Wasiir Xirsi Oo Ka Xog Waramay dhacdooyin Badan Oo Ku Taxan Nolashiisii iyo halgankii SNM




Hargeysa (TNN):-Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ka Warramay Qisooyin Badan oo Noloshiisa ah sida dhalashadiisa iyo barbaaritaankiisa, tacliinta iy o bar-aqooneedyada uu ku qaatay, Waayihiisii ku biiritaanka SNM, dhacdooyinkii ugu adkaa ee soo maray intii uu socday Halgankaasi, Shaqooyinkii uu qabtay markii dalku xoroobay, Xilliga ay is-barteen Madaxweye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) isaga oo ugu dambayn dar da aran mug leh ujeediyay Shacbiga Somaliland iyo Dhallinyarada.

Wasiirka oo shalay xafiiskiisa wareysi ku siiyay cilmi-baadhe ka tirsan Bahda Somaliland Today ayaa ugu horreyn si kooban uga warceliyay weydiin ku saabsanayd gu’gii iyo goobtii ku dhash ay, hanaqaadkiisa nololeed gaar ahaan waayadii uu yaraa iyo dhulalkii uu waxbarashada ku qa atay, waxaanu yidhi“Waxa aan ku dhashay magaalo-madaxda Gobolka Togdheer ee Burco, wax a aan ku barbaaray Koonfurta Soomaaliya (Dujuuma) oo aan u wareegay xilligii abaaruhu dha ceen sannadkii 1974-kii aniga oo waxbarashada hoose ku qaatay Dujuuma iyo Kurduwaarray oo ku yaalla Gobollada Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose, markii dambena Muqdisho ayaan imi. Xilliyadii ku xigayna Burco ayaan u soo wareegay oo aan joogay illaa 1987-kii oo aan u tallaab ay halgankii SNM”.

Mar la su’aalay xog-bixin gaaban oo ku saabsan qoyskooda gaar wahaan waalidka, walaalladii, ooryihiisa iyo ubadkiisa waxa uu yidhi “Hooyaday waa Faadumo Cabdi Jaamac Alle ha barakeey o’e markii hore gurigeyga Hargeysa ayaannu ku wada noolayn laakiin hadda Burco ayay ku noo shahay, . Waxa aan la dhashay afar wiil iyo laba hablood. Saddex xaas ayaan leeyahay carruur tayduna waa lix iyo toban waana maansha Allah”

Wasiirka Madaxtooyadda oo la weydiiyay wixii uu jeclaa markii uu yaraa inuu noqdo, waxa uu yidhi “Yaraantaydii waxa aan jeclaa waxbarashada, inaan wax noqdo iyo inaan wax yeesho gaa r ahaan gancsiga. Maan jeclayn waxyaabaha ay dhallaanku xiiseeyaan sida kubbadda oo kale oo xagga orodka waa la iga dheerayn jiray, kolkii ay dhawr jeer ciyaarteeda guul-darro igala kulantayna waan iska daayay”.

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka warramaya dareen nadii iyo duruufihii ku dirqiyay inuu ku biro jabhaddii SNM, waayihii dharaarahaas aloosnaa iyo dibindaabyadii milatariga Soomaaliya ku hayay barbaarta iyo rayidka waxa uu yidhi “SNM waxa aan ku biiray sannadkii 1987-kii oo ahaa xilligii uu socday halgankii SNM. Runtii waxa jiray dhiba at ooyin badan oo lagu hayay shacabka Somaliland, xilligaa dadkii da’dayda ahaa ee dhallinyar ada waxa horyaallay caqabado badan oo ka wadi kari waayeen waxbarashadii dugsiyada iyo jaamacadaha sababo ay ka mid yihiin dagaal, baadhis, haddidaad iyo adyad ay bulshadu maalin walba dadka ku haysay. Mustaqbalkii ayaa loo arkay inuu madaw galay markii la arkay dhibaat adii ay dawladdii keli-teliska (dictator) ahayd ay bulshada ku haysay.

Kaddibna Allaahuma Salli calaa Muxammade aragtidayda waxa ay ila ahayd in hagardaamadii wakhtigaa jirtay lala dagaallamo oo la iska dulqaado. Amintaa waxa aan ahaa nin dhallinyaro ah oo aan da’diisu weynayn laakiin waxa xasuus igu reebay rabshaddii markaa jirtay waxaanan u qalab-qaatay sidii aan ugu hawl-gali lahaa in meesha laga saaro nidaamkii Maxamed Siyaad Bar re, markii dambena (1988-1991) waa tii ay dagaalladu inna hadheeyeen”.

Wasiir Xirsi oo ka warramayay habkii uu ugu tallaabay SNM, dhulkii uu sii maray iyo halkii uu teg ay markii koowaad ee uu xuduudda dhaafay waxa uu yidhi “1987-kii markii aan SNM u baxayay waxa aan joogay Burco oo aan gaadhi ka raacay, tuulo ay dad xigaal ahi deggen yihiin ayaan sii maray kaddibna waxa aan ka lugeeyay meesha la yidhaahdo Balli-weyn halkaas oo aan uga sii gudbay Habuura. Bartaas waxa aannu u sii dhaafnay xarun kale oo ay saraakiisha SNM ku uru rinaysay barbartii halganka u tallawday. Macruuf bay ahaayeen (Geel dhoobo galay) dadkii go obtaas lagu ururinayay waxaanay ahayd xilligii bandooyada iyo nidaamyada qallafsan la soo ro gay.

Saraakiishii goobtaas dadka ku nidaaminaysay waxa ka mid ahaa ninkii la odhan jiray Ibraahin, waxa ka mid ahaa Jaamac-dhiif, waxa ka mid ahaa nin la odhan jiray Cawil-cirro, waxa ka mid ahaa nin la odhan jiray Abokor oo dheeraa aanan dhawaanahanna arag, C/Laahi Cali-suufi oo geeriyooday ayaa ka mid ahaa. Dabcan saraakiishii Maxamed Kaahin Axmed ka midka ahaa way joogeen ee tababarkan iyo ururinta dadka cusub qayb kama ay ahayn… Waxa nala siiyay aqoon ciidan oo la xidhiidho hannaanka askarinnimo”

La Soco Qaybta Labaad haddii Alle idmo

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)
saedmgahair@hotmail.com