Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Iyo Wefti Uu Hogaaminayo Oo U Kicitimay Dalka Masar 

 



Hargeysa (TNN) :- Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Debadda & Iskaashig Caalamiga ah JSL Dr. Sacad Cali Shire oo socdaal shaqo ugu baxay dalka Masar ayaa maanta gaadhay ma gaalada Qaahira ee caasimadda dalkaas.

Wasiirka Arrimaha Debadda JSL oo ay ku weheliyan weftigiisa Danjiraha Somliland u qaabilsan Yemen, Danjire Cali Maxamed Ilkacase, Agaasimaha Waaxda Siyaasadda ee Wasaaradda Arrim aha Debadda, Mudane Cabdiqani Axmed Xasan iyo Madaxa Qaybta Bariga Dhexe Mudane Fahmi Maxamed Qaasim ayaa saaka caabbaara 6;30kii subaxnimo lagu soo dhaweeyay Gagada Dayuu radaha ee Qaahira.

Weftiga Wasiirka oo shalay gelinkii dambe ka ambabaxay magaalada caasimadda ah ee Hargey sa kadib martiqaad rasmi ah oo wasiirku ka helay dhiggiisa dawladda Masar, waxana kaga hor yimi Madaarka Qaahira masuuliyin sarsare oo ka socotay Wasaaradda Kharaajiga Masar iyo xu kuumadda dalkaas oo soo dhaweeyay weftiga.

Sida ay warbaahinta usoo xaqiijiyeen qaarka mid ah masuuliyiinta wasiirka ku weheliya weftigii sa ayaa waxa u qorshaysan weftiga wasiirka mudada ay ku suganyihiin Qaahira inay kulamo mu hiim ah la qaataan dhinacyo kala duwan oo ay ka midyihiin Wasiirka Arrimaha Debadda Masar M udane Saamix Shukri, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Wax barashada, Wasiirka Waxbarashada sare, Sheekha Al Azhar iyo qaarka mid ah masuuliyiinta ug u sarraysa Ururka Jaamacadda Carabta.

Ujeedada safarka ee weftiga Wasiirka Arrimha Debadda JSL ayaa qayb ka ah sii xoojinta xidhiid hka wada shaqayneed iyo iskaashiga dhinacyada badan ee labada wadan ee Somaliland iyo Masar
 

 


Xigasho: Wasaaradda Arrimaha Debadda JSL