Wasiirada Ina Riyaale Siilaanyo Ka Soo Daba Dir ay, Ma Hawl Qaran Ayay u socdaan Mise Hawl Riyaale?!

 

Waxaa dalka ingiriiska ku sugan wefti JSL ka socda kana kooban wasiiro iyo  wa siiro ku xigeeno kuwaas oo aan illaa hada la garanayn waxa ay u socdaan,  Xub nahan ayaa sheegay in ay u socdaan in ay jahliyadaha somaliland ee qaarada yuruba u sheegi doonan wixii somaliland qabsatay oo ay tegi doonan dalka  Sw eden iyo Dalka Norway, Hadaba Weftiga imika Socdaalka ku maraya qaaradan yurub ee weliba yidhi Shacabka Somalilanderka ah ayaanu u sheegaynaa  Som a liland iyo waxay qabsatay ma danta Riyaale ayay u socdaan mise danta  Qaranka Somaliland?

Waxaa jiray Socdaal Dheer oo Gudoomiyaaa xusbiga Kulmiye Mujaahid Axmed maxamed Maxamuud (Siilanyo) ku tegay bishii la soo dhaafay Dalalka UK,  swe den iyo Norway, Kaas oo ujeedadiisu ahayd in uu Dalalkaas ka soo dhaadhciyo Qadiyada Somaliland ummada reer Somaliland ee dalalkaas ku dhaqana uu la kulmo, Muhaajid Siilanyo wuxuu Qudbad ka hor jeediyay Barlamanka Sweden Sidoo kale wuxuu la kulmay Dowlada Ingiriiska Wuxuu kale oo la kulmay  Deeq bixiyeshaaya Somalialnd ka taageera Doorashooyinka Mujaahidka Waxaa Si hargar la'aan ah u soo dhoweeyey Jahliyadaha Somaliland ee ku dhaqan  wada m adaas iyada oo weliba reer Sewden Gudoonsiiyeen BILAD GEESI. Mujaahidku kuma safrayn lacagta cashuurta dowlada ah kumana safrayn hantida qaranka wuxu isticimaalayay jeebkiisa iyo wixii taageero yaasha xusbigu bixiyeen.

Qurba jooga Somaliland oo ah Laf dhabarta dalka hadii ay tahay dhaqaale hadii ay tahay dib u dhis hadii ay tahay mashaariic la geeyo dalka meelkasta oo ay joogaan warkuma seegana dalka saacad kasta waxa ka dhaca iyo waxa ku soo kordhaba way og tihiin waxaana la odhan karaa qurba jooga somaliland iyaga ayaa uga lexejeclo badan cid kasta, Qoys kasta oo somalilander ah family giisii ayaa jooga maalin kastana waa la xidhiidhaan wixii somaliland ka jirana waa og yihiiin shacabka Somaliland ee Qurbaha joogaa ama waabay tagaan dalka oo soo arkaan waxa ka jira.

Haddiiba aan u Soo noqdo weftigan wasiirada ah ee maraya qaaradan yurub waxay sheeggeen sida aan kor ku soo xusay in aanay u iman Wadamadan  ujee do kale laakiin ay u yimaadeen sidiii ay Shacabka Somaliland ugu sheegi  lahaa ayeen wixii Somaliland qabsatay.Haddaba wax shacabka Somaliland loo  sheeg ayo ee ka qarsooni maxay tahay ma qof baa maanta war la'aanka haysaa Da lkii?

Tolow ma waxay odhanayaan Guulaha aanu gaadhnay waxaa ka mid ah?

1-Xukuumada Riyaale Laba jeer ayay ku Guulaysatay in ay Doorashada dib u dhigto?

2-Xukuumada Riyaale Hargeysa oo caasmaddii Somaliland ah Haraad ayaa loogu madhay?

3-Xukuumada Riyaale Weli Kamay Bedelin Lacagtii Giinbaarta ahayd Burco?

4-Xukumada Riyaale Waxay Lacag Ku Bixisay In Hargeysa iyo Boorame iyo Gabilay Ismaaciil Cumar Geelle Looga Heesso?

5-Xukuumada Riyaale Dekaddii Berbera way Xidhay Si xoolaheenu uga dhoofaan Jabouti?

6-Xukuumada Riyaale Waxay ku Guulaysatay in ay Xidho oo jeelka dhigto Muj, Maxmed Xaashi Cilmi oo ahaa Ninkii SNM abuuray iyo DR Gaboose?

7-Xukuumada Riyaale Waxay qabatay Gudoomiyaa Kulmiye Muj, axmed siilanyo ayay raasaas ku riday?

8-Xukuumada Riyaale waxay jeelka ku gurtay Weriyeyaashii Idacaada Horyaal ?

9-Xukuumada Riyaale Hantidii Qaranka hadii ay tahay school hadii ay tahay ba abuur hadii ay tahay Gurihii dowlada way wada iibisay?

10-Xukuumada Riyaale jabouti ayay 2 kun oo neef oo adhi ah siisay?


Waxaa kale oo iswaydiin mudan lixdan wasiir waxay ku safrayaan ama ku  soco nayaan waa hantidii Dowlada iyo cashuurtii dadka laga soo ururiyay maha  laca g ay leeyihiin hadii aynu qiyaasno imisa ayaa ku baxaya calaa qof marka lagu daro tecket dhada iyo hutellada ay gelayaan iyo inta dal ee ay tegayaan bal  a an eegno qiyaasta ugu dhow hadii aan eegno calaa qof iyo isu wayn.
Wassiir waliba tecket imaasho iyo noqosho ah ayuu iscimaalayaa wuxuu kale oo isticimaalayaa sedex dal oo yuruba ah tecket dhadoodii iyo hutel ladii..

6000$ lix kun oo dollar ayaa ku baxaya calaa shaqsi weliba waa marka ay ugu qarashka yaryihiin sababtu waxay tahay tecketka go iyo back ga ah ayaaba 2000$ ah. 6000x6=36.000$ lix iyo sodon kun oo dollar weeye waxaa intaa  dhe er Mayarka Hargeysa oo isaguna la socda intaa in le'egina ku baxayso isku  wa da geeyoo waa lacag dhan 42.000$ Lacagta intaa baaxada iyo tirada le'eg ma waxaa loo qarash garanayaa shacabka somaliland ayaanu wax u soo  sheegay n aa? Mise waxay ku baxaysaa Siilanyo ayaa halkaa tegaye idinna ka daba  tag a meeshii uu marayba idinna mara?


Ujeedada Lixdaa Wasiir Riyaale isu soo raaciyay waxa weeye oo keliya Dadkiii ama jaaliyadahii Somaliland ee Muj, Siilanyo la soo kulmay Been u soo sheega oo runtiii uu u sheegay been ka daba geeya waxaas oo lacag ahina waxay ku baxayaan been shacabka Somaliland loo so sheegayo..!!


 


 

Cali Kayse Kabadhe
Netherlands/Amsterdam
Calikayse@live.com