Wasiirada Xukuumadda Ee Ugu Dhawdhaw Rayaale Oo Hargeysa Ka Wada Olole Beelaysan Oo Lagu Marin Habaabinayo Shaqaaqada Ceelbardaale
 

Hargeysa (Longlivesomaliland News) - Koox wasiiro ah oo ay hormood ka yihiin kuwa ugu dhawdhaw xukuumadda Rayaale ayaa laba saddexdii maalmood ee ugu dambeeyey shirar doceedyo iyo faq hoose ka waday magaalada Hargeysa, shirarkaas oo sida ay Haatuf u xaqiijiyeen goobjoogayaal ka qaybgalay  shirarka asi qaarkood ay ujeedada shirarkaasi ku sheegay kuwo lagu abaabulayo sidii shaqaaqada deegaanka Ceelbardaale loogu bedeli lahaa waji ka gedisan kii  dhe xyaalay labada beelood ee walaalaha ah, kaas oo aan ahayn mid layskugu soo dhaweynayo labada dhinac, balse looga dan leeyahay in shaqaaqada  Ceelbard aale looga faa’ideysto dano siyaasadeed.

Kooxdan wasiirada ah oo ay hormood ka ahaayeen wasiirka Maaliyada Cawil Cali Ducaale, Siciid Sulub Maxamed iyo Cali Maxamed Waran-cade oo iyagu ah  niman ka gadhwadeenka ka ah hindisaha looga dan leeyahay hurinta Deegaanka  Ceel bardaale ayaa shalay kulanadii u dambeeyey kula yeeshay Hotel Hadhwanaag ee magaalada Hargeysa qaar ka mid ah wasiirada iyo odayaal ka soo jeeda  dee gaanka gobolka Hawd.

Inkasta oo nuxurka wada hadalka kulanka labada dhinac aan la shaacinin, isla markaana uu ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin, hadana sida ay xaqiijiyeen ilo xogogaal ah oo ku dhawdhaw goobta uu shirkaasi ka dhacay ayaa waxa  kulan kan oo ahaa mid qado sharaf ah martiqaadkiisa lahaa oo u fidiyey wasiirka  maa liyada Cawil Cali Ducaale, hase yeeshee ilaa hadda lama hayo xaqiiqada  waxya abaha ay kulankaa labada dhinac kaga wada hadleen.

waxaase shaki weyn ku abuurtay dad iskugu jira aqoon yahan, waxgarad iyo dhalinyaraba, oo ka soo jeeda deegaanka Gobolka Hawd ayaa su’aalo iska  we ydiinaya aragtida kooxdan wasiirada ah ee uu horkacayo wasiirka maaliyadu Cawil, oo ay ku weheliyaan arintan tiraba shan wasiir oo ka soo jeeda beel  kel iya, waxaana la isweydiinayaa muraadka ay ka leeyihiin martiqaadka  kulank oodan ay la yeesheen qaar ka mid ah wasiirada, odayaasha iyo waxgaradka beesha Bali-gubadle.

Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in qorshahan ay wataan kooxdan  wasi irada ah ee beesha H/Yoonis ee la xidhiidha arinta shaqaaqada deegaanka  Ceel bardaale ay kula socdaan wasiirada beesha Arab kaga jira xukuumadda  Raya ale, kuwaas oo ay wasiirada hawshan wataa toonayaan inay ugu gabadaan ujeedada ay ka leeyihiin shirarkan beelaysan ee ay maalmahanba ka wadeen deegaanka Hargeysa, waxaanse la hubin inay arintan la qabaan odayaasha iyo waxgaradka lagu casuumay kulankan, wallow ay wararku tibaxeen inay madax dhaqameedyada beesha laftoodu arintan ku kala qaybsan yihiin.

Si kastaba ha ahatee qorshaha wasiirada Xukuumada Rayaale ee ku saabsan arinta deegaanka shaqaaqadu ka taagan tahay ee Deegaanka Ceelbardaale ayaan haddii ay ku guuleystaan ah mid saamayn colaadeed oo hor leh ku keeni karta Somaliland, gaar ahaan labada beelood ee colaadu ku dhexmartay iyo guud ahaan dalka oo dhan, taas oo khatar gelin karta dawladnimada iyo  jirita anka Qaranimada Somaliland, isla markaana dib inoogu celin doonta dhawr iyo toban sano ka hor xaaladii iyo dagaaladii sokeeye ee ina soo maray.

Si kastaba ha ahaatee xukuumadda Rayaale oo ku fashilantay in ay wax ka  qab ato dhibaatada ka taagan deegaanka Ceelbardaale, isla markaana ku guul  dara ysatay inay soo qabato dadkii geystay falalkii foosha xumaa ee ka dhacay jidka galbeed, isla markaana fuliso go’aamadii ay guurtidu ka gaadhay xalinta  Ceel bardaale ayaa hadda si weyn ugu mashquulsan olole ay wadaan wasiiro ka  tir san xukuumadda, kaas oo la doonayo in wejiyo kale loo dhigo shaqaaqada ka taagan deegaankaasi lagu muransan yahay isla markaana lagu mujo-xaabinayo dedaalka loogu jiro deminta colaada, kaas oo ay qaar ka mid ah Wasiirada xukuumadda Rayaale doonayaan inay uga faa’iidaystaan colaadii sokeeye ee Somaliland soo dhaaftay, taas oo aan wax badan laga faa’iidloo baahnan wakhtigan.


Source:Haatuf