Wasiirka Arimaha Dibadda Iyo Wasiirka Arimaha Guduha Oo U Kicitimay Dalka Ethiopia Sheegayna In Ay Kala Hadli Do onaan Arimaha Amaanka Iyo Xidhiidhka Somaliland Iyo Ethiopia

 


Wasiirka Arimaha Dibadda Dr Maxamed C.laahi Cumar oo uu weheliyo wasiirka Arimaha Gudu hu Maxamed Nuur Caraalle....



Hargeysa (TNN)Wasiirka Arimaha Dibadda Dr Maxamed C.laahi Cumar oo uu weheliyo wasiir ka Arimaha Guduhu Maxamed Nuur Caraalle Duur, ayaa goor dhoweyd ka ambaxabay magaaladda Hargeysa, waftigan ayaa u kici timay dalka Ethopia.
 


Waftigan ayaa sheegay in ay dalkaas u tagayaan siddii ay ugala hadli lahaayeen dhanka am aanka ee labadda Dal, iyo sidii loo kobcin lahaa xidhiidhka labadda dawladood, balse wax tafa asiil intaas ka badan may bixin, waxana ay sidaas ku sheegeen mar ay shabakadda Timacade News weydiisay waxa uu ku saabsan yahay safarkooddani, iyaga oo ku sugan magaaladda G abiley ee Xarunta Gobolka Gabiley.
 

 

 


Cali Mahdi Cismaan Axmed
Timacade News Desk
Hargeysa Office