Wasiirka Arr. Dibada JSL Oo U Kicitimay Dalka Ingiriiska In Uu Halkaas Kaga Qayb Galo Shir Caalami Ah

 

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibada Somaliland Cabdillaahi Maxamed Ducaale, ayaa maanta socdaal shaqo ugu kicitimay dalka Ingiriiska, halkaas oo uu sheegay in uu kaga qaybgalayo Shir caalami ah oo lagaga hadlayo Xuduudaha wadamadii uu Gumaysan jiray dalka Ingiriisku, gaar ahaan kuwa qaaradda Afrika.

Wasiirka oo maanta ka duulay Madaarka Diyaaradaha ee Magaaladda Hargeysa, intii aanu ambabixin ka hor, waxa uu Warbaahinta faah-faahin ka siiyay, ujeedada socdaalkiisani la xidhiidho, isla markaana waxa uu sheegay in uu Safarkiisan ku sii mari doono dalka Itoobiya oo uu caawa ku hakan doono, waxaanu intaa daray in safarkiisani ka dambeeyay Martiqaad rasmi ah oo uu ka helay Ingiriiska, kaasoo ujeedadiisu ahayd inuu ka qaybgalo Shir Caalami ah oo lagu qabanayo wadankaas, Shirkaas oo uu Wasiirku Sheegay in lagaga hadlayo Xuduudaha wadamadii uu dalka Ingiriisku gumaysan jiray ee qaaradda Afrika.

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland, waxa uu sheegay in Shirkan uu ka qayb galyo oo ah mid Caalami ah, inuu uga faa’iidaysan doono gudbinta qaddiyadda Somaliland, isla markaana uu khudbad ku saabsan Somaliland sooyaalkeeda taariikheed, xaaladaha ay wakhtigan ku sugan tahay, hanaanka dimuquraadiyadeed ee ka jira iyo xuduudaha ay Somaliland leedahay ka jeedin doono Jaamacad Ingiriiska ku taalla.

Si kastaba ha ahaatee, Safarkan Wasiirka Arrimaha Dibada ee ku saabsan Xuduudaha ayaa ku soo beegmay Xili Xuduudkii Somaliland ee Ingiriisku ogaa, gaar ahaan Xukuudka Somaliland Maamulka Puntland/Somalia la wadaagtaa aanu ku wada jirin Gacanta Somaliland, inkasta oo Ciidamada Qaranka Somaliland kulaalayaan Xadkaas.
 

 

 


Hadhwanaagnews