Wasiirka
Arimaha dibada Somaliland oo London soo
gaadhay
Wasiirka arimaha dibada ee
Somaliland mudane Cabdillahi Maxamed Du'caale ayaa saaka subaxdii
hore markii ay saacada London ahayd 8:45 am, soo gaadhay magaalda
London ee xarunta dalka Ingriiska, xagaasi oo wasiirka ay ku
qaabileen saraakiil sar sare oo ka mid ah dawlada Ingriiska iyo
saraakiil ka tirsan wasaarada arimaha dibada ee Somaliland.
Isla saakaba wasiirku waxa uu wada hadalo la yeeshay saraakiil ka
tirsan wasaardaarimaha dibada ee Ingriiska, wada hadaladan ayaa
socon doona ayaamaha fooda inagu soo hayaba, iyada oo uu wasiirku u
sii gudbi doono gobolka Scotland halkaasi oo lagu marti qaaday, isla
markaasna uu kaga qayb gali doono kulamo caalami ah.
Wasiirka ayaa ku biiri doona wafti uu hogaaminaayo madaxweyanah
Somaliland oo ayaamaha soo socda soo gaadhi doona dalka Faransiiska,
taasi oo uu madaxweyanaha iyo waftigiisu ay hada ka soo baxeen
magaalada Haragaysa iyaga oo ku soo jeeda magaalda Addis Ababa ee
dalka Itoobiya, halkaasi oo ay uga sii gudbi doonaan dalka
Faransiiska, oo ay uga bilaabmi doonto booqasho uu madaxweyne
Rayaale uu ku maraayo qaar ka mid ah dalalka Yurub.
Sideedaba xukumada Somaliland iyo shir gudoonka golaha wakiilada
ayaa si baaxdleh u wadaqaaday talaabooyin diblomaasiyadeed oo talan
taali ah iyada oo shirgudoonku ay soo mareen dalka Kiiniya oo ay
kaga soo qayb galeen shirkii Barlaanada caalmka, halkaasi oo lagu
marti qaaday gudoomiyaha iyo ku xigeenkiisa, hadana ay u sii gudbeen
qaarada Yurub iyaga oo booqasho hada ku jooga wadanka Norway una sii
gudbi doona meelo kale.
Source:Qarannews
|