Wasiirka Arimaha Guddaha iyo Taliyaha Ciidanka Booliska oo Maanta Hortegay Muddaneyaasha Golaha Guurtida:-

 



Hargaysa (TNN):- Wasiirka wasaarada Arimaha guddaha somaliland Dr Maxamed Cabdi Gaboose oo ay wehelinayaan Taliyaha Ciidanka Booliska Kornayl Cilmi Rooble Furre (cilmi kabaal) iyo  mada xa hawl gelinta ciidanka Booliska ayaa manta markii ugu horaysay hor tegay Muddaneyaasha  Go laha guurtida,isaga oo wasiirka arimaha Gudduhu Muddaneyaasha Golaha Guurtida ka hor  jeediy ay khudbad aad u dheerayd uu kaga warbixinayay halka ay marayso guud ahaanba xaalada  am aanka ee dalku,ka dibna ay halkaasi wasiirka su’aalo xidhiidh ah oo kala duwan ku waydiiyeen xildhibaanada golaha Guurtidau.


Fadhigan manta ee golaha Guurtida oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Guurtida  M d Saleebaan Maxamuud Aadan oo ka qabsoomay Hoolka shirarka ee wasaarada waxbarashada ayaa ahaa mid ka duwan kana xasaasi san fadhiyadii caadiga ahaa ee golaha,waxana uu ahaa fadhi ay si aad ah u hadheeyay buuq,qaylo,dagaal iyo sawaxan kaasi oo ku dhawaaday in ay  xild hibaanadu faraha iskula tagaan.


Imaanshiyahan uu manta wasiirka Arimaha Gudduhu ku hor yimid Muddaneyaasha Golaha  guurti da ayaa ka danbaysay dib markii ay dhawaan muddaneyaasha golaha Guurtidu codsadeen in la soo Gole-joojiyo ama ay golaha guurtida horyimaadaan wasiirka arimaha gudaha iyo Taliyaha  Cii danka Boolisku, iyaga oo xildhibaanadu ka dayriyay halka uu marayo guud ahaanba amaanka  da lku wakhtigan kuna tilmaameen xaalada amni ee dalku in ay maalinba maalinta ka danbaysa ka sii xumaanayso oo ay jar ka sii dhacayso.


Wasiirka wasaarada Arimaha Guddaha Somaliland Dr Maxamed Cabdi gaboose oo fadhigaasi  man ta ee golaha guurtida khudbad ka jeediyay ayaa ka warbixiyay halka ay marayso Guud ahaanba xaalada nabad geliyada ee dalku,isaga oo ku dooday Dr gaboose in wakhtigan ay xaalada guud ee dalku meel fiican marayso inkasto oo baa uu yidhi ay dheceen falal yar-yar oo amniga wax u dhimi kara,balse ay talaabo ku haboon ka qaadeen,waxaana uu wasiirku qiray in kooxdii  dhawaa n ka soo degtay xeebaha Galbeedka ee ka tirsanaa jabhada ONLF ay u sabab ahayd  dabac  sana an dhinaca nabad geliyada ah taasi oo ay ugu wacnayd wakhtigii kala guurka ahaa ee ay labada xukuumadood is bedelayeen. waxaana uu wasiirku falkaasi tacsi uga diray dawlada Itoobiya, oo uu tilmaamay in ilaa iyo intii ka danbaysay wakhtigaa ilaa imika ay labada dalba iska kaashadeen Amaanka Xuduudaha ee labada dale e Somaliland iyo Ethiopia.Waxa kale oo uu wasiirka arimaha gudduhu khudbadiisan ku sheegay in ay layaab ku noqotay markii uu wargeysyada qaarkood  dh awaan ku arkay Xildhibaanada guurtida oo leh nabadgelyadii dalku faraha ayey ka sii baxaysaa maalinba maalinta ka danbaysa,oo waxa ay ka sii dhacaysaa jar aan laga soo laaban Karin haddii aan si dhakhso ah wax looga qaban.


Wasiirka Arimaha guddaha ayaa xusay in xukuumadoodu ay Golaha Guurtida u hayso qadarin iyo xushmad, isaga oo tusaale u soo qaatay hadal uu yidhi Madaxweynihii hore ee geeriyooday ee Somaliland Marxuum Maxamed xaaji Ibraahim Cigaal,hadal kaasi oo ahaa (Somaliland waxa ay  so maliya kaga horumartay dhinaca Guurtida) waxaana uu wasiirku golaha guurtida ku adkeeyay in ay kala qayb qaataan sidii loo adkayn lahaa amaanka guud ee dalka.


Waxa kale oo isaguna hadal kooban fadhigaasi ka horjeediyey Taliyaha Ciidanka Booliska  Somal iland kornayl Cilmi Rooble Furre oo sina fadhigan manta ee golaha Guurtida ee ay horyimaadeen hadal ka jeediyay ayaa sheegay in tan iyo wakhtigii uu la wareegay Taliyaha ciidanka Booliska  w ax badana uu ka qabtay xaalada Amaanka dalka,isaga oo xusay in maalin kasta ciidanka boolisku gacanta ku dhigaan dad danbiileyaal ah oo doonaya in ay dalkan Somaliland amaankiisa khal-khal geliyaan, Booliska dalkuna ay markasta dagaal kula jiraan waxyaabaha ay ka midka yihiin  Kotara baanleyaasha doonaya in bilaa sharci waxyaabo badan dalka ku soo galiyaan, isaga oo xusay in ugu danbaysay maalintii shalay jimcihii in uu ka qayb-qaatay hawlgal laga fulinayey Banka dheer ee u dhexeya somaliland iyo Itoobiya oo inta badan ay isticmaalan Baabuurta kootarbaanku, wax ana uu Sheegay in ay soo qabteen Baabuur badan oo siday Shixnad Bilaa sharci ah.

Taliyuhu waxa kale oo Xusay in amaanka dalku uu meel fiican marayo. oo aan wax werwer ah  la ga qabin Nabad-gelyada Somaliland. Waxa kale oo Tilmaamay in ay Aqoonsadeen reerka uu ka  s oo jeedo Cida uu yahay halka uu ka yimid ninkii Magalada Burco ku dilay ninkii soo sheegay ninka sitay walxaha qarxa, kadiban ay ku daba jiraan soo qabashadiisa, oo ay inyar u jiiran.



Wasiirka arimaha guddaha Somaliland Dr Gaboose ayaa halkaasi waxaa ay xildhibaanada goluhu ku waydiiyeen su’aalo badan oo kala duwan kuwaasi oo la xidhiidhay dhinaca xaalada nabad  geli yada dalka iyo sidii loo adkayn lahaa.

 



Khadar Cabdi Muuse
Timacade News Desk
Hargaysa Somalialnd