Wasiirka Arimaha Gudaha oo sii Daayey Nin uu Hore u Sheegay in uu ka mid ahaa Raggii ka Danbeeyay Qaraxyadii Hargeysa

 


 


Hargeysa (TNN)- Wasiirka Wasarada Arimaha Gudaha ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gabboose  ay aa sii daayey nin uu hore u sheegay inuu ka mid ahaa raggii ka danbeeyay weeraradii lagu qarxiyey Hargeysa 29 kii October 2008 dii, kuwaas oo ka dhacay xarumaha Madaxtooyada, Xafiiska UNDP ee Hargeysa, iyo Xafiiska Xidhiidhka Ganacsiga ee Itoobiya.

Ninkan oo lagu magacaabo Cismaan Yuusuf Odowaa waxay soo qabteen ciidamada Bilaysku isagoo  H otel ka cuntaynaya, ka dibna Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa shir-jaraa’id ka sheegay 25 kii bishii  ho re ee September, in uu dhalasho ahaan ka soo jeedo somaliland waxa kale oo uu wasiirku xusay in  ni nkan ay ku eedaynayaan in uu ka danbeeyay qaraxyadii somaliland ka dhacay sanadkii 2008 dii, ka  d ibna uu dalka ka baxay maalmihii uu qaraxu ka dhacay, una baxsaday Koonfurta Soomaliya gaar  aha an magaalada Muqdisho,inkasta oo sida wasiirku sheegay wakhtigaasi ay ciidamada sirdoonka  soma liland ay isku deyeen in ay qabtaan magaciisana ciidamada sirdoonku ay u gudbiyeen ciidamda  boolis ka si loo qabto balse la ogaaday in uu dalka ka baxay wakhtigaasi.

Wasiirka oo arintaasi ka hadlayey wakhtigaas waxa uu yidhi "Ninkan hada la hayo waxaa magaciisa la yidhaahdaa Cismaan Yuusuf Odowaa una dhashay Hargaysa waa nin markii uu qaraxu dhacay dalka ka baxay isaga oo ay isla markiiba ciidamada Sirdoonku soo gudbiyeen magaciisa ninkaasi wuxuu ka mid ahaa ragii baxsaday Xamar baanu galay maxkamaduna ragii iyaga oo maqan ay xukuntay ayuu ka mid ahaa haddana dhakhso ayuu iigu soo gudbayaa macluumaadkiisu" ayuu yidhi waiirku.


Balse maalin ka dib markii Wasiirku hadlay waxay fajiciso ku riday beesha uu ka soo jeedo oo ay  mad ax-dhaqameedkeedu qabteen shir-jaraa’id oo ay ku beeninayaan eedaha wasiirku u dusha ka saaray ninkaas, waxaanay soo bandhigeen go’aan Maxkamadda Sare ku caddaysay in aan ninkaasi wax  dan biya ku lahayn dhacdaadaasi iyadoo burisay xukuno ay ku rideen maxkamadaha gobolka iyo  rafcaan ku. Taas oo ay ugu baaqeen xukuumadu inay faraha ka qaado, balse xukuumadu waxay ku  adkaysa naysay inuu danbiile yahay sii dayntiisa haatanna wax wara xukuumaddu kamay soo saarin.

 



Timacade News Network
timacadenews@hotmail.com
Hargeisa/somaliland