Wasiirka Arimaha Gudaha Oo Kulan La Qaatay Madax Dhaqa mee dyadda Somaliland, Kalana Hadley Arimaha Buuhoodlle Iyo Ta laabadda Ugu Haboon Ee Lagu Joojin Karro Shirka Talleex


 

 


Wasiirka iyo Cuqaasha reer Somaliland ayaa dood dheer iyo khudbaddo kala duwan oo laga soo jeediyay madashaasi waxa ay isla qaateen isla markaana isku afgarteen....



Hargeysa (TNN)- Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraalle (Duur) ayaa maanta ku lan la qaatay Cuqaasha iyo Madax dhaqameedyadda Somaliland.

Shirkan oo ka dhacay Xarunta Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland, ayaa waxa ay wasiirka iyo ma dax dhaqmeedyaddu kaga wadda hadleen Arimaha nabad gelyadda, iyo siddii wax looga qaban lahaa xaaladda cusub ee ka taagan Deegaanka Buuhoodlle.

Sidoo kale Odayaasha iyo Wasiir Duur ayaa ka wadda Hadley Shirka ka socdda Deegaanka Talleex ee l agaga dhawaaqay Maamul Goboleedka.
Madax dhaqameedyadda oo ugu horeyn ka Hadley kulankan ay la qaateen Wasiirka Daakhliga Somalila nd Maxamed Nuur Caraalle, ayaa Sheegay in ay ugu horeyn wax ka tirsanayaan Xukuumadda, taas oo ay ku sifeeyeen in ay xukuumaddu ka gaabisay in ay xidhiidh joogta ah la sameyso isla markaana la tas hato Odayaasha iyo Waayeelka Somaliland.

Balse wax arintan Cudur daar ka bixiyay Wasiir Duur, waxana uu sheegay in hadda loo baahan yahay in laga wadda hadllo Arintan taagan eek u saabsan Dagaalka ka dhacay Buuhoodlle iyo Shirka Taalleex is la markaana waxa uu u soo jeediyay Madax dhaqameeddyada reer Somaliland ee ka qayb galayay kula n kan in laga haddalo Arintan.

Wasiirka iyo Cuqaasha reer Somaliland ayaa dood dheer iyo khudbaddo kala duwan oo laga soo jeediy ay madashaasi waxa ay isla qaateen isla markaana isku afgarteen in ugu horeyn xaaladda Buuhoodlle lagu soo dabaallo Wadda haddal iyo is afgarad, iyaga oo soo jeediyay in dadka qaska ka dhex wadda deegaanadaas ay ka waantoobaan Dagaalka isla markaana ay yimadaan miiska wadda hadalka si looga turxaan bixiyo wax ay tabanayaan.

Shirkan oo ahaa kii ugu horeeyay ee dhex mara Xukuuamdda iyo Madax dhaqameedyadda ayaa laysku af gartay in mar labaad laysku soo noqddo si looga hawl gallo Xaaladda cusub ee ka taagan Meelo ka mid ah Gobolka Sool.

 

 



Cali-Mahdi Cismaan Axmed
Timacade News Desk
Hargeysa Office