Wasiirada wasaarada waxbarashadu mas'uul kama aha fashil aada imtixaanada, ee waa fashil qaranka loo geystey

 

Maamulkan kulmiye wuxu dalkan taladiisa gacanta ku hayey mudo laga joogo maanta sanad iyo ayaa mo, waxa isa soo tarayay mudadaasi sanadka ah jilaafooyin iyo carqalado loo dhigayo madaxda wasa aradaha qaranka qaarkood, waxa jira kuwa waxmagaratada oo lasoo adeegsanayo oo runtii ka mas'u ulka ah carqaladahan iyo jilaafooyinka wasaaradaha qaar laga dareemayo,

Waxan maanta qalinka u qaatey oo an doonayaa bal in an waxyar ka idhaahdo wasaaradda waxbara shada iyo carqaladaha loo soo maleegay wasaaradaasi oo la doonayo in lagu fashiliyo waxqabadka w asaarada waxbarashada JSLand iyo wasiirada marwo Zamsam Abdi, waxa runtii jira oo marag ma do on ah hawladeenada u xilsaaran imtixaamada dugsiyada sare oo u ku yimid fashil qaran maadaama la helay imitaaxmadii oo lagu kala iibsaneyo suuqiyada magaalooyinka waaweyn ee somaliland,

waxan haddaba aad ula yaaban nahay shirqoolka noocaasi ihi ma mid wax lagu yeelayaa wasiirada w asaarada waxbarashada marwo Zamsam Abdi oo xilkeed ku waayi karta fashilad imtixan, mise waa dh ibaato loo geysaneyo qaranka oo wax lagu yeelayo qaranimada JSLand, runtii anigu waxan aaminsan ahay fadeexadani in ay tahay mid qarannimada soomaliland lagu dhaawaceyo oo la dooneyo in lagu f ashiliyo maamulka wasaarada waxbarashada JSLand ee maaha mid wax loogu dhimayo wasiirada was aarada waxbarashada, maaha arin khuseysa masabka wasiiradu heyso, wasiiradu maaha karaneyda arkiivida heysa imtixaanada ee mas'uulka ugu sareya wasaarada,

wasaaradu waxay leedahay hawlwadeeno kala sareya sida jaranjarada oo u xilsaaran maamulo kha s ah sida imtixanada oo kale, runtii imtixaanada kuwa fashilinayaa waa kuwa u xilsaaran imtixaamada e e maamulku u igmaday kuwaasa u baahan in talaabo hore leh laga qaado oo runtii sharcigan la hor ke eno.

Waxan leeyahay kuwa moodaya in ay wasiiradu shaqadeeda kuwaayeyso imtixaan laxaday oo suuqa lagu iibneyow ogaada in ad dhibaateneysan kuwii ku shaqada lahaa ii maamulku u igmaday keydka imt ixaamada oo runtiina ah kuwa fashileyay imtixaanada la helay.

Waxan kusoo gabagabeynayaa qoraalkeygan in aney wasaaradu iyo wasiirada khuseyn fashilada imti xaanadu ee ay khuseyso kuwii u xilsaarna oo maanta danbiilayaal ah oo la horkeeni doono sharciga i yo kuwii ka danbeyay ee soo maleegay shirqoolka noocaas ah

Wa bilaahi tawfiiq

 

 

 

 

Omar Darood Hassan
Norway