Wasiiradda Maaliyada iyo Ganacsiga oo u caraabay Dalka Jabuuti iyo dareenada ku xeeran safarkooda

 


Hargeysa (TNN) Wasiiradda Maaliyadda iyo Ganacasiga Somaliland Maxamed Xaashi Cilmi iyo C/risa aq Khaliif Axmed oo uu wehelinayo sarkaal ka socda Rugta Ganacsiga Somaliland ayaa shalay galabn imadii u caraabay dhinaca Dalka Jabuuti halkaas oo ay ku qaabileen Wasiiro reer Jabuuti ahi. Kuwaasoo kala ahaa Wasiirul dawlaha wasaarada maaliyada Jabuuti u qaabilsan Miisaaniyadda Cali Siciid, Wasiirka Khasnada, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Cabdi Ashkir oo ka mid ah saraakiisha wasaarada maaliyada.

Wasiirka Maaliyada Somaliland Md. Maxamed Xaashi Cilmi oo markii uu gaadhay Jabuuti madaarka ugu waramayay Saxaafadda ayaa sheegay in socdaalkoodu qaadan doono muddo sadex maalmood ah isla markaana ay kulamo kala duwan la yeelan doonaan Wasaaradaha dalka Jabuuti.isagoo tilmaamay socdaalkoodani in uu ka dhashay marti qaad rasmi ah oo ay ka heleen dawlada Jabuuti.

Sidoo kale Wasiirka Ganacsiga, warshadaha iyo dalxiiska Md. C/risaaq Khaliif Axmed, ayaa isaguna uga mahad celiyay masuuliyiinta wasaarada maaliyada ee soo dhaweeyay waxaanu sheegay in socdaalkoodani uu qeyb ka yahay iskaashiga labada dal.

Inkastoo ay labada Wasiir sidaa ku macneeyeen Socdaalkooda hadana waxa ay sheegayaan warar ka aanu ka helayno safarkaasi inuu ka dhashay Codsi ka tagay dhinaca Somaliland kaasoo ay Xukuu madda Jabuutina aqbashay, ilaa hadana ma jiraan kulamo rasmi ah oo ay labada dhinac wada yeesh een marka laga reebo Casho sharaf xalay ay labada dhinac yeesheen mooyee.

Hase yeeshee waxa ay wararka hoose ee laga helayaa sheegayaan in ujeedada socdaalkoodu la xid hiidho sidii ay dhaqaale u weydiisan lahaayeen dalkaasi maadaama hoos u dhac weyni ku yimi Miisa aniyadii ay Xukuumadda Somaliland ku talo gashay, waxa sidoo kale la filayaa inay labada dhinac ka wada hadlaan arrimaha dhinaca Ganacsiga oo ay ugu weyn tahay ta shidaalku maadaama Somalila nd ay ka jirto shiidaal la’aan iyadoo Markabkii la filayayna ay Budhcad badeedu Af-duubatay
 

Source:Waaheen