Wasiirada Wasaaradda Waxbarashada Sam-Sam Cabdi Aden Waxay Ku Sifowdey Karti,Aqoon Iyo Daacad nimo,Waxaney Mudantahay Ku Dayasho

 


Diinteena ayaa ina faraysa in aan u mahad celino qofka wanaag ku sifooba rag iyo dumarba isla markaasna........


Diinteena ayaa ina faraysa in aan u mahad celino qofka wanaag ku sifooba r ag iyo Dumarb a, islamarkaasna wixii bulshada faaiido u leh ee uu qofkaasi ku dhiirado ay muddan tahay in ay Masuuliyiinta kalena ay kaga daydaan,Xukuu maddan uu gadhwadeenka ka yahay Madax weyne Axmad Maxamed  Maxam ud Siilaanyo,Golihiisa Wasiiradda waxa ka mid ah SHAQSIYA AD ay bulshada Maskaxdooda raad weyn ku sameeyey,kuwaasoo muddo dheer lagu xasuus an doono Kartida Dedaalka iyo daacadnimada ay u muujiyeen DADKA IYO DA LKABA, SHAQ SIYADDA wanaagsan ee xilkii loo igmadey Sidii larabay uga soo baxdaa,waxay kor u qaadey karaamaddii QARANKA,islamarkaasna ciddii soo magacawdeyna Sharaf iyo karaamo ayey u yeeshay.

Kaalinta ay haweenku kaga jiraan Horumarka Dalku maaha mid maqaal iyo laba la gu soo ko obi karo,dhinac kasta oo aad nolosha ka eegtaba waxad arkaysaa kaalinta Shariifk a ah ee ay ku leeyihiin Haweenku,Marka xil gaara loo igmadana waxa aan shaki ku jirin in ay dedaal iyo kartiba dheer yihiin Rag badan oo wax is bidayey,waxa tusaale la taaban karo in oogu f ilan,Wasiiradda Wasaaradda Waxbarashada Marwo SAMSAM CABDI AADEN oo muddadii ay xilka Wasaardda Waxbarashada ay haysey muujisey waxqabad aan horey loogu arag RAGII uga HOREEYEY ee Wasaaradda soo maray,waxa iyana xusid muddan kormeeradda isdaba jo oga ah ee ay Goboladda iyo Degmooyinka DALKA ay habeen iyo maalinba ku gaalaa baxays o.

Waxa intaasi dheer iyada oon ku koobneyn kaliya dhinaca shaqada Wasaaradeeda oo kaliy a,balse aad arkeyso iyadoo ku mashquulsan Arimo kale oo la xidhiidha xallinta khilaafaadk a bulshada dhexdeeda iyo dajinta arimaha xasaasiga ah ee mararka qaarkood dhexmar a xuk uumadda iyo bulshada,waxa xusid muddan dhacdadii u dambeysay ee ka dhacdey Gob olka Gabiley ee la xidhiidhey Mudaharaadkii ay sameeyeen ARDEYDA DUGSIGA HOOSE DHEXE EE SH MUXUMED WARSAME iyo sida xikmaddu ku jirto ee ay u soo afjartay,inagoo og haddii ay soo fara galin lahaayeen Wasiiro gobolka sheegta qaar kamid ahi ay xaaladdu faraha ka sii bixi lahayd,balse inantan oo ku sifowdey karti iyo daacadnimo ay ku guulaysatay in ay si fu dud u soo afjarto khilaafkii,qofkuna haddii uu wax kasta oo uu qabanayo ay ka muuqato Da acadnimo iyo caddaaladi ilaahay ayaa u fududeynaaya,laakiin haddii uu qofku ka tago Daac adda kuna dhaqmo hebel ku xummee ilaahay ayaa garabkiisa ka baxaya wax uu xalliyo daa ye Baadrool ayaa lagu sii shubaa,sidaa darteed waxa looga baahanyahay Wasiiradda iyo cid kasta oo xil u haysa UMMADDU in ay ku sifoobaan DAACADNIMO IYO CADDAALAD,waxan ku soo gunnaanadayaa hadalkaygan WASIIR SAMSAM waxay mudan tahay ku dayasho Magac aabistii Madaxweynahana wey ku bannaantahay.


wabillaahi towfiiq

 



By: MUSTAFA SH ABIBAKER HUSEIN TOG-WAJALE TEL: 446-6752