Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland oo ka warbixiyay Natiijada socdaal ay ku tageen dalka Masar

 



Hargeysa (TNN)- Weftigii Wasiirrada Arrimaha dibada iyo Madaxtooyada Dr. Maxamed Cabd ilaahi Cumar iyo Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo socdaal qaatay muddo laba todobaad ah socdaal shaqo ku joogay dalalka Kenya iyo Masar ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, waxaanay ka warameen kulamadii ay la yeesheen masuuliyiin ka tirsan dawlada Qaahira.

Wasiirka Arrimaha dibada Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar, oo qolka nasashada ee madaarka Hargeysa ugu waramayay warbaahinta ayaa sheegay in socdaalkii ay ku tageen dalka masar uu ka dhashay marti qaad rasmi ah oo ay ka heleen dawlada Masaaridda.

“Waxaanu booqasho shaqo oo rasmi ah ku tagnay dalka Masar, waxaana ujeedada socdaal ka yagaasi salka ku hayay sidii labada wadan ee Somaliland iyo Masar ay u yeelan lahaayeen isk aashi dhinacyo badan leh,”ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdilaahi.

Wasiirku wuxuu sheegay inay magaalada Qaahira kula kulmeen Wasiirka iskaashiga caalamiga ah ee dalka masar, Wasiir Ku xigeenka Arrimaha dibadda iyo masuuliyiin ka tirsan Jaamacada Carabta.
“Dhammaan masuuliyiintii aanu la kulanay waxaanu kala hadlay danaha qaranka Somaliland, waxaana aanu isla faaqidnay sidii labada dal ay u yeelan lahaayeen iskaashi balaadhan oo ku wajahan dhinacyada siyaasadda, ganacsiga iyo waxbarashada,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibadda.

Wasiirku wuxuu intaasi ku daray inay dalka masar kula kulmeen ardayda reer Somaliland ee wax ka barta dalkaasi oo uu tilmaamay inay uga xog warameen xaalada guud ee Somaliland isla markaana ku dhiirigeliyeen inay waxbarashadooda ku dedaalaan.

Wasiirka Arrimaha dibaddu waxa kale oo uu xusay in Weftigiisu ay kulan kula yeesheen safiir rada iyo dublamaasiyiinta wadamada reer galbeedka ee fadhigoodu yahay magaalada Nairobi oo ay kala hadleen sidii ay u sii xoojin lahaayeen xidhiidhka wadamadoodu la leeyihiin Somalila nd.

Dr. Maxamed Cabdilaahi waxa kale oo uu carabka ku dhuftay inay safiirradda uga warameen sida ay xukuumada Somaliland uga go’an tahay doorashada goleyaasha deegaanka ee lagu wado inay dalka ka qabsoonto sanadka 2012-ka ee fooda inagu soo haya.

 

Source:Somaliland.Org