Wasiirka Arimaha dibada Somaliland oo kulan Albaabadu u xidhanaayeen la yeeshay Guddida joogtada ah ee Golaha wakiilada.

 


“lamaanu fadhiisan kooxaha somalida ee aad sheegayso,golaha amaankuna warbixintii uu soo saaray waxaa uu kui sheegay in ...


Hargaysa (TNN):-Wasiirka Arimaha dibada iyo xidhiidhka caalamiga ah ee somaliland Dr Maxamed C/laahi Cumar ayaa maanta kulan albaabadu u xidhanyahay la yeeshay Guddida joogtada ah ee Golaha wakiilada Somaliland.


Kulankan oo ka dhacay xarunta Golaha wakiilada ee magaalada Haragysa,waxaa ay guddida joogt ada ah ee golaha wakiiladu wasiirka su’aalo kaga waydiiyeen shirkii dhawaan ka dhacay magaalad a Nayroobi ee dalka Kenya,kaasi oo ay Qaramada midoobay u qabatay Somaliya,somaliland iyo ma amulada kale ee somaliya shirkaasi oo ay ka qayb galeen wasiiro ka tirsan somaliland oo uu hogaa minayay wasiirka Arimaha dibada Somaliland.


Kulankan oo ahaa mid alabaabadu u xidhnaayeen oo aan loo ogolayn saxaafada ayaa markii uu so o gebagaboobay waxaa warbaahinta la hadlay wasiirka Arimaha dibada Somaliland Dr Maxamed C/laahi Cumar oo faah-faahin ka bixiyay waxyaabihii ay Guddida joogtada ah ee Golaha wakiilada ka wada hadleen,waxaanu yidhi “waxaan maanta kulan la yeeshay guddida joogtada ah ee golaha wakiilada,isaga oo goluhu ku maqan fasax markaa waxaa shaqadii golaha sii haya guddida joogtad a ah oo golahana warbixin siin doona ,waxaanu iska waraysanayay guud ahaanba qadiyada somali land siyaasada arimaha dibda hawlaha socda ee qaranka u socda ee citiraaf doonka leh ee wanaa jinta xidhiidhka arimaha dibada leh ee horumarka iyo iskaashiga leh arimihii aanu iska waraysanay sifiican ayaanu iskula afgaranay”.


Mar wasiirka oo wax laga waydiiyay in shirkaasi ka dhacay Nayroobi ay Somaliland la fadhiisatay Somaliya iyo maamuladii kale ee shirkaasi ka qay galay waxa uu yidhi “lamaanu fadhiisan kooxaha somalida ee aad sheegayso,golaha amaankuna warbixintii uu soo saaray waxaa uu kui sheegay in ay somaliland si gaar ah ula shireen markii ugu horaysay taariikhda muddo labaatan sano ah,som aliyana shir gaar ah ayay la yeesheen waana sida ay tahay shirkaasi shir taariikhi ah ayuu ahaa waana markii ugfu horaysay ee ay somaliland qadiyadeeda u sheegto golaha amaanka ee qarama da midooba iyada oo aan ka turjumayn somaliya” ayuu yidhi wasiirku.


Wasiirka arrimaha dibeda oo markii uu ka soo baxay shirka aanu wax ka waydiinay in kulanka lag aga wadahadlay shirkii Magaalada Nairobi, ayaa ka warwareegay in uu si cad uga jawaabo arrinta as oo uu sheegay in ay qayb uun ka ahayd xog-wareysiga la xidhiidha arrimaha dibeda uu guddida siisay


Xubno ka mid ah guddida joogta ah ee golaha wakiilada ee maanta kulanka la yeeshay wasiirka Arimaha dibada oo iyagna saxaafada uga waramay waxyaabihii ay ka wada hadleen ayaa sheegay in ay wasiirka iska wareysteen halka ay marayso guud ahaan siyaasada arrimaha dibeda somalil and wakhti xaadirkan


Waxaa kale oo ay sheegeen xubnahani in ay wasiirka wax ka waydiiyeen shirkii dhawaan ka dhac ay dalka Kenya ee uu ka qayb galay weftigii ka socday somaliland ee uu hogaaminayay wasiirka arimaha dibadu waxaanay cadeeyeen xubnahani in ay si mug leh wasiirka ugu gudbiyeen dareenka shacabku ka qabo shirarka xasaasiga ah ee ay kula kulmaan dhinacyada isku haya siyaasada Soo maaliya.

 



Khadar Cabdi Muse
Timacade News Desk
Hargeysa Somaliland