Wasiir Xirsi waxey aheyd inu ka jawaabo siyaasiga FARAAX ee marna waftiga Xamar la socda marna madaxtooyadeena jooga ee basaaska lagu sheegayo ee mey aheyn inu meelo kale ka fadkudiyo

 

 

Waxan halkan ka salaamaya shacabka somaliland meel wal oo ay joogan ba, waxa kaloon sala maya saxaafada xorta ah ee mar walba naga haqab tirta wararka iyo maameelada caalamka..

Waxan qalinka u qaaday sheeko ugub aha oo aad u foolxun, waatan runtii aadbaan uga xumah ay in maanta madaxdeeni sida qaawan ee anshaxa wanaagsan ka aradan u wada hadalaan iya goo waliba adeegsanaya media ah caalamku meel walba ka akhrisaneyo wa ceeb iyo daciifnimo, cadawguna dhageystaan ma sidaaseynu dooneyna in la inagu aqoonsado..

Haddii an dib uguso laabto nuxurka qoraalkeygan - runtii waxan ila xalay u adkeysan waayay oo dhawrjeer an hurdada uga so kacay hadalada macna darada ah ee kaso yeedheysa wasiir Xirsi iyo gudoomiye Faysal ee an waxba la isugu hanbeyneen waana ceeb in meelwalba la iska weerara.

Runtii Faysal Ali Waraabe wa gudoomiye xisbi mucaarid ah islamarkan xaq u leh dhaleeceynta maamulka iyo dhaliilaha jira inu shacabka u sheego lkn aflagaado iyo shakhsi caay midna xaq uma laha, gudoomiye Faysal arimahan uu ka dhawaajiyay islamarkan uu saxaafadda iyo warba ahinta u sheegay wa qodobo runtii shacabku u baahnayeen in ay ogaadan, axsaabta mucaarid ka ahna runtii wa arimaha loo igmaday in ay dabagalaan oo ay maamulka toosiyaan.

Gudoomiye Faysal Ali wuxu carabaabay nin FARAAX la yidhaahd oo marna Hargeysa jooga ma rna u duula Xamar oo waftiga dawlada somaliya soo raaca - sheekaduba waxay aheyd inu was iir Xirsi maadaama uu yahay mas'uul sare oo maamulka ka tirsan inu si masuuliyadi kujirto ugu jawaabo oo uu ku eekaado dhaliishii iyo dhaleceyntii u gudoomiya Faysal sheegayo runtii may aheyn inu afka isna gacanta galiyo oo u aflagaado iyo cey media aha uso mariyo gudoomiyaha waase nasiib daro..

Waxan odhan laha madaxdeenu in ay ka waantoobaan shakhsi weerarka marka hore iyo aflaga adada iyo ceyda, waa in ay bartan sida la isugu jawaabo, maaha inaad qofka shakhsiyadiisa u jawaabto oo ad isaga ka hadasho naftiisa iyo iintiisa ee wa inaad hadalkiisa iyo mawduuca uu ka hadalayo ad ka jawaabta adigoon dhiiga isku kicin, wasiir Xirsi waxey jawaabtiisu aheyd FA RAAX WUU JIRA IYO MA JIRO uun, imika waxanu aaminsan nahay inu Xirsi og yahay shakhsiga asi la yidhaahdo FARAAX ee uu Faysal sheegay maadaama u wasiirku ka jawaabi waayay siyaa sigaasi mr Faraax ee hargeysa iyo mogadishu u kala dabqaada.

Intii maamulkan Siilaanayo talada dalka gacanta ku dhigay waxeynu dhawr jeer aragney ila ma daxweyne ila wasiirku xign saliida iyo biyaha isku daraya haddii la sheego dhaliilaha iyo xaalada u dalkeenu kusugan yahay oo an dhaliishii ba ka jawaabeyn oo cey iyo aflagaado kujawaabaya, waxakaloo iyaduna nasiib daro kale ah marwal oo uu gudoomiye Faysal dhaliilo maamulka wax ay ugu jawaabaya shakhsi cey waxey ku aflagaadeynaya oo runtii wax laga xishooda ah isla markan caqliga saliimka ahi qaadan karin, mawduuca uu Faysal ka hadalayay ba dhag loo dhigi maayo ee shakhsiyadiisa aya weerar cir iyo dhul lagu so qaadaya taasin wa dhaqanka xun ee an ku arkey maamulkan Siilaanay inta u talada dalka gacanta ku hayay, dhamaantood waxad odhaneysa waar ma dhiig kar bey wada qabaan, mise gudoomiye Faysal baaney u adkeysan karin kantaalaha u ridayo, waad arki doonta wiigan inta xildhibaan ama wasiir ee sheekadaasi kasoo jawaabta ee aflagaadada iyo ceyda uso marin doonta media aha Faysal, waxad mooda haddii ay jawaabi waayay in xilka ba laga qaadayo..

Waxan qormadeydan kuso gabagabeynaya runtii maanta waftigaasi baxay ee shirkaasi ka qe yb galaya in ay fari ku godantahay oo an sidii hore loo aaminsaneyn, wufuudii hore waxa ka mid aha sadexda gudoomiye xisbi qaran ee somaliland, maantana waxa hor boodaya xubno dawlad a ah iyo xildhibaano ka tirsan xisbiga talada haya, labadii xisbi qaran ee kalsoonida lagu qabay ee mucaaridka aha midna awood kuma laha shirkaasi dhacaya maanta shacabkuna wu dareema ya..

Waxa runtii xaqiiqah in Gudoomiye Faysal lagu badalay siyaasiga Faarax ee uu inoo sheegay F aysal oo lagu sheegay basaasa labada dhinac ba u ridaya..Shacabkuna wa og yahay miisanka waftigu siduu yahay oo cidi u sheegi meyso..

Wa bilaahi Tawfiq

 

 



Omar Darood Hassan

Norway