Wasiirka Arimaha
Dibada Oo Maanta Beeniyey Hadal Ka Soo Yeedhay Wasiirul Khaarajiga
Dawlada Sheekh Shariif
“Annagu meel baasaboorka
Somaliland lagu diiday ma ogin, waa laga yaabaa in shaqsi dawladi
dal ku gal u diiday” Wasiirka A. Dibadda
Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada Somaliland Mudane. Cabdillaahi
Maxamed Ducaale ayaa maanta beeniyay hadal ka soo yeedhay Wasiirka
Khaarajiga ee dawlada Sheekh Shariif ee dalkaasi Soomaaliya oo
sheegayay inay Somailand diyaar u tahay inay wada hadal la gasho
dawladiisa
Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland oo maanta shir jaraa’id ku
qabtay xafiiskiisa waxa kale oo uu kaga hadlay xidhiidhka dawladiisu
la leedahay dalka Jaarka ah ee Jabuuti.
Md. Cabdilaahi Maxamed Ducaale, oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu
yidhi “Waxa ka soo baxaya mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Muqdisho,
oo ku andacoonaya in Somaliland wada hadal la galayaan ama kula
jiraanba, oo aanu u aragno arrin been ah oo aan waxba ka jirin,
qofka marka uu mas’uul yahayna inuu waxa aan jirin uu sheego., waa
laga fiican yahay, arrintaa aad iyo aad ayaanu uga xunahay aadna
waanu u cambaaraynay naa, warkaasina waxa uu rasmiyan uga soo baxay
Maxamed Cabdilaahi Oomaar, oo u qaabilsan arimaha dibada maamulka
Muqdisho, markaa waxaanu leenahay walaal arrinkaa waxba kama jiraan,
meel aynu ku wada hadalnay iyo meel aanu cid kuugu soo dirsanayna ma
jiraan, arintaana waxaanu jecelahay in aad iska ilaalisaan oo ayna
dib u dhicin.”
Wasiirku waxa kale uu beeniyay
war la sheegay in laga soo xigtay
xubin ka tirsan
xisbiga UDUB oo ku soo baxay Wargeyska Haatuf, kaas oo ka
dalbaday dawladda Sheekh Shariif in ay aqoonsato Somaliland isaga oo
arrintaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaanu maqlaynay oo aanu
saaka (shalay) Jaraa’idka ku arkaynay, nin
la baxay Yuusuf Budle
oo sheeganaya in uu xisbiga UDUB ka tirsan Maraykankana degan yahay,
isagana warkiisa wax ka jiraa ma jiraan
cid aanu u dirsanayna ma jirto, UDUB-na
siyaasada arimaha dibada ee Qaranka shuqulba kuma laha, xuku umada
ayaa arintaa ku shuqul leh, xisbi arimo dibadeedna ma jiro, wixii
arimaha dibada ah ee qaranka khuseeya waxa u hadla waa
Wasaarada arimaha dibada oo uu Wasiirku
Oday u yahay, xukuumadana iyadaa uga wakiil ah.
Markaa waxaanu idinla socod siinaynaa in aanay
jirin haba yaraatee wax wadahadal ah oo jira ama dhacay ama
laga fkiray oo qorshaha noogu jiraa ma jiro, qolooyinkaa meelahaa ka
qalaadinayana waxaanu leenahay hawlihiina qabsada, Inan dhalinyaro
ah oo waliba maalmihii uu shirku ka socday Jabuuti halkan joogay oo
waliba uu Baabuur (Land-cruiser) ah halkan kaga sii cararay, waxaanu
leenahay walaal iska ilaali hore waraaqo waanu kuugu dhiiban jirnay,
oo waabanu u dhiibanay waraaqo isaga oo shakhi ah oo ganacsi ah,
laakiin taasi waxay ahayd muddo hore, waxaan anu u haysanay
nin nasteex ah oo sida reer Somaliland ku
abtirsada Somaliland
“Markaa arrintaa wax ka jiraa ma
jiraan, heer guud, si toos ah iyo si dadban midna, markaa taasi weyn
ayaanu u beeninaynaa, wax ka jiraana ma jiraan, qarankani arrintiisa
meel buu dhigtay waana arrin hore u dhamaaday, wax cidi ku
gorgortamayso oo laga wada hadlayaana haba yaraatee ma jirto, markaa
riyo been ah iyo nin cidlo fadhiya oo ay hadal arrintiisii noqotay,
waxaanu leenahay haku riyoonin Somaliland arrinteedii way
dhamaysatay, cid ay ka baryayso jiritaankeedu ma jirto, way soo
dhawaynaysaa wixii nabadgelyo ah iyo xidhiidhka gobolka oo dhan.”
Wasiirka arimaha dibada Somaliland, Md. Cabdilaahi Maxamed waxa uu
sheegay in ay jirin cid Somaliland qadiyadeeda u daba fadhiisanayso
“laakiin arrinta qaddiyadda Somaliland Muqdisho uma hayso, Maxamed
Cabdilaahi Oomaar-na uma hayo, rag ka waawayn oo sheegay inay dhiig
iyo dalba la wadaagaan Somaliland oo manaasiib kaa la mid ah iyo
kuwo ka waawaynba haysay oo iyaguna lugo’ay way jireen, oo qaarkood
anaga hadda cafis na soo waydiisanayaan, markaa waxaanu leenahay
walaal dariiq khaldan ayaad haysaa, haddii aad danaysanayso iska
danayso laakiin anaga ha nagu soo xoqonin,” ayuu yidhi wasiirku
Mudane Cabdillaahi Maxamed Ducaale waxa uu jawaab kulul ka bixiyay
eedo uu xukuumada ku naqdiyay Eng. Maxamed Xaashi Cilmi waxaanu
yidhi “Waxa kale oo jira ashkaas reer Somaliland ah oo markii ay wax
kale waayeen meelahaa ka hadla oo yidhaahda waxa jira heshiisyo
qarsoodi ah oo dawlado lala galay, intaana dawlado ayaa la
aflagaadaynayaa, qolooyinkaa waxaanu leenahay shir qarsoodi ah oo
Jabuuti lagu galay haba yaraatee ma jiro, Jabuuti iyo Somaliland-na
waxa ka dhexeeya xidhiidh aad u wanaagsan, waana mid aanu aad u
qadarinayno, labada shacbina waa mid, Madaxweyne Ismaaciil Cumar
Geelle runtii ma geyo aflagaado isaga iyo xukuumaddiisa iyo
shacabkiisu toona.
Maxamed Xaashi Cilmi ayaan ka maqlayay arrintaas oo jaraa’idka ku
soo qoray, waana arrin aad iyo aad aan uga xunnahay, waana nasiib
darro qof suuqa joogga oo aan war hayn in uu siyaasaddii arrimaha
dibedda ee qaranka uu isagu ka jawaabo oo aad moodo
hawl-maalmeedkeeda in uu isagu gacanta ku hayo, markaa walalaal
waxba kama jiraan ee haddii uu shaki kaaga jiro annaga noo kaalay oo
na waydii"
Mar wasiirka la weydiiyay su’aal u dhignayd sidan Xukuumaddu waxay
sheegtaa in aynu xidhiidh fiican leenahay dawladda Jabuuti, haddana
dawladda Jabuuti waxay sheegtay in ay xafiis ka furanayso
Somaliland, kamanay furan, ta kale baasaboorkeenii way joojisay oo
dalkeeda laguma galo, markaa wasiir bal noo sharax waxa ay dawladda
Jabuuti inala qabato?
Waxaanu Wasiirku ku jawaabay oo uu yidhi “Walaal, xafiisyadii waa
tii lagu heshiiyay, heshiiskiina waanagii faafinay markii ay is
arkeen labada madaxweyne taas oo aanu hoos u daadajinay, taas ayay
wax walba inoogu dhan yihiin, labada xafiisna waa arrin farsamo
wakhti dhawna waanu ku rajo weynahay in ay inaga dhamaato,
wakhtigeeda ayaynu sugaynaa guddiyaduna sidooda ayay inoogu dhisan
yihiin.
Baasaboorka Somaliland waa lagu galaa Jabuuti, dhawaana waxa tegaya
dhawr iyo soddon qof, hore ayaana loogu wada tegay. Annagu meel
baasaboorka Somaliland lagu diiday ma ogin, waa laga yaabaa in
shakhsi dawladdu ay dal-ku-galkaa u diido taasna xukuumaddu iyada
ayaa leh sababaheeda, laakiin hadda ayaa la joogaa oo waa lagu
dhoofay, todobaadkii dhawayd ayaanu cid u dirnay, markaa anagu ma
ogin baasaboorkaa aad leedahay laguma galo.
Ta kale, arrinta budhcad badeeda anagu aad ayaanu u cambaaraynaynaa
waayo waa arrin aad iyo aad u xun, fool xumo weyna ku ah gobolka iyo
caalamkaba”.
Source:Ramaasnews
|