Wasiirka Arimaha Dibeda Somaliland Oo Maanta Safar Shaqo Ku Tagey Dalka Ethiopia

 


HARGAYSA(TNN)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ay aa maanta u anbabaxay dhinaca dalka Ethiopia, halkaas oo uu tagay sidii ay u sii xoojin laha ayeen xidhiidhka labada dal.

Wasiirka ayaa joogi doona dalka Ethiopia dhawr maalmood, waxaana lagu wadaa in uu wada hadalo la yeessho.


Waxa kale oo uu Wasiirku kala hadli doonaa xukuumadda Ethiopia dhamaystirka iyo ka midho dhalinta waxyaabihii ay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Ra’isal Was aaraha Dalka Ethiopia, ka wada hadleen Wakhtigii uu madaxweyneha Somaliland socdaalka ku tagay.


Wasiirka , oo intii aanu ka ka dhoofin Madaarka Warbaahinta ugu waramayay qolka Nasash ada ,ayaa sheegay in inta uu joogo Magaalada Addis Ababa ,ee Xarunta dalka Ethiopia, uu kulamo la yeelan doono Qaar ka mid ah Dublamaasiyiinta shisheeye ee ku sugan Magaalada Addis Ababa.

Si kastaba ha ahaatee Socdaalka Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ayaa ku soo beegma ya xilli uu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo xadhko xidhay socdaal uu ku tagayo dalka Maraykanka, ka dib markii la sheegay in uu Marti-qaad rasmi ka helay.

 

Source:RH