheegay in ay Muhiim tahay in habaynta distoorka dowladda KMG ah ee Somalia laga qaybgaliyo Puntland iyo Somaliland.

Hailemariam ayaa hadalkan jeediyey maanta oo Jimco ah maruu kulan wadatashi ah kula qaatay magaaladan Addis Ababa Wakiilka khaaska ah ee QM u qaabilsan Somalia, Ambassador Augustine Mahiga.

Augustine ayaa taabtay qodobo ay kamid ahaayeen jiritaanka dadaal la doonayo in lagu dhiso komishin dib u ee ga distoorka dowladda KMG ah ee Somalia.

Hailemariam ayaa dhankiisa tibaaxay in shacabka Soomaaliyeed ay iyagu xaq u leeyihiin inay gaadhaan  go´aan ka mustaqbalka dalkooda, isagoo intaa ku daray in loo baahanyahay in komishinka dib u eegaya dastuurka  dowl adda KMG ah ee Soomaaliya lagu daro dhamaan qaybaha siyaasadda ee dalkaas, kuwaasoo ay kamid yihiin  Pun tland iyo Somaliland, Waa sida uu hadalka u dhigay Wasiirku

Somaliland ayaa horre u sheegay inuu wax shaqo ah ku lahayn arrimaha Soomaaliya, halka Puntland ay  dhaw aan sheegtay inay xidhiidhkii u jartay Dowlada KMG. Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa la-kacaa-kufaysa tabardaro, maamul xumo iyo masuqmaasuq, waxayna xildhibaannada dowladdan dhawaan korarsadeen xiliga, taasoo ay dareen xooggan ka muujiyeen guud ahaan dalalka deeqda bixiya iyo kuwa gobolka.

Itoobiya ayaa hadda guddoomiye ka ah urur gobolleedka IGAD, waana taas midda muhiimka ka dhigaysa  wadat ashiga Hailemariam iyo Augustine ee arrimaha Soomaaliya. IGAD ayey bulshada caalamka kala tashataa arrimaha Soomaaliya.



By: Osman Abdillahi Sool.....Freelance Journalist. sooldhuub@hotmail.com



Source: http://www.mfa.gov.et/Press_Section/Week_Horn_Africa_Feb_11_2011.htm#1