Wasiirka Arrimaha Dibada Oo Madaxda Iyo Siyaasiyiinta Somalia Uga Digay Sheegashada Somaliland


 

 


Dr Maxamed C/laahi Cumar oo maanta hadal ka jeedinayay munaasibad loo qabtay Mushar ax...........


Hargeysa (TNN) - Wasiirka arrimaha Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa madaxdad a Somalia uga digay sheegashada Somaliland,waxaanu ka digay hadaladan ka soo yeedhaya Siyaasiyiinta Dalkaasi.

Dr Maxamed C/laahi Cumar oo maanta hadal ka jeedinayay munaasibad loo qabtay Musharax Hodan Axmed Cabdilaahi Oo xisbiga Kulmiye uga tartamaysa Golaha deeganka Ee gobolka Mar oodi-jeex, ayaa ugu baaqay maamulka Soomaaliya in ay joojiyaan arrimaha keeni kara xasiloo ni daro ku habsata Geeska Afrika


Waxaana uu sheegay in sheegashada Somaliland oo ay aqoonsan yihiin qayb ka mid ah Soom aaliya ay tahay meel ka dhac, isla markaana ay Somaliland tahay dal madaxbanaan oo raadin ayo aqoonsi caalamiya.

“Dastuurka Soomaaliya waxa uu sheeganayaa Somaliland , waxa ay jariimad ku tahay ah mad axbanaanida Somaliland , waxaanu ugu baaqaynaa Soomaaliya iyo masuuliyiinta kale in ay joo jiyaan sheegashada aan micnaha lahayn , waxaanu leenahay Somaliland waa dal madaxbana an , waa dal u taagan in beesha caalamku madaxbanaani buuxda siiyo”

Waxa kale uu sheegay Somaliland ay soo dhaweynayso in dawlada cusub oo uu yeesho dalka Soomaaliya oo ah xudunta rabshadaha ka dhaca Geeska Afrika.
 

 

 


Timacade News Desk
Hargeysa ,Somaliland