''Wasiirkii Ganacsiga (Dr. Max'ed C/Lahi Cumar) Ma Muuse Biixi Ayaa
Galaaftay..?!

Dr. Maxamad Cabdilahi Cumar, wasiirkii Ganacsiga ee shalay xilka
laga qaaday, waa siyaasi da' yar oo aad u-firfircoon oo runtii ka
mid ah, xubnihii koobnaa ee sida aan hagrashada lahayn u-la-soo
tacaalay madaxwayne Axmed Siilaanyo iyo halgankiisii siyaasadeed ee
sanadihii uu mucaaridka ahaa! Libinta, uu maanta xisbiga Kulmiye ku
naaloonayo ee uu ku hantay kursiga ugu sareeya qaranka Somaliland-na,
Dr. Maxamad C/laahi Cumar waxa uu ku lahaa kaalin mug leh oo aad u
shilis! Markii uu ku guulaystay Xisbiga Kulmiye doorashadii dalka
J.Somaliland ee uu Axmed Siilaanyo taloda dalka hantay ee uu dhisay
xukuumada, ma uu noqon Abaal-laawe ee isna (madaxwaynuhu) waxa uu
xilka wasiirnimo ee wasaarada Arimaha Dibada oo ka mid ah waaxaha
qaranka ugu awran ku karaameeyay Dr. Maxamad Cabdilahi Cumar.
Jagada Arimaha Dibada iyo hawsheedu ma ahayn wax ku cusub Dr.
Maxamad C/laahi Cumar, ee hore ayuu u-soo noqday ''xoghayaha arimaha
dibada'' ee xisbiga Kulmiye maalmihiisii mucaaridnimo!
Masuuliyadaasoo Dr. Maxamad-na u gutay si ragonimo leh, isaga oo
muujiyay galaangal badan iyo dadaal dheeraad ah! Taas oo indhaha
caalamka aad u-soo jiidatay oo uu Xisbiga Kulmiye ku kasabaday
saaxiibo badan! Tayadaasi qofeed ee aawan ee uu leeyahay Dr. Maxamad
C/laahi ayaa ah hadaba tii keentay in uu madaxwayne Axmed Siilaanyo
ugu habrado Dr. Maxamad, oo ka dhigo wasiirka Wasaarada Arimaha
dibada ee J.Somaliland.
Wasaarada A/dibadda iyo mudodii Dr.Maxamad C/laahi Cumar
Judhadiiba, markii damaashaadkii guusha xisbiga kulmiye dhamaatay ee
madaxdii xilka loo dhiibayna hawshoodii gudo-galeen, wasiirka
arimaha dibadu (Dr. Maxamad C/laahi) waxa uu ku ibo-furay
wasaaradiisa siyaasad cusub oo furfuran oo himilooyin iyo yoolal
ugub ah leh oo gudo iyo dibad ka shanqadhisay! Waxa uu dib-u-eegis
iyo habayn ku sameeyay qaabkii wasaaradu u agaasinayd iyo
qorshayaashii u jeexnaa! Taas markii uu jka faro-xashay dabadeedna
waxa uu guntiga u xidhay sida uu ugu iib-gaynayo qadiyadeena
Caalamka isaga oo socdaalo shaqo oo badan ku gaalaa-baxiyay dunidan
gees-ka-gees. Waxa uu la shir yimid talooyin dardar hor leh wata oo
ay ku dumeen gidaaro adkaa oo carqalad ku ahaa meel-marinta
J.Somaliland. Talaabooynka tilmaamnta gaarka ah leh ee uu qaaday
waxa ka mid ah;
1; Halgankii qadhaadhaa ee uu u galay in midowga Yurub dhagaysto
Xaqa ay dadka reer Somaliland u leeyihiin in ay aayahooda ka
tashadaan, taasoo aakhirtaankiina uu ka midho-dhaliyay oo lagu soo
casuumay wasiirka iyo wafdi balaadhan oo uu hogaaminayay inay
xarunta midowga reer Yurub ee Brussels (Belgium) gartooda ka
naqsadaan.
2; Qodobka labaad ee aan la ilaawin karin ee taariikhda galay isna
waxa uu ahaa, soo dhiraandhirintii iyo ka soo shaqayntii shirkii
Caalamiga ahaa ee ay dalalka UK & Turkey u qabteen Somalia iyo
J.Somaliland, ee doorka sharifka ahna laga siiyay Qadiyadeena, ee
lagu Iclaamiyay mararkii ugu horeeyay inay labada Dal (J.Somaliland
iyo Somalia) iyagu ka wada hadlaan sida uu xidhiidhkooda aayahu
noqon doono, taasoo lagu xardhay qodobadii 6aad iyo 10aad ee
baaqyadii kulamadaa laga soo saaray!
3; Wada-hadaladii u dhaxeeyay J.Somaliland iyo Somalia ee uu ka
qay-galay Dr. Maxamad C/laahi waxa uu mar kasta ku hayay meeqaamka
J.Somaliland meel aad u-saraysa oo aan jeernaba noqon wax la
yaraysto oo hoos loo dhigo! Isaga oo si hufan oo farshaxn-nimo leh
oo bisayl iyo xeelad aad u qoto-dheer wata la gole tagi jiray, taas
oo dhaabad adag u noqotay doodeena markii iyo aayaha dambe-ba!
Shirarkaa iyo waxii ka soo baxay ama la isla gaadhay-na uma baahna
inaan halkan kaga sheekeeyo ee waa laga wada dheregsan yahay!
Wasaarada Ganacsiga iyo Dr. Maxamad C/laahi
Tiiyoo ay sidaa haboon wax u socdaan, dadkuna ay aad ugu faraxsan
yihiin kuna bogaadinayaan wax-qabadka Dr. Maxamad C/laahi oo aan wax
dhaliil ahi ka soo yeedhin shaqadiisa, ayaa madaxwaynuhu
isku-shaandhayn ku sameeyay dawladiisa! Madaxdii laga wareejiyay
wasaaradahoodii ayuu Dr.Maxamad C/laahi ka mid noqday, waxana loo
dhiibay wasaarada Ganacsiga oo ahayd degal ku cusub wasiirka. Hawsha
ay qabato wasaarada Ganacsig ee J.Somaliland oo xaaladda adag ee
Ictiraaf la'ida ah awgeed xadidan iyo waqtiga gaaban ee u hayay
xilkaasi ayaanu wali wax-qabadkiisu aad u soo wada shaac-bixin
bal-se, intii uu halkaa joogay waxa hubaal ah inuu meelo badan uga
soo huleeleeyay ama uga caws-rogay horumarka wasaarada Ganacsiga!
Casilaada Wasiirka (Dr.Maxamad C/laahi) iyo waxa loo sibir-saari
karo?!
Inkasta oo uu xilku meerto yahay hadana, dib marka loo eego
isku-dhawaanshahii iyo xidhiidhkii gaarka ahaa ee u guntamay
wasiirka iyo M/waynaha, la isma lahayn sidaasaa ay ku kala tagi
doonaan labadaasi masuul. Taas bedelkeeda, waxa la filayay inay mar
kale u-qalab-qaataan sidii ay ugu tutuunsan lahaayeen in Axmed
Siilaanyo xukunka ku soo noqdo. Waxa hadaba is-waydiin mudan, maxaa
galaaftay Dr. Maxamad C/laahu Cumar ee uu ku waayay wasiirnimadiisii?.
Qof-ba si ayay ugu muuqan kartaa jawaabta su'aashaa iyo waxa keenay
maanta Casilaada Dr. Maxamad C/laahi-ye, waxa-se la hubaa inaanay
xaajadu daaranayn eedaymo la xidhiidha Xil-gudasho la'i, musuqmaasuq,
qaraabo-kiil, eex iwm oo lagu helay Dr.Maxamad!
Hase-yeeshee, tuhunkeeda waxa la qabaa in loolanka siyaasadeed ee
haatan ka dhex-taagan xisbiga Kulmiye gudahiisu uu yahay waxa keenay
in wasiirka dibada la dhigo! Muuse Biixi iyo damaciisa kursi oo uu
wasiirku aad ugu jajabnaa kama foga halka laga wareemay Dr.Maxamad
ee ho'day mansabkii uu xukuumada ka hayay. Aan idhaahdo labada
mudane, Saaxibo iyo Komaraad is-waayay uguma horeeyaan oo waa tii
hore loo yidhi; '' Siyaasadu Saaxiib ma-leh''
[Ha jirto Somaliland oo ha Joogto]
Cali Cumar Xasan.
|