Wasiirka Arrimaha Dibada oo Shalay La Kulmay Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibada Ethiopia

 


Adiss Abaab Saturday, 06 March 2010 (TNN)- Shalay oo ay taariikhdu ahayd  05/03 /20 10, Wasiirka ArrimahaSample Image Dibada Somaliland, Mudane, Cabdillaahi  Max amed Ducaale, ayaa la kulmay Wasiiru dawlaha Arrimaha Dibada ee Ethiopia Takeda Alemu, wa xayna si aada uga wada hadleen xidhiidhka qotada dheer ee ka dhexeeya labada dal ee Somaliland iyo Ethiopia, iyada oo dulucda hadalkoodu ku jihaysnaa xidhiidhka gaarka ah iyo xaaladad guud ee Gobolka.

Waxa kale oo laga wada hadlay muhiimada dhismaha dariiqa Berbera ilaa Togwajaale, mu hiimada ay u leedahay , gaar ahaan labada dal iyo guud ahaan gobolka oo dhan.


Isla shalay, waxa uu Wasiirku la kulmay Safiirka cusub ee India u fadhiisan doona  Ethio pi a, isaga oo ay ka wada hadleen sidii loo abuuri lahaa xidhiidh midho dhal ah oo dhex mara Hindiya iyo Somaliland, waxay labada dhinac isla qaateen in la xoojiyo  xid hiidhka labada dawladood iyo xafiisyadooda diblomaasiyadeedba.
 

Source:Somalilandnation