Wasiirka Arimaha
Dibada S/land Oo Shaaca Ka Qaaday Inay Soo Dhawaynayaan Qadiyada
Gooni-Isku Taaga Koonfurta Suudaan
“Maamulka Puntland Waxa Uu Jabiyey Shuruucdii Jimciyada Quruumaha Ka
Dhaxaysay Ee Ka Caagan aanta Mandaqada Hub iyo Saanad Milatari Oo
Aan Ogolaansho Looga Haysanin Q/Midoobay”
Wasiirka Khaarajiga S/land Dr. Max’ed C/laahi
Cumar
Hargeysa, December 19, 2010 (TNN)
– Wasiirka arimaha dibada Somaliland Dr. Maxamed C/laahi Cu
mar ayaa shaaca ka qaaday in xukuumad ahaan iyo shacbi ahaanba ay
aad u soo dhawaynayaan q adiyada gooni isu taaga Koonfurta
Sudan, oo loo badinayo inay ka madaxbanaanaadaan Sudan inte
eda kale, waxaanu iftiimiyey inay arintaasi wax weyn u soo kordhin
doonto shacbiga Somaliland ee muddada 20 sano ah baadi goobka ugu
jiray sidii ay aqoonsi uga heli lahaayeen beesha caalamka.
Wasiirka Khaarajiga Somaliland Dr. Maxamed C/laahi Cumar waxa kale
oo uu sheegay in haddii ay d hacdo bisha January in shacbiga
koonfurta Sudan ay doortaan gooni isku taag in arintaasi ay waji
g abax ku noqon doonto midawga Afrika, isla markaana ay keenayso in
dib loo eego qadiyada Jamhu riyada Somaliland.
Wasiirka amuuraha dibada Somaliland Dr. Maxamed C/laahi Cumar waxa
uu sidaasi ku sheegay mar uu xalay wargeyska Haatuf waraysi khaas ah
khadka tilifoonka ku siiyey, isaga oo ku sagan magaalada Hargeysa.
Waxa kale oo uu ka hadlay Dr. Maxamed C/laahi waxyaabihii uga
qabsoomay xaga siyaasada arima ha dibada xukuumada madaxwayne
Axmed Siilaanyo mudadii ay dalka ka talinaysay, waxaanu shee
gay in waxwayni u qabsoomay. Wasiirku waxa uu ka hadlay arinta
ciidamada South Afrikanka ah ee la sheegay in Maamul goboleedka
Puntland ay soo kiraysteen, waxaanu ka dhawaajiyey in maamul
ka Garoowe uu jabiyey shuruucdii iyo xeerarkii ka yaalay in
mandaqada aan la soo galin Karin hub i yo saanad milatari oo
aan jimciyada quruumaha ka dhaxaysa aan ogolaansho looga soo qaadan,
ugu horayna isaga oo ka hadlaya qadiyada gooni isku taaga Koonfurta
Suudaan, waxa uu yidhi “Sidaan ka warqabo waxa hada socda hawlo
loogu diyaargaroobayo in koonfurta wadanka Suudaan dadka ku dhaqan
afti laga qaado, oo ay ku kala dooranayaan in ay go’ayaan iyo inay
wadankaas ka sii mid ahaanayaan, bishan Janaury ayaana aftidaas laga
qaadayaa dadkaas. Hadii shacbiga koonfurta Suudaan ay doortaan in ay
ka go’aan wadankaas, talaabadaas oo shucuub badan oo caalamka iyo
reer galbeedkaba ka mid ahi ay doonayaan inay go’aan koonfurta
Suudaan, arintaasi waxay keen aysaa in dib loogu noqdo
aragtidii hore ee midawga Afrika ee sheegaysay in xuduudihii afrika
ay sidii guumaystuhu kaga tagay ay ahaadaan, laakiin talaabadaasi
waxba Somaliland ma yeelayso sababta oo ah Somaliland waxay ahayd
dawlad markii horeba dawlad kale ku biirtay, ka dibna kala soo
noq otay xornimadoodii 1991-kii wixii la isku odhan jiray Somalia,
sababta oo ah caalamku wuxuu ogya hay xuduudii Somaliland xiligii
midawga ka hor oo halka uu maanta xaduudeeda Somaliland marayso mari
jiray.
Hadii ay dhacdo in koonfurta Suudaan ay ka go’aan wadankaas oo ay
doortaan in ay noqdaan wad an goonidiisa isku taga, qadiyadaas
waxay wax wayn ka taraysaa Ictiraafka Somaliland iyo sidii ay
nu beesha caalamka uga mid noqon lahayn, waxaana dhacaysa in beesha
caalamka iyo midawga Af rikaba uu wax ka badali doono sidii ay
Somaliland ula macaamili jireen, runtiina qadiyada koonfurta Suudan
waa mid aanu aad u soo dhawaynayno, qaran ahaan iyo shacbi ahaanba”
Dr. Maxamed C/ laahi Cumar isaga oo hadalkiisa sii watana waxa
uu yidhi “Bisha Janaury hadii ay koonfurta Suudan ka go’do dal
waynaha Suudaan waxay Afrika iyo ururka Midawga Afrikaba ku
noqonaysaa dhacdo ugub ku ah, Somaliland-na waa qaran madax banaan
oo shuruudihii laga rabay wadan madaxbana ana leh, waana wadan
wax wayn ku soo kordhiyey Afrika iyo caalamkaba, runtiina waxaan
aamin-sanahay Somaliland marka ay beesha caalamka ka hesho Ictiraaf
in ay wax wayn ka tari doonto dhibaatooyinka iyo dagaalada aafeeyey
mandaqada geeska Afrika”
Wasiirka arimaha dibada Somaliland Maxamed C/laahi Mar uu baaq u
dirayey qaramada midoobay iyo midawga Afrikaba, waxa uu yidhi
“Jimciyada quruumaha ka dhaxay, midawga Afrika iyo beesha caalamkaba
waxaanu ugu baaqaynaa in ay qadiyada Somaliland dib u eegaan oo ay
tixgaliyaan waxay ummadani qabsatay”
Wasiirka arimaha dibada Somaliland Dr. Maxamed C/laahi Cumar mar uu
ka hadlayey in wax xidhiidh ah ay dawlad ahaan la sameeyeen
masuuliyiinta wadanka la filayo in uu bisha January ka mid noqdo
beesha caalamka ee Koonfurta Suudaan, waxa uu yidhi “Xukuumadan
cusub ee dhawaan ku timid kalsoonida shacbiga Somaliland, waxaanu
xidhiidh kala samaynay arimahaas midawga Afrika iyo urur goboleedka
Igad oo aanu kala hadalnay in ay nala socodsiiyaan qadiyada
koonfurta Suudaan iyo aragtida ay ka qabaan, waxaanay noo sheegeen
in ay arintaasi ku xidhan tahay kalsoonida shacbig a koonfurta
Suudaan, waxaanay qadiyada koonfurta Suudaan keenaysaa in la
ixtiraamo rabitaanka shacbiga Somaliland oo iyagu wax wayn qabsaday,
isla markaana gooni isku-taag ku dhawaaqay sanadii 1991-kii”
S: Mudadii xukuumada cusub dalka ka talinaysa maxaa la taaban karaa
oo idiinka soo kordhay xaga siyaasada arimaha dibada?
J: Waxaan odhan karaa wax wayn ayaa siyaasada arimaha dibada ee
Somaliland aanu ku soo kordh inay, waxaanan odhan karaa waxa
ay xukuumadan cusubi xooga saartay in la dardar la galiyo
xidhii dhka aynu la leenahay wadamada geeska Afrika, oo runtii ah
dalal wax wayni iskaga keen xidhan yihiin oo aynu jaar nahay,
arintaasi anaga oo ka duulayna waxaanu dib u cusboonaysiinay oo aanu
boodhka ka hurgufnay xidhiidhkii aynu la lahayn wadanka aynu
walaalaha nahay ee Djibouti oo ah dal aynu af, isir iyo diinba
wadaagno, arintaasi guul ayaanu ka gaadhnay waxaanay labada
dawlad ood heshiis ku wada galeen in ay ka wada shaqeeyaan
xidhiidhka labada dal haday noqon lahayd xaga amniga iyo haday noqon
lahayd xaga ganacsigaba, waxa kale oo ay labada xukuumadood ku
heshiiyeen in ay is dhaafsadaan safiiro.
Dawlada Ethiopia oo ah iyaduna wadan aynu jaar nahay dano badanina
ay inaga dhaxeeyaan waxa anu xooga saarnay in aanu sii
xoojiniyo xidhiidh ganacsi, amni iyo walaalnimo ee inaga dhaxeeyey,
markii ay dhawaan madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud
Siilaanyo iyo ra’isal wasaaraha Ethiopia Males Sanawi ku kulmeen
dalkaas oo runtii si diiran oo meeqaam sare ah naloogu soo dhaweeyey,
arimihii ay ka wada hadleen labada masuul waxay noqdeen runtii kuwo
aad u dhiiri galiya siyaasada arimaha dibada ee Somaliland.
Qorshahaygu waxa uu noqonayaa marka aanu dalalka jaarka xidhiidhka
naga dhaxeeya ka shaqayno in aanu markaa u gudubno wadamada kale ee
Afrika, wadamada caalamka iyo reer galbeedkaba.
S: Qadiyada hadal haynta badan ee ku saabsan ciidamada South
Afrikanka ah ee la sheegay in Maamul goboleedka Puntland soo
kiraystay oo la moodo in xukuumadu afka ka xidhatay, maxaad kala
socotaa oo aad tafaasiil naga siin kartaa?
J:Arintaasi xukuumadu hawl wayn ayey ka gashay, waxaynanu leenahay
hay’addo qaranka u xilsaaran arimahaas, xukuumadana waxay arimahaas
u saartay gudi ka soo talo bixisa. Arinka-se meesha yaalaa waxa
weeyi ciidamadan la sheegay in uu tababar uga socdo gobolka maamulka
Puntland waxay baal mareen oo ay jabinayaan shuruucda iyo qaynuunka
jimciyada quruumaha ka dhaxaysa ee ahaa in mandaqadu ka caagan tahay
hub iyo saanado milatari oo aan ogolaansho ka haysanin qaramada
midoobay.
S: Waftigii ka socday urur goboleedka Igad ee todobaadkan gudihiisa
dalka booqashada ku yimid, waxa la sheegay in aad ka wada hadasheen
diyaaradii hubka lagu qabtay iyo arimahaas Puntland, arintaas maxaa
ka jira?
J: Madaxda urur goboleedka Igad oo uu hogaaminayey Eng. Maxbuub
Macalin kalamaanu hadal arinta diyaarada, arimaha aanu ka wada
hadalnay waxa ka mid ah iskaashiga xaga harumarka, nabadgalyada
mandaqada iyo sidii Somaliland uga mid noqon lahayd wadamada geeska
Afrika ee ururkani taageerada iyo gacantaba ka geysto. Waxyaabihii
aanu ka wada hadalnay waxa kale oo ka mid ahaa oo ay noo sheegeen in
ay aad u danaynayaan in ay la wareegaan dugsiga xanaanada xoolaha
lagu barto ee degmada Sheekh ku yaala, waxa kale oo ay nagala
hadleen arimo badan dhinaca horumarka ah oo anfac u leh ummadeena.
S: Safiiradii aad dhawaan u magacawday, waxa la sheegayaa in ay
dalka ku sugan yihiin oo aanay wali bilaabin shaqadoodii, arintaas
maxaa keenay?
J: Haa way jiraan safiiro dalka inala jooga sida safarkii Ethiopia,
safiirkii loo magacaabay dalka Yemen iyo kii Djibouti intuba waxay
ku sugan yihiin dalka, waxaana noo socda wada hadalo iyo talooyin
aanu is dhaafsanayno oo ku saabsan siyaasada ay xukuumada Somaliland
doonayso in ay ku shaqeeyaan safiiradeedu marka ay tagaan dalalka ay
Somaliland wakiilka uga yihiin, dhinaca kalena waxa jira diyaargaraw
ay xilalka kula kala wareegayaan safiiradii hore iyo kuwan cusubi.
Source: Haatuf
|